Talooyinka Guurdoonka Qaybtii 3-Aad

5. Reer Baad Guursanaysaa

Badi dadku xilliga haasaawaha ka ma fekeraan sodogga, soddohda, seeddiyada iyo dumaashiyaha, weliba si gaar ah soddohda iyo dumaashiyaha. Waxay labada qof diiradda saaraan isbarashadooda, jamashooyinkooda, dareemadooda, iyo sheekooyinka ay isku jalbeebinayaan. Kolka la is guursado se, qofba wuxuu la imaanayaa reerkiisa oo wata oodihiisa. Waxa isku imaanaya reero kala aragtiyo iyo hab-nololeed duwan oo uu mid waliba wato mushkilaadkiisa. Badi labada qof iyagaa is doorta, waxayna fishaan in ay noloshooda u madaxbannaanaanayaan boqolkiiba-boqol. Xaalku se sidaa ma aha. Qofka aad is-guursanaysaan, qoyskiisana xidhiidh cusub ayaa idiin bilaabmaya. Haddii uu yahay qoys aad is-fahmaysaan, waa maasha Allaah, haddii aanu ahaynna, meelna ku kala tegi maysaan inta aad wada nooshihiin qofka aad is calmateen. Sidaa daraaddeed, doorashada qofka aad doonayso inaad nolosha la wadaagtid, sidoo kalana ku dar inaad reerkiisana doorato. Kolka hore iska hubi qoyska aad ka guursanayso. Haddaad aragto calaamado waawayn, ha dhayalsan. Waayo, labo reerood oo isku darsamayaa waxay in badan ka hawl badanyihiin labo qof oo nolosha isku darsanaya.

Daraasaad laga sameeyay dad is-guursaday, waxaa lagu ogaaday in qanacsanaanta uu qofku ku qanacsanyahay sodoggii iyo soddohdiisa ay si xooggan u la xidhiidho guud ahaan farxaddooda qoysnimo. Gaar ahaan waxa la ogaaday in dareenkaa farxadeed uu sii xoog badan yahay kolka wiilka ama gabadhu ay xididkooda ka helaan malko iyo boos ka mid ahaansho. Marka laga tago ka fiirsashada hore ee cidda aad la xididayso qoys ahaan, sidoo kale waxaa laga fahmayaa in marka aad guursatana ay muhiim tahay inaad dhisto xidhiidhka adiga iyo xididkaaga idin ka dhexeeya oo aadan ku koobnaan uun dhisidda xidhiidhka qoyskaaga, taasina, sida daraasadda laga dheehan karo, waxay u wanaagsantahay isla guurkaaga farxaddiisa.

6. Cid la Tasho

Kolka horaba guur waa milgiyo maarsin kala waaye

Ragga qaarse u ma meel-dayee wayska mehershaaye

Anse waxaan ka miidhaa halkaan laga masuugayne

Haddaan la la mashaawirin tolkaa adiga oo maad le

Oo laga ma maarmee tashiga odayo loo miirin

Ninkii kaligii maalootiyaa meel xun waw halise.

—Cabdi Gahayr

Waxaa jira labo tallaabo oo muhiim ah oo qofka iyo ogaalkiisa ka baxsan, una muhiim ah in uu ku daro tallaabooyinka doorashada lammaanaha. Labada tallaabo mid waa in aad cid la tashato, midda kalana waa inaad tukato Salaadda Istikhaarada. Istakhaarada waan u imaan doonnaaye, aan ku horreeyo in aad cid la tashato.

Ka hor inta aadan gaadhin go’aanka ah inaad qof nolosha ku la midowdo, waxa habboon in aad cid ka la tashato. In badan oo dhallinyarada maanta nool ahi waxay u badantahay in ay arrintaasi ka il-duufaan. Dabcan in ay il-duufaanna waa dabci dhallinyaronimo oo jira, oo waatii horay loo yidhi, “Labaatanjir intuu geed ka booduu talo ka boodaa.“ Waayo, waxaa dhici karaysaba in aanay u muuqan sababta uu u la tashanayo cid kale mar hadduu doonayo in uu guursado qofkan uu calmaday.

Qofka guurdoonka ah hadduu dhallinyaro yahay iyo haddu qof wayn yahayba, waxaa habboon in uu cid la tashado. Waxaan soo xusnay in ay jiraan xaglino maskaxeed (biases) oo ay ka mid tahay xaglin-maskaxeed lagu magacaabo xaglin xaqiijimeed (comfirmation bias), taasoo qofka ka qarisa iimaha qofka uu jecelyahay, oo waxaa ka xidhma qaybo badan oo caqliyeed oo u fududayn lahaa in uu wax ku eego indho fiiro dheer oo ay feejignaani weheliso. Sidaa daraaddeed, tashiga aad cid ku habboon ka la tashato qofka aad guursanayso, ka hor inta aadan gaadhin go’aanka guurka, waxay kaa badbaadin karaysaa inaad qaadato go’aan aan habboonayn oo aad hadhow ka shalayso.

