Tiirarka Ugu Haboon Ee Lagu Gaadhi Karo Caannimada

Aadamaha badankiisu caannimada ayaa uu jecelyahay, laakiin waxaa marar badan ka qaldanta dariiqa uu u marayo. Waxaa taas ka sii dhib badan in ay mararka badan ka qaldanto qeexda caannimada ama uu garan waayo nooca caannimo ee uu helayo, iyo haddiiba uu helo sida uu uga faa’idaysanayo.

Caannimadu waxa ay noqon kartaa qofka oo magaciisa iyo muuqiisa bulshadu aad u barato, waana midda ay u badantahay caannimada si degdegga ah lagu gaadho, gaar ahaan dadka baraha bulshada lagu yaqaanno. Caannimada ugu fiicani middaas ma aha, waa se midda uu qofku saamayn ku yeesho bulshada, tusaale ahaan in uu yahay dadka rayulcaamka jihayn kara, dood bulshana abuuri kara. Caannimada noocan ah oo aynu ku tilmaami karno midda saxda ahi waxa ay u baahan tahay hal shardi oo muhiim ah; waa in qofka caan noqonayaa uu kalgacal iyo xurmo ka kasbado quluubta bulshada.

Tiirarkan hoose waxa ay ka mid yihiin, kuwa ugu habboon ee uu qofku u mari karo caannimada saxda ah:

1. TIIRKA KOOWAAD: In aad wanaajiso xidhiidhka adiga iyo Alle idinka dhexeeya:

Qur’aanka suuradda Maryam aayadda 96, waxa uu Alle inoogu sheegay hadal macnihiisu yahay, “Alle kuwa rumeeya, camal sanna la yimaadda, in uu qalbiyada dadka u geliyo kalgacal”

Sida ugu wanaagsan ee aad u wanaajin karto xidhiidhka adiga iyo Allaah idinka dhexeeyaa waa:

  1. Waa in aad rumayso warkiisa,
  2. In aad ku raalli noqoto qoraalkiisa (Qaddarka),
  3. iyo in aad awaamirtiisa aad raacdo.

2. TIIRKA LABAAD: in aad wanaajiso xidhiidha aad naftaada la leedahay:

Xidhiidhka uu qofku bulshada la yeelanayo waxaa sees muhiimad u ah, xidhiidhka uu marka hore Naftiisa la leeyahay. Xidhiidhka fiican ee nafta lala yeeshaana waxaa uu ka bilowdaa, is-aqoonsi, iyo in uu qofku Naftiisa qaddariyo, kuna qaato (Aqbalo) abuurteeda iyo qofka ay tahay, iyo in shakhsiyaddiisa uu bulshada u bandhigayaa aanay noqon mid uu buunbuuniyey, faaniyey oo inteeda runta ah ka weyn, ama mid uu quudhsaday oo qaddarkeeda runta ah uu ka yareeyey.

Iska jir in aad bulshada isku barto in aad leedahay aqoon iyo karti aanad lahayn, ha ku dhiirran in aad qabato hawl aad ogtahay in aanad heerkeeda ka soo bixi karin, hana ku degdegin in aad ku faanto wax aanad ahayn. Wax kasta oo aad qabanayso ku salee heerka naftaadu run ahaan joogto. In aad iska sarraysiisaa waa jaahilnimo iyo kibir, in aad iska hoosaysiisaana waa naftaada oo aad quudhsatay. Labada xaaladoodba waxa ay keenaan in naftaada aad nacdo, in aad xidhiidhka bulshada ka khajisho adiga oo ka cabsi qaba in ay ogaadaan in aanad ahayn qofka aad sheegatay, ama in aad naftaada haaraanto adiga oo ku canaanaya in ay awooddeeda runta ah soo bandhigi kari weyday.Xidhiidhka bulshada aad la leedahay waxaa wanaajiya, in ay ogaadaan in waxa ay kuu barteen uu yahay waxa runta ah ee aad tahay.

LA SOCO QAYBO KALE …

W/Q: Kamaal Marjaan

Check Also

4 Hab Oo Masuul Kasta Uu Ku Kasban Karo Dadka Shaqada Uu Ku Maamulo

In xidhiidh kalsooni ahi uu dhex maro maamulaha iyo shaqaalaha uu la shaqaynayo ama guud …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *