Talooyin Ku Anfacaya Marka Aad Gaadhigaaga Shidaal Ku Shubayso

1. Gaadhigaaga shidaalka ku shub subaxda hore:

Waaberiga heerkulka shidaalku aad baa uu u hooseeyaa. Laga soo bilaabo galabnimadii shalay iyo habeennimadii oo heerkulku si guudba hoos u dhaco ayaa sababa in uu qaboobo shidaalku. Mar kasta oo uu heerkulka shidaalku hoos u dhacana waxaa kordha cufnaantiisa.

Sideedaba dareeruhu qabowga waa uu ururaa oo isku cufmaa, halka uu kulaylahana kala baxo oo uu khafiif noqdo.Halka Litir ee aad duhurnimada iyo qorrax kulaylka iibsataa ma’aha litir dhammaystiran. Laakiin, litirka aad aroorta hore iyo xilli qaboobaha iibsataa waa uu ka badan yahay litir caadi ah.

2. Iska ilaali xawaaraha bamka shidaalka kugu shubaya:

Bambku waxa uu leeyahay saddex heer oo uu shidaalku u soo tuuro; in uu aayar shubo, in uu dhexdhexaad yahay iyo in uu si xoog ah u soo tuuro.

Haddii gacanta bambka xoog loo cadaadiyo waxaa kordha xawaarihiisa.Mar kasta oo xawaaraha baatroolka uu bambku tuurayaa sarreeyo waxaa bata uummi baxa ku dhacaya / shidaalka hawada raacaysa, sidaas awgeed shidaal kuu tirsan ayaa hawada raacaya. Halka mar kasta oo uu yaraado xawaaruhu uu hoos u dhacayo uummi baxo.

3. Mar kasta oo shidaalka taangiga gaadhigaaga ku jiraa yaraado:

Waxaa halkiisa gasha hawo, sidaas awgeed in taangiga oo madhan ama xitaa kala badh ka hooseeya aad shidaal ku shubtaa waxa ay sababtaa in shidaalku si dhaqso ah u uummi bixi karo / hawada u raaci karo. Mar kasta oo shidaalka taangiga ku jiraa badanyahayna waxaa yar hawada ku jirta, taasina waxa ay yaraynaysaa shidaalka uummi baxaya.

Ku dadaal in aad hal mar buuxiso shidaalka gaadhiga, kaddibna mar kasta oo saacaddu kala badh gaadho aad shidaal ka ku kordhiso.

W/Q: Kamaal Marjaan

Check Also

4 Hab Oo Masuul Kasta Uu Ku Kasban Karo Dadka Shaqada Uu Ku Maamulo

In xidhiidh kalsooni ahi uu dhex maro maamulaha iyo shaqaalaha uu la shaqaynayo ama guud …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *