Todobo Ficil Oo Qofkii Sameeya Ay Malaa’iktu U Duceyso

Toddobada ficil ee qofkii sameeya ay malaaigtu u duceyso  waxey kala yihiin:-

1.  Sugidda Salaada lagu Sugo Salaada kale: Rasuula CSW, wuxuu yiri:- Qofkiin Intu Fadhiyo Halku Salaada ku Dukaday uusana Adduun ka Shekeen (Ama Aysan Weysada ka Jabin) Waxa u Duceyso Malaa’ikta, waxeyna Dhahan:- Alloow u Dembi Dhaaf oo u Naxariiso Adoonkaaga.

2.  Qofka Salaada ku Tukado Safka Hore iyo Safka Labaad: Nabiga CSW, wuxuu yiri:- Allaah SW iyo Malaa’iktiisa Waxey u Duceyeen Qofka ku Tukaday Safka Hore, Asxaabta waxay yiraahdeen:- Rasuul Alloow Safka Labaadna? Nabiga CSW, wuxuu yiri: Haa Waa ka mid yahay Safka Labaad.

3.  Qofka Salaada Subax ku Tukado Jameecada: Nabiga CSW, Salallaahu Caleyhi Wasalam Wuxuu yiri:- Ruuxii Salaada Subax Tukado, oo Fariisto Halku ku tukaday Salaada, waxaa u Duceyso Malaa’ikta, waxeyna Dhahaan:- Alloow Adoonkaaga u Dembi Dhaaf oo u Naxariiso.

4.  Qofka Salaadiisa Aamiinta Ku Daro Markasta: Nabiga CSW, wuxuu yiri:- Ruux Ma Jiro Dhaho Aaamiin Xiliga Salaada ilaa Haddu Jiro, Aamiintiisa Haddu Alle Waafajiyo Xilliga ay Malaa’ikta Aamiin Dhaheyso waxaa loo Dhaafaa Dembigiisa Hore iyo kiisa Dambe.

5.  Ducada Qofka Walaalkiis Muslimka ah u Duceeyo Isagoo ka Maqan: Rasuulka CSW, wuxuu yiri:- Qofkii u Duceeya Walaalkiis Muslimka ah Isagoo ka Maqan, waxaa Madaxiisa Istaago Malag loo soo Wakiishay ilaa uu Ducada ka Dhameeyo, wuxuu leeyahay Malaga Aamiiin, Adigana waxaad leedahay Inta ugu Duceysay oo Kale.

6.  Qofka Allaah Dartiis u Bixiyo Xoolahiisa: Nabiga CSW, wuxuu yiri:- Ma jiro Qof Bixibo Xoolo ilaa Haddu jiro, waxaa soo Dego Labo Malag, kan Koowaad wuxuu Dhahaa: ilaahoow Sii wuxuu Bixiyay oo kale, midka Labaadna wuxuu Dhahaa: ilaahoow wuxuu Heysto u Barakeey.

7.  Qofka Dadka Baro Kheerka iyo Wanaaga: Rasuulka CSW, wuxu yiri:- Allaah SW, iyo Malaa’iktiisa iyo Reeraha Samawadka iyo Reeraha Dhulka iyo Khuraanshada Godkeeda ku jirto ilaa Kalluunka Badda ku jiro, waxay u Duceeyaan Qofka Dadka Kheerka Bara.

Wabillaahi Towfiiq.

(ILAAHOOW IIMAAN SUGAN NA SII)

W.Q:- Macoow Ustaad

Check Also

qubayska biyaha kulul. hurdada, qubeeska

Qubayska Habeenkii: Biyaha Kulul Iyo Biyaha Qabow, Keebaa Hurdada U Wanaagsan?

Si aan u helno hurdo xasiloon, waxaan tijaabinaa caadooyin kala duwan iyo dawooyin. Qubayska hurdada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *