Waa Maxay Afqalooc, Maxaa Se Keena?

Afqaloocu (Facial palsy) wuxuu ka dhashaa murqaha koontaroola qeyba ka mid ah wajiga oo daciifa ama noqda mid baralays ah. Xaaladan waxay ku timaada si dhaqsa ah ayadoo la arkin wax astaan ah kahor.

Maxaa sababa afqalooc

Xaaladan waxa sababa ilaa iyo hada macadda, laakin waxaa la rumeysan yahay in caabuq uu dhaawac gaarsiiyo neerafaha maamula murqaha dhinac kamid ah wajiga, xaalada badan oo caafimaad ayaa sababi kara iney daciifaan murqaha qeyb ka mid ah wajiga, amaba ay noqdaan baralays waxyaabaha kala oo sababa waxaa ka mid ah

  • Infekshan ama caabuq saameya Neerbaha wajiga
  • Jug soo gaarta madaxa
  • Jug soo gaarta qoorta
  • qalalka

Waa maxay astaamaca afqalooca

Afqaloocu wuxuu saameeya hal dhinac oo wajiga ah, wuxuuna khalkhal geliyaa kalsoonida qofka, wuxuu kaloo hoos udhigaa tayada nolosha qofka.

  • Xanuun wajiga ah
  • Madax xanuun ama wareer
  • Dhagta gadaasheeda oo xanuunta
  • Hadalka oo dhib noqda
  • Cunida iyo cabida oo dhib noqda
  • Dhareer soo daata
  • Indhaha oo ilmeeya
  • Afka iyo insha oo qaleel noqda

bukaanada aan awoodin iney isku daboolaan isha waxay ubaahan yihiin taxadar gooni ah, si looga hortago dhawac soo gaara indhaha oo raaga

Sidee loo daweeyaa afqalooc?

Waxaa laqiyaasaa ku dhawaad 80% dadka uu ku dhaco iney iskooda ubogsoodaan, inta soo hartay na waxaa lagu daweeyaa qaliin ama Chinese Medicine.

Check Also

uur qaadista, bacriminta, uurka,

Cunnooyinka Sare U Qaada Bacrinimada Ama Awoodda Uuraysiga Haweenka

Nolosha casriga ah ee stress-ka badan, qaabab nololeedka caafimaadka u daran iyo dawooyinka uurka looga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *