Timaha daata:
Maanta waxaan ka hadlaynaa timaha daata, runtii hablo badan baa isoo waydiiyay dhibatada timaha ku dhacda, Hadaba markii aan eegay codsiyo badan oo ah xaga timaha daadanaya, sidaa darteed, marka hore timahaan go’aya qaarkood waxa keena xaalad caafimaad daro iyagoo xoog u go’a marka la maydhayo , timo aayar aayar go’aya oo nafaqo la’aani hayso, iyo timo daryeelid la’aani ku dhacday daadashadooda. sababahaana keena marka hore.
Hadaba, waxaa jira todobada sababood oo ugu badan dhibta soo gaadha timaha dumarka xoogna u daadiya, waana kuwan hoos ku qoran:-
1. Low iron levels——dhiiga cas oo aad u hooseeya
2. Thyroid disorder——-hoormonka timaha la shaqeeyaa oo dhibaato soo gaadhay
3. Post-pregnancy hormonal changes—dumarku markay umulan oo iyadana hoormankoodu is badalo sababtana timahoo daata
4. Stress—–walbahaar welwelka badan, hurdo la’aanta badan
5. Medicaiton—-qofka dawooyinka qaata
6. hair colours—— dawooyinka timaha midabka laga badalo hadii uu qofka jidhkiisu diido, ka bacdi timaha xoog go?a
7. Low deficient diet——Nafaqada jidhka oo aad u hoosaysa iyadana timaha xoog u go’a
Dhibaatooyinkan aan kor ku soo sheegay waa noocyada ugu badan ee ku dhaca dumarka, timahoodana khasaare soo gaadhsiiya, wallow Somali ahaan aanaynu uba roonayn timaha ama aanaynu ahayn kuwo ka shaqeeya, hadana gabadhina ma jecla timaheeda oo go’a. Dhibaatooyinkan qaarkood waxaa sababa nafaqo darada jidhka.
Sideenaba Somali ahaan waxaynaa cunaa cuntooyin aan haba yaraatee quruxda gabadha waxba ku soo kordhin, oo ay ka mid yihiin bariiska huuriska, baasto iwm. Cuntooyinkan ayaa ah kuwo naftaada uun u samaynaya awood aad ku noolato se jidhkaagu wixii uu qaban laha ama kugu shaqayn lahaa adna aad u heli lahayd qurux dhalaalaysa haba yaraate kama helaysid cuntooyinkeena. Hadaba habloow sideedaba quruxda dumarka ayaa ah inaad jidhka la saaxiibtaan oo aad barataan cuntooyinka quruxda si aad uga badbaadaan timo daadanaya, jidh qayirmaya iwm.
Cuntooyinka aan cuno Somali ahaan waxaad mooda dhamantood inay yihiin cunto cafimaad daro kugu hogaaminaysa, tusaale ahan hadaan idiin soo qaato cuntada bisbaaska badan, saliida badan, subaga badan iyo sonkorta badan, intaasoo dhami wa u cadaw jidhka dumarka iyo timahooda.
Jidhkeena waxa jira (hormone) qaabilsan timahiina bixistooda, daadashadooda, iyo waxkasta oo timaha ku sabsan, waxa loo yaqaaan hoormankan (thyroid) hoormankan ayaa ah kaga ugu dhibta badan ee timaha xooga oga daadiya dumarka oo ku jira qoorta hore, dhakaatiirta qaar waxay idhaahdan duugis ba caawisa ah garabka hoostiisa oo loo yaqaano (scalp massage) waxaaa soo gaadha hoormoonkan dhib loo yaqaano (thyroid disorder) ka bacdi hoormonkan ayaa soo gaadhaan (thyroid disease) timaha go’aya ee dumarka arrintanaa ugu wayn oo ka masuula marka koowaad. Markaasay shaqada joojiyaan waxyabaha loo yaqano (hair growth) timihii soo baxayay . Hoormanka ayaa ah ka dadka bini aadamka ku keena markuu qofku yeesho hilib aad u badan ee cafimad daro ku timado, ama xoog u dhuubto qofku oo hilib badani ka lumo. Iyadan dumarku markay foolanayaan dhibato ayaa soo gaadha hoormankan wuxuu noqdaa wax loo yaqaano (over active or under active) markay gabadhu umusha ayay timo aad u badani ka daataan, gabadhu markay xaladan isku aragto waxa fiican inay dhakhaatiirta la tashato si ay u baadho dhiigageeda oo ay u ogaato waxay u baahantahay nafteedu si timahasi loo daba qabto daadanaya.
Timaha dumarka ka daata maalintii markay xaladani soo wajahdo waxa lagu qiyaasaa 50-100 xabo, Hadii uu qofku intaa xaladaa u ku jiro wax ka badli wayo naftiisa, waxa iyagan shaqadooda joojiya jidhka timaheenu ka soo baxo oo loo yaqaano (anagen, catagen & telogen) jidhkan oo ah lakabyo kala sareeya shaqooyin kala duwan ka qabta timaha ayaa daciifa ama gaba shaqoodiidii. Gabadhu makraa timahaa ay hore u haysatay uunba daata oo sii yaraada se timo ma soo kordhaan haday xaaladahani jiraan.
Inantii awoodaysa waxa fiican inay timaha u samayso bishii mar gooyn iyo uumis, qofku wa inuu cuntooyinka timaha loogu tala galay cuno, fiitamiinada timaha cuno, sidaan qabo runtii ama quruxda dhabta ah ee dumarka ayaa ah wixii aad cunto uun baad noqonaysaa.
Hadaba, cuntoyinka quruxda ama loo yaqaano (beauty food) ayaa ah kuwo sidoodaba inta badan dhadhan xun se qofkii is bara wuu la qabsanaya, cuntooyinkan ayaa ah kuwo ka kooban khudaar oo dhan wixii aad ka cuni karto.
Isku daya inaad noqataan kuwo jidhkooda ilaaliya, daryeela la jaan qaada cuntooyinka quruxda u gaarka ah , waxaad ogaataan caafimaadkiinuna wuxu noqonaya mid libin laab ah inta aad nooshihiin, qurux aan guurayn, iyo jidh aan qayirmayn waligii.
Gabadhu wa inay la xisaabtanto nafteeda oo ay is waydiiso maxad u cuntay timaha oo aad faaiidoonta? Maxad u cuntay wajiga oo ku samayn doona qurux? Maxaad u cuntay cidiyaha oo gacmaha qurxin doona?
Jidhkeena ayaa ah mid aad u cajiiba dadku waxay u haystaan meelaha aadka u mihiimka ah wadnaha, kalyaha wallow ay yihiin hadana waxaa sii cajiibsan aadna shaqsi ahaan ii xiisa galiya jidhkeena sare iyo xubnaha qaabilsan quruxda dumarka. Anigoo jecel inaan ka shaqeeyo caawinta jidhka dhibaataysan ama u baahan talooyin gaara xaga cuntada, duugista, daryeelida , iyo qurux dumar oo dhan, iyo waliba anigoo aad u jecel mustaqbal Insh Allaah inaan caawiyo si gaara ugu shaqeeyo Habalaha somalida Ah!….
jidhkeena ayaa ah mid sidaad ula dhaqato kuula dhaqmaya, jidhkan ayaa ah mid quruxda dumarka si caajaa’iba oga qayb qata hadii la daryeelo oo lala socdo wuxu u bahanyahay, quruxda dumarka ayaa aad u muhiima sida timaha, wajiga , gacmaha. Jidhkan ayaa ah mid u bahan in si gaara loo ilaaliyo oo aanaydun ku dheel dheelin idinkoo dilaya jidhka Ilahay (SWT) ina siiyay ee cajaaibka ah.
Hadii aan tusaale kale idin siiyo hablaha aan ka xumahay ee wax iska mariyay jidhka ama baco ku xidhxidhay kulayl ,habeen, kulana xidhay kimikal. Waxaa qabaa jidhkaasi oogadiisa sare iyo ta labaad ee loo yaqaano (Epidermis & dermis) waxaa ka daboolma daldaloolada jidhka bini aadamka, runtiina hablaahis waxkastooy cunaan iyo fitiimin kasta oo ay sameeyaan ma soo gudbaniyo jidhkani dhibaatadu soo gadhay awgeed. Hadaan idiin sii yar sharaxo tusale kale gabadhu markay isku wada dheeli tirto fitamiin iyo cuntooyin waxay hesha timo qurux badan, waji dhalaalay oo samaynaya (glowing skin) intaana waxa soo gudbiya jidhkeena sare, se hadii aad dabooshay oo aad dhibaato soo gaadhsiisay hoosta uunbuu ku haynayaa (nutrients) uu soo gudbin lahaa.
Waxyabahan ayuu qofku cuni kara ama isticmaali karaa markay timuhu daadanayaan:
- Cuntooyinka khudaarta ah, saladhka, lawska, Kalluunka, digirta iyo caanaha
- Biyo aad u badan wa inuu qofku cabaa ugu yaraan 10 koob malintiii
- Vitamin- B, B6, B12 —-fiitamiinkani wuxuu deg deg u soo celiya timaha waxaanu caawiya hoormon ka dhibatadu soo gadhay.
- Iron- fiitaminkani wuuxu joojiya daadashada dhiiga casna wu kordhiyaa haduu yar yahay, waayo wareega dhiigu haduu xunyahay, ama uu yaryahay saamayn wayn buu ku leeyahay timaha dadaaanaya
- Malab iyo beedka inta cad oo lagu daray (olive oil), hadii lagu duugo ilaa 20 daqiiqadood, waxay ka caawisa timaha qalaylka badan iyaduna.
Allaa Mahad leh
Amina Abdilahi Mohamed
Holistic therapist & skin specialist