Eeg haddaba; waxaan idhi, la tasho qof ku habboon, qofka habbooni waa qof aqoon u leh qofka aad doonayso in aad guursato ama aad waayo-aragnimo kale ku tuhmayso. Wuxu noqon karaa qof ehelkaaga ama ehelkiisa/keeda ah. Arrinta labaad ee muhiimka ahna waxa weeye inaad dhowr qof ka la tashatid oo aadan qof kali ah ku eekaan, waayo waxay xog kaa siinayaan daaqado kala duwan, wax aanu midba midka kale ka la ogayn qofkaa. Arrinta saddexaadna waxaa weeye inaad xogtaa aad heshay aadan iska qaadan ee aad dhiraandhiriso oo aad eegto waxa ay isaga mid yihiin iyo waxa ay ku kala duwanyihiin, adiga oo aan ku eegayn idho jamasho.

7. Istakhaarayso

Tan doora Rabbaa yaqaan

Ka dooro adaa yaqaan.

— Hadraawi

Kolka aad cid la tashato, waxaa habboon inaad istakhaaraysato oo aad Ilaah kaashato. Cid kasta oo aad la tashato, wuxuun bay ka ogtahay wixii la xidhiidha aqoonta ay qofku u leeyihiin iyo waaya-aragnimadii ay nolosha u soo joogeen. Aadanuhuna wuxuun buu cilmiga Ilaahay ka ogaan karaa, inta uu Rabbi u ka garansiiyo, cidda kali ah ee cilmiga furayaashiisa gacanta ku haysaa waa uun Alle, SWT. Isagay tahay inaad is hoos dhigto, isu dullayso oo aad gacmaha hoos-dhigato, si uu kuugu dooro qofka kugu habboon adna aad ku habboontahay.

Nabigu, NNK, mar kasta oo arrini cuslayso wuxu gali jiray salaad. Ilaahayna waa tan uu Quraanka ku leeyahay, “Kaashada sabirka iyo salaadda”. Salaadaha uu Nabigu saxaabada bari jiray waxa ka mid ah salaadda Istikhaarada. Jaabir Ibn Cabdullaahi, RA, wuxu yidhi: Rasuulku, NNK, wuxu salaadda istikhaarada noo bari jiray sida Quraanka oo kale. Macnaha Istikhaaradu waa in aad Ilaahay wayddiisato in uu kuu dooro midda habboon arrinta markaa ku walwal gelinaysa. Doorashada guurka kolka la joogana waxay noqonaysaa inaad Ilaahay wayddiisanayso in uu kuu dooro qof ku habboon noloshaada, adna aad ku habboontahay noloshiisa.

Sidee loo Tukanayaa Salaadda Istikhaarada?

Salaaddu waa labo rakcadood oo kali ah oo ka baxsan salaadaha waajibka ah. Sida salaadaha kale aad ugu soo wayso qaadato ayaad Salaadda Istikhaaradana ugu wayso qaadanaysaa. Waxaad tukanaysaa labo rakacadood oo rakacada hore iyo rakacada labaadba waxaad akhrinaysaa suuradda Al-faatixa iyo suurad kale oo kuu fudud, dabadeedna markaad salaadda ka baxdo, waxaad akhrisanaysaa ducadan hoose ee uu Nabigu tilmaamay in la akhristo (hoos ka eeg). Haddii aadan ducada xafidsanayn, kolka aad salaadda ka baxdo, boggan jeexo ama ka akhri ducada oo Ilaahay ku bari.

Macnaha ducada:

Ilaahayow khayr baan ku wayddiistay, maaddaama aad wax walba ogtahay, oo awood baan ku wayddiistay, maaddaama aad tahay mid wax walba kara. Fadligaaga wayn baan wax kaa wayddiistay. Ilaahayow wax walba waad kartaa, anigu se waxba ma karo; wax walba waad og tahay, anigu se waxba ma ogi, adigaana ah midka og wax wal oo maqan.

Ilaahayow haddii aad ogtahay (hebla/hebel) in uu u wanaagsanyahay diintayda, noloshayda adduunyo, iyo cidhibtayda aakhiro, ii qaddar oo ii qorshee, ii fudaydi sidii aan u heli lahaa, iina barakee.

Haddii aad ogtahay (hebla/hebel) in uu u xunyahay diintayda, noloshayda adduunyo, iyo cidhibtayda aakhiro, Ilaahayow iga leexi, anigana i leexi (iskaayo waydaari oo ha isku kaayo beegin); Ilaahayow khayrka ii qaddar oo igu beeg meel kasta uu yaal, igu qanci oo iiga dhig mid aan raalli ku ahay.

DHAMMAAD.

Mubarak Hadi

Garaadso Intaadan Guursan

Amazone: https://www.amazon.com/Garaadso-Intaadan…/dp/9758738658

Check Also

cuntooyinka, casho, cashada

10 Cunto Oo Ay Qalad Tahay In Lagu Casheeyo Iyo Sababta Caafimaad Ee Loo Diidayo

Bismillahi, waxaan qoraalkaan kaga hadlayaa cunnooyinka aanan habboonayn in aan lagu casheeyoo taasoo caafimaadka u …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *