Muddooyinkan dambe sheekooyinka ugu dhegeysiga, akhriska ama daawashada badan ama dadku aad ugu haasaawaan dunida oo dhami, waa kuwa la xidhiidha dhimista miisaanka iyo talooyinka caawinaya. Sababtaas awgeed ayaa uu mawduucani noqday mid cid kastaa aragtideeda ka dhiibato, fikirna ku darsado, sida oo kale dad badani uga faa’iidaystaan arrimo xayeysiis iyo ganacsi la xidhiidha, iyaga oo dadka u sheegaya talooyin aan waxba ku soo kordhinayn miisaan dhimista.
Qormadan oo aynu ka soo xigannay shabakadda wararka ee Alcarabiya, waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah talooyinkaas oo qaarkood ah kuwo aan waxa la sheegay waxba ka tarayn, qaarna xaalka ugaba sii daraan.
Waxa se marka koowaadba muhiim ah in aad meel ku gunuddo in aanay jirin talooyin badan oo miisaan dhimista la xidhiidha oo ay dadka oo dhami wadaagayaan. Tusaale ahaan nooca dhiigga qofka ayaa saamayn gaar ah ku leh kuwa ay yihiin talooyinka anfacaya, sababina kara in talo qof ku faa’iiday aanay qof kale waxba u tarin.
Cunto joojinta ku meelgaadhka ah:
Cuntada oo aad yarayso, isla markaana habayso waqtiyada aad cunayso iyo sida aad u cunaysaa waxa ay ka mid tahay arrimaha ugu muhiimsan ee caawiya dhimista miisaanka. Laakiin in cuntada muddo la dhimo, kaddibna mar labaad dib loogu soo noqdo cunto cunistii hore, waxa ay ka mid tahay xaaladaha marka hore miisaanka dhima, laakiin isla marka uu qofku dib u bilaabo uu miisaankii dhaqso u soo noqonayo. Talada ugu habbooni waa in aad yarayso cuntadaada, nidamaiso waqtiyada aad cunayso, go’aamiso nooca cunto ee aad cunayso, oo aad weligaaba laasimto oo aanad ka guurguurin.
Gaajada iyo miisaan dhimista:
In la raaco nidaam cunto qaadasho ee jilayaasha iyo dadka caanka ahi raacaan oo ah in nafta gaajo aad ah lagu hayaa, waa run in ay miisaanka dhimayaan, laakiin dhakhaatiirta iyo xeeldheereyaasha caafimaadka cuntadu waxa ay ka digayaan in gaajada badani ay caafimaad darro badan ku keento qofka. Dhibta ugu weyn ee ay keentaa waa in ay dhaawacdo awoodda dabiiciga ah ee uu jidhku u leeyahay hawlgalka dheefsiga loo yaqaanno oo ah in jidhku si fiican ula baxo nafaqada iyo macdanaha kala duwan ee cuntada ku jira, waxa kale oo ay dhaawacdaa awoodda jidhku u leeyahay gubista cuntada.
Arrimahaasi waxa ay keenaan in jidhku marka hore miisaan badan rido, laakiin marka dambe uu joojiyo miisaan dhimista, wax kasta oo la sameeyaana aanay waxba ka beddelin, sida oo kale waxa ay keentaa xaalado caafimaad darro oo kala duwan.
Khudradda badan:
Muran kama jiro in khudraddu ay u fiican tahay caafimaadka, laakiin waxa cilmibaadhisaha dambe oo dhami waxa ay isku raacsan yihiin in cunto badan oo la cunaa ay sababto dhibaatooyin caafimaad oo badan, waxaana ka mid ah in heerka sonkoraha iyo maaddada ‘Fructose’ oo labaduba khudradda ku jiraa ay ku bataan jidhka, waana arrin caafimaadka jidhka dhibaato ku ah.
Nooca Kaalori (Calorie) ee aynu la dagaalamaynaa waa kee:
Dad badan ayaa marka ay miisaan dhimista wadaan xisaabiya xaddiga ama tirada Kaalori ee ay gubaan inta ay jimicsiga wadaan, laakiin dad badani waxa aanay ogeyn in kaalooriyadu aanay dhammaan isku mid ahayn. Tusaale ahaan, 100 kaaloori oo uu qofku ka helo iskiriin ama jallaato dux leh oo uu cunay, iyo 100 uu ka helo khudrad nooca ganka leh ah oo uu cunaa waa ay akla duwan yihiin, jidhkuna u kala baahi badan yahay, sidaa awgeed gubistooda midina faa’iido leedahay, midina aanay fiicnayn.
Iska xamaynta dufanka:
Dad badan ayaa aaminsan in dufanka oo ay gebi ahaantiiba iska daayaan ay miisaankooda dhimmi doonto. Sida ay caddeeyeen xeeldheereyaasha caafimaadka cuntadu xaqiijiyeen runtu waxa ay tahay in jidhku si caafimaadkiisa u ilaashado, hawlihiisa dabiiciga ahna si caafimaad qabta oo sax ah u dhammaysto, uu u baahan yahay xaddi dufan ah, oo ah nooca jidhka faa’iidada uleh, dufannada ugu fiicanina waa saliid saytuunta, saliidda qumaha, saliidda Afakaadhada iwm. Haddii uu jidhku dufan oo dhan waayo, macnaheedu waa in uu waayayo curiyeyaal nafaqo oo jidhku la’aantii aanu habsami u shaqayn karin.
Maxaa ka jira in ay fiican tahay in saacad go’an; sida 5 ta galabnimo ama 8 da fiidnimo cuntada la joojiyo?
Xogaha qaldan ee dad badani ka aaminsan yihiin ama ka sheegaan dhimista miisaanka waxaa ka mid ah in ay ku taliyaan in qofku uu cunto cunista joojiyo ugu dambayn 8 fiidnimo, halka qaarkoodna ay ka sheegaan in 5 galabnimo kaddib aan cunto la cunin.
Xeeldheereyaasha siga gaarka ah arrimahan u daraaseeyey waxa ay sheegeen in cuntada oo la cuno isla waqtiga la sii seexanayaa ay dhibaato caafimaad ku tahay qof kasta oo ay ku jiraan xitaa kuwa aan miisaankoodu saayidka ahayn. Talada ugu fiicanina ay tahay in cunto cunista la joojiyo saddex saac ka hor xilliga uu qofku seexanayo. Tusaale ahaan haddii uu 10 habeennimo seexdo waa in uu 7 habeennimo sii casheeyaa.
Muhiimaddu waa in hurdada uun 3 saac laga horreysiiyaa, sababta sidaa loo yeelayaana waa in jidhka la siiyo waqti ku filan in uu cuntada inteeda ugu muhiimsan dheefshiido hurdada ka hor.
Biyaha la cabbo xilliga cuntada cunisteeda la wado:
Dad badan ayaa aaminsan in biyo badan oo la’ la cabbo cuntadu ay keento in uu qofku dhergo oo taasina ay keento in uu cunto yar cuno, sidaasna uu miisaankiisu aakhirka isku dhimo. Laakiin culimada arrimahan ku xeeldheeri waxa ay xaqiijiyeen in xogtaasi ay qaldan tahay.
Cilmibaadhiso dhowaan la sameeyey ayaa caddaynaya in biyaha oo la cabbo xilliga cunto cunista la wadaa ay yarayso dheecaannada dheefshiidka caawiya ee ay caloosho soo saarto, taasina ay dhibaato ku noqoto awooddii dheefshiidku u lahaa in uu cuntada burburiyo. Qofka oo dabeecaddaas joogteeyaana waxa uu halis u yahay in ay ku dhacaan xanuun ama dhibaatooyin caafimaad oo dhinaca dheefshiidka ahi.
Jimicsigu ma kaa furan karaan is xammaynta:
Dad badan ayaa aaminsan in jimicsiga oo joogto loo sameeyaa ay kuu ogolaanayso in aad cunto wixii aad jeceshay iyo xaddigii aad ka rabto, maadaama oo aanu miisaankaagu kordhayn!
Waa aaminaad qaldan. In qofku uu jimicsi sameeyaa macnaheedu waa in oo gubo Kaalooriyada jidhkiisa ku jira, laakiin isaga oo gubaya, haddana in qofku cunto badan cunaa waxa ay keenaysaa in uu miisaankiisu kordho, iyo in uu aakhirka la kulmo cillado dhinaca dheefshiidka ah. Dhammaad.
Diyaariye: Kamaal Marjaan