Talooyin Muhiim Ah U Ah Barbaarinta Ubadka

Inta badan waa ay kala duwan yihiin xidhiidhada uu waalidku la leeyahay carruurtiisa, waxa aanay marar badan ku xidhan tahay kala duwanaanshiyaha baahida carruurta. Laakiin waxaa jira habdhaqanno caan ah iyo xaalado laga siman yahay oo uu maro xidhiidhka ka dhexeeya waalidka iyo ubadkiisa. Gaar ahaan inta ay ubadku ku jiraan marxaladda koritaanka.

Qormadan waxa aynu ku eegaynaa dhowr nooc oo uu waalidku u qaybsan yahay, marka laga hadlayo habdhaqanka iyo nidaamka korinta ubadka.

– Xilliga carruurnimada carruurtu waxa ay aad u jecel yihiin madaxbannaanida, waxa aanay xeeldheereyaashu sheegayaan in ilmaha oo madaxbannaanida jeclaadaa ay calaamad u tahay in uu koritaankiisu si togan u socdo.

– Carruurtu marka ay xilliga kuraynimada / dhoorreyda gaadhaan waxa ay jeclaadaan in ay carruurta saaxiibbadood ah la qaataan waqti ka badan ka ay waalidka la qaadanayaan, iyo in fasaxyada toddobaadka ay ku soo qaataan meel ka baxsan guriga.

Arrintani waxa ay abuurtaa dhibaato ah in waalidku uu warar badan ka qaado ilmihiisa uu arkay in uu indhihiisa ka sii fogaanayo. Laakiin xeeldheereyaashu waxa ay sheegayaan in ilmaha oo xilligaas loo diido ciyaarta uu kelidii xiiseeyaa, ay ku sababto raad taban oo dhinaca nafsadda ah.

Waxa ay xeeldheereyaashu ka digeen in waalidku uu xilligan oo kale isku dayo in uu ogaado tafaasiisha gebi ahaanba nolosha ilmihiisa, waxa aanay sheegeen in taasi ay ilmaha geliso dareen ah in uu isu qaato in aanu naftiisa isagu ku tiirsanaan karin, haddii ay muddo sii socotana waxa ay keeni kartaaba in ilmaha ay ku dhacaan xaalado nafsi ah oo cabsi iyo isku kalsooni darro ka mid tahay.

Waxa habboon in waalidku uu ilmaha u ogolaado in uu marmarka qaarkood qaladaad galo, inkasta oo ay qasab tahay in qaladkaasi uu noqdo mid macquul ah. in ilmaha qaladaadka lagu sii daayaa waxa ay qayb muhiim ah ka qaadataa noloshiisa dambe oo ay ugu horreyso in uu barto is-ged-geddiga nolosha iyo duruufaha qarsoon hadba meel kaga soo baxaya.

Muhiim maaha in aad caqabad oo dhan ka ilaaliso

Inta badan waxa uu waalidku ku dadaalaa in uu ilmihiisa ka ilaaliyo wax kasta oo uu u arko in ay caqabad ku noqon karto, ama khatar ku keeni karto. Waxaa ka mid ah in waalidka qaarkood ay carruurta raacaan marka ay xidhiidho bulsho oo caadiya samaynayaan, ama ay waajibaadkooda dugsiga ka shaqaynayaan.

Xeeldheereyaasha caafimaadka nafsiga ah ee carruurtu waxa ay sheegayaan in ay qalad tahay saamayn tabanna ku yeelanayso nolosha ilmaha, haddii uu waalidku isku dayo in uu xal u helo caqabad iyo dhib kasta oo ilmaha ka hor iman karta. Waayo in ilmuhu uu dhib iyo caqabad ama dib u dhac iyo hagardaamo la kulmi waayo oo laga ilaaliyaa waxa ay sababaysaa in uu ku barbaaro aaminsanaan ah in qofka guulaystaa uu yahay ka aan caqabadba arkin, sidaa awgeed uu liqi kari waayo guuldarrada, ama guuldarrada horteed is dhiibo iyo in uu la noolaan kari waayo dhibaatooyinka gaarka ah ee soo waajahaya noloshiisa.

Xeeldheereyaasha barbaarinta iyo cilminafsiga carruurtu waxa ay waalidka kula talinayaan in ay si feejigan ula socdaan xidhiidhada kalgacal ee ay carruurtoodu yeelanayaan, iyo dhexgalkooda bulshada. Si kasta oo uu waalidku u arko in ilmihiisu uu ku talaxtegayo xidhiidhka kalgacal ee uu cid la yeelanayo, ama si kasta oo uu tallaabo iyo fal fool xun ugu kaco ilmuhu, waxaa waalidka ku ah in uu si xikmadaysan u saxo qaladka, balse aanu ka dhigin qodob uu canaan iyo ciqaab ka abuur, waayo waxaa run ah in ilme kastaa uu xaaladdan oo kale marayo.

Waxaa waalidka waajib ku ah in aanu dhayalsan ama iska indho tirin, xidhiidhada kalgacal ee uu ilmuhu yeelanayo, waa in uu bilowga horeba sii diyaariyo jawi uu ilmaha ku abuurayo kalsooni uu ilmuhu ku dhiirran karo in waalidka uu uga warramo xidhiidhadiisa sirta ah. marka laga tago in arrintani ay faa’iido u tahay ilmaha, oo cidda uu xidhiidhka ka leeyahay barashadeeda si kalsooni ah waqti ugu heli karo, waalidkana ka talo qaadan karo. Waxa kale oo ay ogaanshiyaha kalsoonida ku dhisan ee waalidku ilmaha u leedahay faa’iido caafimaad. Tusaale ahaan, haddii ilmuhu uu ku fashilmo xidhiidh saaxiibtinimo oo dhow ama xidhiidh kalgacal oo uu jinsiga kale la lahaa, waxaa hubaal ah in ay ku yeelanayso raad nafsi ah oo u baahan in uu muddo ka soo kabto. Waxa se dhibaatada ilmaha haysataa ay sii badanaysaa marka uu ogyahay in uu waalidkii marka horeba meel adag ka taagnaa xidhiidhada gaarka ah, taas oo ku kallifi karta in uu qarsado dhibta.

In waalidku uu aragti diidmo ah kala hor yimaaddo xidhiidhada jacayl ee uu ilmihiisu la yeelanayo dhiggiisa jinsiga kale, ama uu ilmuhu dareensan yahay in aanu xidhiidhkaas taageero uga helayn waalidkii waxaa dhacaysa in uu ku dadaalo in uu qariyo, taasina waa ta keenaysa dhibaatada ugu weyn, oo ah in qof aan kufkiisa ahayn ama ku habboonayn la xidhiidho iyo in dhibaatada xidhiidh ee soo gaadha uu qarsado. Waxa aanay sabab u noqonaysaa in dhaawaca soo gaadhay ilmuhu uu sii ballaadho.

Waalidka waxaa lagula talinayaa in uu si cilmi ah u barto ama waayo-aragga ku habboon kala tashado sida ugu habboon ee ay tahay in uu u fahmo dareenka ilmihiisa una xakamayn karo isaga oo haddana aan dareensiinayn in xorriyadii uu ka qaadayo.

– Inta badan waalidiintu waa ay ka siman yihiin qaladka ah in ay isku dayaan ka takhalusidda dhammaan caqabadaha la filan karo in ay ilmaha ka hor yimaaddaan. Kuwaas oo ay ka mid yihiin caqabadaha dhinaca xidhiidhka bulshada, iyo xitaa mararka qaarkood in waalidku uu ilmaha ka ilaaliyo in uu caqabad kala kulmo gudashada waajibaadkiisa dugsiga.

Nasiibdarro mustaqbalka waxaa caddaata in tallaabadaasi aanay xal u ahayn mushkiladaha ilmaha, balse ay tahay dhibaato kale oo lagu sii kordhiyey. Waxa ay ilmaha ku abuurtaa dareen ah in uu guuldarrayste yahay, oo aanu awoodi karin in uu dhibaatooyinka u gaarka ah iskii xal ugu raadsado, maadaama oo mar kasta oo ay dhibaato timaaddo uu waalidku gurmad u fidinayo. Waxa ay abuurtaa in ilmuhu is liido, isuna arko qof aan si madaxbannaan noloshiisa u wadan karin.

– Waxaa muhiim ah in waalidku uu ka feejignaado la macaamilka habka uu ilmuhu uga dareen celinayo arrimaha uu diidan yaha ye eka hor yimaadda. Waa in ilmaha uu fursad u siiyo in uu isagu abuurto waayo-aragnimadiisa gaarka ah ee arrintan la xidhiidha. Marar badan waa qasab in waalidku uu indhaha ka qarsado, marka uu arko ilmihiisa oo ku talax tegeya ka dareen celinta arrimo ka hor yimi, ama si anshax xumo ah arrin uga jawaab celinaya. Jidka keliya ee waalidka u furani waa in uu indhaha ka qarsado, kaddibna mar dambe oo aanu dareenkaasi jirin, ilmaha si deggen kelidii ugalaha doodo qaladka uu arkayey.

Khubaradu waxa ay sheegayaan in ilmaha oo dareema in waalidku uu maamulayo xitaa qaabka uu uga dareen celinayo arrimaha cadho geliyaa, ay ku abuurayso dabeecad ah in uu ilmuhu dareenkiisa runta ah qarsado, iyo in dareen celintiisa iyo jawaabta uu ka bixinayo arrimaha ka hor imanayo ka dhigo kuwo uu isagu kelidii maskaxdiisa ka keeno, waalidkiina ka qarsado, taasina waxa ay ku keenaysaa dhibaato dhinaca anshaxa ah iyo in xaaladdiisa nafsadeed aanay fiicnaan.

W/Q: Kamaal Marjaan

Check Also

hurdo yaraanta, hurdo la'aanta

Xanuunnada Iyo Cilladaha Laga Qaado Hurdo Yarida

Xeeldheereyaal u dhashay dalka Ustareeliya ayaa cilmibaadhis ay ku sameeyeen waxa ku dhaca jidhka iyo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *