Waxaan halkaan idin kula wadaagaynaa qeyb cusub oo ka mid ah barnaamijkii aad wada jeclaydeen ee Cooking With Hafsa.
Qeybtaan ayaa ku saabsan sida la iskugu qurxiyo digir iyo dacar (aloe vera), alaabtaan ayaa ka mid ah waxyaabaha sirta ah ee ay inta badan isku qurxiyaan dumarka Japanese-ka waxayna isticmaalayeen mudo 1200 sano ku dhawaad ah.
Faaidooyinka digirtu ay leedahay maqaarka jirka waxaa ka mid ah, way dhalaalisaa oo way jilcisaa isla markaana way nadiifisaa maqaarka.
Faaidooyinka dacartu ay leedahay waxaa ka mid ah:
- Waxay daawaysaa gubniinka qoraxda ay gaarsiiso maqaarka
- way qoysaa maqaarka
- waxay daawaysaa finanka wajiga (acne)
- Waxay la dagaalantaa duuduubka jirka (wrinkles)