Talooyinka Guurdoonka Qaybta 2-Aad

3. Wakhtigaaga qaado

Ha degdegin; wakhtigaaga qaado. Ha u guursan in saaxiibbadaa guursadeen darteed. Guurso kolka aad guur diyaar u noqoto heshana qofkii aad isku habboonaydeen. Kala garo guur iyo aroos. Aroosku waa xaflad maalin iyo labo socota, guurku se waa masuuliyad wayn oo ilaa iyo gabowga guudka kuu saaran.

Waan ogahay in gabdhaha culays iyo cadaadis lagu saaro in ay horay u guursadaan, maaddaama uu wakhti ku socdo oo lagu yidhaahdo erayo ay ka mid yihiin “Ha guumoobine guurso” ama “Goblan ha noqone iska guurso”. Ilaa heer rag iyo dumarba lagu la taliyo, “Wax lagu talo xuumaado guur baa ugu wanaagsan.” Waa dareen jira. Kolka loo eego noloshii shalay siday ahaydna, mararka qaarkood run noqon karaysay, laakiin maanta laga habboonyahay. Noloshii shalay ma aha tan maanta, habfekerkii shalayna ku ma qaabbili karayno nolosha maanta. Noloshu maanta way ka kakantahay kana hawlo iyo mashaakil badantahay tii shalay. Dadku dadkii ma aha. Wixii la xeerin jiray iyo dadku sidii ay isugu xidhnaayeen ma jirto. Shalay furitaanka waa laga qajili jiray oo gabadhu ”waa la furay” in la yidhaahday ka carari jirtay, ninkuna seeddiyadii iyo soddogii buu ka xishoon jiray, maanta se intaasuba waa iska caadi ama waaba cagsiga! Sidaa daraaddeed, ha is dedejin.

Ku ma odhanayo wakhtigaagu ha iska furnaado, waayo haddaad gabadh tahay wakhti baa kugu socda, se waxaan ku leeyahay wakhtigaaga talo qaado. Ha ku gaadhin go’aan guursi degdeg ah. Ka fiirso oo ka baaraandeg. Hadhow intaad naftaada hiifi lahayd, maanta u adkayso hadalka ehelka iyo qaraabada. Wakhtigaaga qaado oo yaanu wakhtigu haasaawe bilaa macno ah kaaga lumin.

Haddaad wiil tahay oo aad gabadh u haasaawe tegayso, waa gabadh uun ha ugu haasaawe tegine gaari, dhabayl, ama qariyad aad ku aammini karto inay noqoto carruurtaada hooyadood ugu haasaawe tag. Haddaad tahay gabadh oo aad wiil wakhtigaaga siinaysana, waa ina-rag uun wakhtigaaga ha u siine naftaada iyo ubadkaaga nin aad berri ku aammini kartid wakhtigaaga sii.

Waxaa laga yaabaa inaad is wayddiinayso, “Ha degdegina waad tidhiye, ka warran haddii aan ka baqayo inaan macaasi ku dhoco?” Waa wayddiin muhiim ah oo meesha ku jirta, walow aanay dhallinyaradu sida ay u badan tahay u guursan in ay dhowrsoonaadaan ee ay jacayl indho la’ iyo hebel/heblaba waa guursataye guurso ay u guursadaan, haddana haddii aad ka baqayso inaad macaasi ku dhacdo, in aad soonto ayuu Nabigu (NNK) ku taliyay.

4. Iska eeg Calaamadaha Cascas

Nin la yidhaahdo Joe Amoia oo ah la taliye arrimaha haasaawaha baa wuxu yidhaahdaa: “Badi dadku waxay iska indhatiraan calaamadaha cascas, waayo laxaw ahaan diyaar u ma aha in ay aqbalaan runta hortooda taal. Haddii ay calaamadahaa cascas u arki lahaayeen sida ay yihiin, qirina lahaayeen khatartooda, waxay gaadhi lahaayeen go’aan aanay laxaw ahaan diyaar u ahayn in ay gaadhaan.” Si fudud haddii aan u dhigo, wuxuu leeyahay, baqdinta ayaa badi dadka u diidda in ay arkaan calaamadahaa cascas oo maaddaama uu dareen jacayl u hayo noloshiisuna wax badan oo xiiso ah qofkaa u qabto, haddii uu eego khaladaadkiisa wuxu ka baqayaa in uu waayo.

Si aanu iimo iyo wax uu ku dhibsadaba u arag, kolka horaba qofku wuxu ka cararaa in uu qofkan uu la haasaawayo uu su’aalo iska wayddiiyo. Waa run oo aadanuhu sidiisuba kolka uu wax jeclaysto ee uu doono in uu helo, dabiiciyan wuxu u janjeedhsamaa in uu wax ka eego dhanka calaamadaha cagaaran (inta uu ka jeclaysanayo). Daniel Kahneman, buuggiisa Thinking Fast and Slow ee uu kaga hadlayo xaglimaha (biases) iyo hababka hawlfududayska ah ee ay maskaxdu go’aammada u gaadho (heuristics), wuxuu ku tilmaamayaa in xaglin la yidhaahdo xaglinta xaqiijimeed (Confirmation bias) ay dadku ku dhacaan kolka ay doonayaan in ay helaan wax ay jecelyihiin.

Tusaale, qofku marka uu jeclaysto in uu soo iibsado gaadhi waxay u badantahay qofkaasi in uu raadraadiyo uun waxa uu gaadhigaasi ku wanaagsanyahay. Maaddaama ay maskaxdu dabiiciyan tahay xubin hawl badan qabata, sidoo kalana hawshaa badan ee ay qabanayso darteed tamarta kaydisa, qofku kolka uu go’aan gaadhayo ama wax dooranayo isagoo hawl ka carar ah wuxuu adeegsadaa maskxada qaybteeda degdegga u jawaabta (system one). Sidaa daraaddeed, qofku kolka uu qof jeclaado wuxuu jeclaystaa maqlidda wanaagyada qofkaas. Waa tii uu Imaamu Shaafici yiri hadal macnihiisu yahay, “Isha qanacsani ceeb walba waa ka indhasaabantahay.”

La soco qaybta 3-aad

Qore: Mubarak Hadi

Garaadso Intaadan Guursan

Check Also

guurka gabdhaha yaryar, odayaasha

Sababaha Ragga Waa Wayn Ay U Jecel Yihiin Guurka Gabdhaha Yaryar

Waxaa jira lammaanayaal badan oo da’a  da’a ahaan aad u kala wayn. Inta badan xiriiradan ninka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *