
Dad badani waxa ay aaminsan yihiin si noloshooda ay u wanaajiyanaan keliya inay u baahan yihiin inay iska gooyaan caadooyinka xun xun, balse baaritaannada cilmi waxa ay muujinayaan in farxadda qudheedu ay tahay shay awood badan oo qofka u horseedi kara isbedel togan. Halkii aad diiradda ka saari lahayd caadooyinka ay tahay inaad iska gooyso, taas bedelkeeda farxadda ayaad u adeegsan kartaa si aad noloshaada isbedel wanaagsan ugu samayso.
Farxaddu ma ahan dareen keliya. Waxa ay ballaarisaa fikirkeenna, waxa ay naga caawisaa inaan gaarno go’aanno wanaagsan, waxa ay wanaajisaa caafimaadkeenna iyo xiriiradeenna.
Hadaba qormadaan waxaan ku soo qaadanaynaa qodobo kobcinaya farxadaada, islamarkana isbedel wanaagsan u horseedaya noloshaada.
Samayso caadooyin wanaagsan oo maalinle ah:
Maalintaada ka buuxi caadooyin fudud oo farxad ku siinaya, taas oo yaraynaysaa fursadda caadooyinka xun xun. Waxa ay noqon karaan inaad aroortii aad lugayso ama jimicsi kale aad samayso, inaad buug akhrido ama inaad dhageysato podcast dhiiragelin ah.
Samayso yoolal:
Inaad leedahay yoolal waxa ay kuu fududaynaysaa inaad joogteyso caadooyinka wanaagsan. Isweydii: qof noocee ah ayaan rabaa inaan noqdo? Maxaan doonayaa inaan gaadho lixda bilood ee soo socota hadduu Alle idmo? Marka waxa ku dhiirageliya uu gudahaaga ka imaanayo, islamarkaana uu yahay wax macno leh, dhiirragelintaas waxa ay noqotaa mid waarta.
Xooji xiriiradaada bulsho:
Daraasad ay samaysay jaamacadda Harvard, ayaa tilmaamaysa in xiirada adag ay yihiin mid ka mid ah waxyaabaha ugu waaweyn ee qofka siiya farxad waarta.
Haku hareeraysnaadaan dadka kugu garab siiya horumarkaaga, una samee waqti tayo leh oo aad la qaadato.
Haka raadin farxadda jidad qaldan:
Waa in aad iska ilaaliso siyaabo ama habab aan sax ahayn inaad ka raadiso farxad, kuwaas oo laga yaabo inay muddo gaaban ku farxad geliyaan, laakiin ugu dambeyn aysan keeni doonin farxad waarta ama natiijooyin wanaagsan. Dadka qaar waxay farxad ka raadiyaan baraha bulshada, cunista cunnooyinka qashinka (junk foods) ama dukaamaysiga.
Arrimahani waxa ay ku siinayaan farxad ku meel gaar ah. Taas bedelkeeda, ku dedaal meelaha farxadda laga waarta, sida cibaadeysiga badan, horumarinta nafta, xiriirada wanaagsan iyo himilooyin ama yoolal qiimo leh.
Kufitaanka fursad ka dhigo:
Inaad kufto ceeb ma ahan balse inaad kici weydo ayaa daran. Xitaa dadka farxadda badan waxaa soo martay ayaamo aan wanaagsanayn, laakiin waxay ka qaateen casharro iyo waayo-aragnimo nololeed. Haddii aad dareemayso cidlo iyo kelinimo waqti la qaado saaxiibkaaga, haddii aad dareemayso stress, samee jimicsi. Caqabaduhu waxa ay kaa caawinayaan inaad nafsad ahaan noqoto qof adkeysi leh.
Qaabee bii’adaada:
Caadooyinka qofka waxaa saamayn ku leh dadka ku hareeraysan. Haddii ay dadka kugu hareeraysani leeyihiin caadooyin aan wanaagsanayn, way adag tahay inaad samayso isbedel. Raadso dadka kugu dhiirrageliya horumarkaaga, iskana jar kuwa saamayntoodu ay taban tahay ee kaa hortaagan isbedelka.
Samayso hadafyo yar yar:
Haddii aad dareemayso xamaasad la’aan, ku bilow tallaabooyin yar yar. Xitaa guulaha yaryar waxa ay leeyihiin saameyn weyn, taas oo macnaheedu tahay in guushaas yar ee aad gaartay ay kuu horseedi karto inaad qaado tallaabooyin kale oo wanaagsan.
Marka aad ku guuleysato hawl fudud, waxaad dareemaysaa dhiirragelin, taas oo kugu dhiirrigelin karta inaad horumar ka samayso hawlaha kale ee noloshaada. Tallaabooyinkani waxa ay noqon karaan socod gaaban oo lugta ah, inaad qorto saddex nicmo oo waa wayn oo aad haysato ama inaad doorato cunnooyinka uroon caafimaadka.
Ku bilow isbedel yar maantaba:
Farxaddu ma ahan wax la raacdeeyo balse wax aad uubaran karto. ku bilow maantaba tallaabooyin yar yar sida inaad hiwaayad cusub samaysato ama inaad qorto wax aad sugayso. Tallaabooyin yar yar ayaa kuu horseedi isbedello waa wayn.
Marka farxadda aad ka dhigato shay aad u adeegsato isbedelka noloshaada, waxaa kuu suurtagalaysa inaad abuurato caadooyinka ku siinaya dareen wanaagsan, sida oo kalena, kaa caawinaya inaad si wacan u korto.
W/Q: Hirsi Ahmed