Uurka iyo Cayilka (SHEEKO YAAB LEH)

Uurka iyo cayilka

Hadda ka hor lamaane soomaaliyeed oo is qaba ayaa uur isu yeelan waayay muddo 4 sano ah, dhakhaatiir badan ayay la kulmeen kadib waxaa lagu la taliyay in shahwada ninka lagu beero xaaska si ay uur u qaado, waxayna la xiriireen xarun lagu sameeyo bacriminta uurka “IVF”, baaritaano ayaa lagu sameeyay waxaana loo qabtay ballan sadax bil ah in loo samayn doono arintaas, jaaniska in lagu guuleysto bacriminta ay tahay 50:50, qarashka ku baxayo oo aad u badan dartiis inay u soo diyaar garoobaan.

Ilaahay wuxuu qadaray in gabadhii ay Gym gasho oo jimicsi bilowdo, 2 bilood markay jimicsiga waday oo miisaan badan ka dhacay waxay isku aragtay astaamihii wallaca, dhakhtarka ayay timid iyadoo aaminsan inuu gaas hayo, waxaana loo sheegay inuu uur jiro, wayna rumayn waysay.

Maalintii ku xigtay, waxay isku raaceen dhakhtarkii ay balansanaayeen iyagoo ka shakkisan baaritaanka, waxayna la kulmeen kalkaaliso dhakhtarka la shaqeeysa, waxay kaalkaalisadii ku celisay baaritaan uur labaad inta aysan dhakhtarka u gelin.

Kadib lamaanihii oo warqaddii baaritaanka wata ayaa dhakhtarkii u galay, markuu jawaabtii baaritaanka arkay aad buu uga xumaaday, wuxuuna kalkaalisadii ku canaantay sababta ay uurka u baaartay amar la’aantiisa, kadibne wuxuu lamaanihii ku yiri: macquul ma ahan inaad uur qaadid, mararka qaarne baaritaanku qalad ayuu sheegaa ee daawooyinkaan soo qaado kadibne waqtigii aan balansanayn aan is aragno.!!

Lamaanihii oo ka shakkiyay lana yaabay xanaaqa dhakhtarka ayaa gurigooda ku soo laabtay waxayne go’aansadeen inay joojiyaan daawooyinka loo soo qoray.

Talo: Haddii aad uur yeelan wayso, dhakhaatiirtuna ay ku dhahaan wax cillad ah ma qabtid, ku dadaal inaad miisaankaaga yaraysid haddii aad cayilan tahay.

Alxamdulilaah gabadhii hadda way caafimaad qabtaa waxayne leedahay uur 6 bilood ah.

Wixii ra’yigaaga ah hoos na gula wadaag. Mahadsanidiin.

W/Q: Dr. Abdullahi A. Mahdi

-Somalidoc

Check Also

xanuunka dhimirka, islaweynida,

Xanuunka Dhimirka Ee Qofku Ismoodsiiyo Inuu Dadka Kale Ka Sarreeyo

Qabka iyo in qofku uu naftiisa aqoonsadaa, waa mid ka mid ah fureyaasha guusha. Waa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *