Waa Kuma Qofka Geesiga Ah Ee Guulaysta

Bulsho waliba dhaqan gaar u ah oo ay bulshooyinka kale ee ay dunida ku wada uumanyihiin kaga soocantahay ayaa jira oo ay leedahay. Dhaqanku waa fan dhan oo waxkasta ka kooban oo summad u ah dadkiisa, waa meesha laga dheehdo; heerka aragti ahaan, aqoon ahaan, ilbaxnimo ahaan iyo horumar ahaanba ay bulshadaasi taagantahay. Sidoo kalena Dhaqanku waa ka jaangooya qaab fekerka ummadda. Falkasta oo lagaga dhaqmo bulsho walba dhexdeeda si ay u qiimayso ayaa jirta, qiimayntaasina laba mid uunbay noqotaa; In lagugu ammaano laguguna bogaadiyo falkaa iyo In lagugu yaso oo haraan dusha lagaa huwiyo.

Badi dhaqanka Soomaalidu wuxuu salka ku hayaa diinteenna suuban ee Islaamka oo uu wax badan la wadaago inkasta oo ay jiri karaan tiro aan badnayn oo dhaqankeenna ka mid ah oo diinteennu cayday welise aynu iskaga sii dhegganahay iyada oo lagaba yaabo dhib mooyee in aynaan dheef ku qabin.

Geesinnimadu waxay ka mid tahay waxyaabaha faraha badan ee diinta iyo dhaqankeennuba ammaaneen, qofka sifadaa lehina uu dhiggii dheeraad ka sito. Suugaanta Soomaalida ee badda ah waxaa loogu tegayaa wax badan oo geesiga laga yidhi iyo qiimaynta lo hayo labadaba, sidaa si la mid ah ayay diinteennuna u ammaantay geesiga aan weedhiisa iyo warankiisa midnaba la baqin marka uu wanaagga ku difaacayo.

Waxay Soomaalidu odhan jirtay geesigu afar shaybuu geesi ku yahay:

  • Nin dulqaadkuu geesi ku yahay
  • Nin gacan-furnaantuu geesi ku yahay
  • Nin rag kala celintuu geesi ku yahay
  • Ninna dirirtuu geesi ku yahay.

Qofku in uu dulqaato, oo dadka uu la noolyahay gefka iyo gardarrada kasoo gaadhaysa u dulqaataa, waa nooc geesinnimada ka mid ah weliba teeda ugu qiimaha badan. Nebigu NNKHA waxa uu saaxiibadii waydiiyay “Ma taqaannaan ninka dadka ugu geesisan, waxay ugu warceliyeen in uu yahay ka warankiisa aan la waabin. Wuxuu u sheegay Geesigu in uu yahay qofka cadhadiisa muquuniya ee dulqaata”. Ninka wax quudha ee gacanta furan ee ka adkaada, dareenka lexo-jeclada ee innagu wada abuuran ee haddii uu xoogaystana qofka gumeeya ee bakhaylka ka dhiga isna la iskuma diiddana in uu geesi yahay. Ninka samo-taliska ah ee maalinta arrini maragto ee warmaha la isku gurto, u xusul-duubta baajinta dhiig sokkeeye isna waa geesi. Haddii dadka uu cadaw cidhiidhi geliyo, hadduu baane u socon waayo, xeeladi hadday socon waydo, dagaalkaba in maalintaa la isku badbaadiyaa waa daw’e, ninka warankiisa hore kasoo qaata ee aan dirir lagu cabsiin isna waa geesi.

Intan aan aniga iyo noloshu isku soo banbaxnay ee waa halkii Gaarriyee, waxkasku I haleelay, geesinnimadu dhadhan kale oo intaa aan sheegayba ka geddisan oo igala culus ayay ii yeelatay. Qofku halgan aan dhammaad lahayn illaa isaga ama dunida midkood dhammaanayo ayuu ku jiraa, halgankiisaas si uu uga dhabeeyo geesinnimada uu u baahanyahay ayaa waayadan danbe aad iigu muuqatay.

Wanaagga sheegistiisa oo aanad cidna uga habran iyo fekerkaaga oo aan cido kale u dabranayn ee waxa runta ah ee aad aaminsantahay falkaaga ku muujiso iyaguna waa geesinnimo qofeed weliba teeda ugu qiimaha badan ee ugu heerka sarraysa. Badi si aynu u raalligelinno hebello kale ayaynu been u sheegnaa ama ugu yaraan aynu xumaha caddayntiisa uga aamusnaa. Qof ahaanna liidnimada ugu weyn ee inna haysta ayay fulaynimada jaadkan ahi kow ka tahay.

Haddii aad awood u yeelato in aad ku guulaysato noloshaada oo aad run ka dhigto, haa, mid run ah oo dhalanteedka ka dheer isla jeerkaasna caqabadaha tirada badan ee kaa hor iman doona aad waajahdo, geesinnimo kaa dhiman oo aad raadisaa ma jirto. Ogow adiga iyo guushana wax aan qoraalka Alle SOK ahayni idiinma dhexeeyaan.

By: Xamda Maxamed Xuseen Cigaal
Support of the source

Check Also

qubayska biyaha kulul. hurdada, qubeeska

Qubayska Habeenkii: Biyaha Kulul Iyo Biyaha Qabow, Keebaa Hurdada U Wanaagsan?

Si aan u helno hurdo xasiloon, waxaan tijaabinaa caadooyin kala duwan iyo dawooyin. Qubayska hurdada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *