1. In Ujeedo cad laguu abuuray oo laguu keenay Aduunkan
2. In Alle uu had iyo jeer kula jiro
3. In aad tahay qof Muhiim ah
4. In aad leedahay karti
5. In wax kasta ay hagaagayaan
6. In culays kasta uu ka dambeeyo fudayd
7. In aad u qalanto waxyaabo waaweyn
8. In aad gaari karto meel sare
9. In wax kasta Aduunkan ay yihiin ku meel gaar oo aysan waarayn
10. In aad tahay qof degan oo dulqaad leh
11. In aad noqon karto qofka aad rabto
12. In wanaag badan kuu dambeeyo
13. In aad wax qaban kartid, hal abuurna leedahay
14. In aad Qurux badan tahay, Sharafna leedahay
15. In aad tahay qof firfircoon oo Hawlkar ah
16. In aad tahay qof adag oo go’aan leh
17. In aad sameyn karto isbedel dhab ah
18. In waqtigu yahay HADA
Qof kasta wuu isla hadlaa, Maskaxda bini’aadanku marnaba faaruq ma noqoto, mar kasta waxbaa ka dhex socda. Xusuusnow hadalada aad iskula hadasho, wixi aad u sheegto naftaada maalin kasta waxay kuu noqonayaan in ay kor kuu qaadaan ama hoos kuu dhigaan. Adigu ha is niyad jabin, Adigu hoos ha isu dhigin, Adigu nafta ha ku ridin rejo la’aan, Adigu ha is dhiibin.
Waxaan Aaminaa wixi aan Nafteena u sheegno.
U fakir si positive ah. Wax kasta ka eeg dhanka wanaagsan. U sheeg nafta wax wanaagsan.
U sheeg nafta Kheyr.
W/Q: Farah Cawaash