Mararka qaarkood duruufaha dhaqaale ee nolosheenna ka hor yimaaddaa waxa ay innagu abuuraan dhibaato maaliyadeed oo aan dhayal lagu furdaamin karin, marar badanna waxaa dhacda in ay noqoto dhibaato aan xalba loo heli karin kaddib marka ay is-dul-rasaysmaan deymaha billaha la inooga rabo iyo kuwa aynu si yaryar u qaadanno.
Warbixin uu faafiiyey talefishanka laga leeyahay dalka Kanada ee Canal V, oo ku hadla afka Faransiiska ayaa sheegaysa in sababaha ugu badan ee deymaha culus, iyo dhibaatooyinka kala duwan ee maaliyadeed inna geliya ay ka mid tahay isbedellada ku yimaadda xaaladda shaqo ee qofka, oo ay ka mid tahay in shaqada uu ka tago ama laga eryo, in qofku fasax dheer oo mushahar la’aan ah galo, sida xaaladaha xanuunka isaga oo aan kayd fiican haysan, iwm.
Warbixintan oo ay qortay Cecil Moreski waxa ay sheegtay in maalgashi qaldan oo qofku uu sameeyaa ay tahay dhibaato kale oo qofka deyn aanu qaadi karin cagaha u gelisa, waxa aanay tusaale u soo qaadatay in qofku dakhligiisa ama kaydkiisa lacageed oo dhan geliyo hanti kale oo aan mustaqbalka dhow intifaac keenayn. Waxaa dhibaatada ugu daran ah in qofku uu yeelan waayo qorshe maaliyadeed oo bil kasta uu xidho, isaga oo isu dheellitiraya dakhliga soo gala iyo kharashka bil kasta laga filayo, isla markaana ku xisaabtamaya in uu meel gaar ah ku kaydiyo lacag uu xaaladaha kediska ah kula tacaalo.
Maqaalka marwo Cecil Moreski oo dheeraa waxa ay ku soo gebogebaynaysaa talooyin ay u aragto in ay qofka ka caawin karaan in aanu si sibiq ah deyn culus ku gelin.
– In miisaaniyaddaadu noqoto mid aad si xeeldheer u dejisay, isla markaana ixtiraamto ku dhaqankeeda.
– Iska jir adeegsiga kaadhadhka bangiyada ee sida fudud meel kasta lacagta looga la bixi karo, ama lagaga iibsan karo. Sida oo kale iska jir in aad taleefanka ku isticmaasho bixinta kharashaadka yaryar dhammaantood. Isticmaal lacag naqad ah oo aad jeebka ku sidato.
– Iska jir qaadashada bandhigyada ganacsi ee faa’iidada indho sarcaadka ahi ka muuqato, tusaale ahaan shirkadaha xayeysiinaya in aad alaab qiimo jaban ku helayso, kuna sii iibinayso lacag fiican, weligaa ha gelin ganacsi aanad daraasayn.
– Iska jir deymaha bangiyada iyo shirkadaha maaliyaddu bixiyaan ee faa’iidadu u saaran tahay, adiga oo ku dagmaya deynta muddada laguugu lahaanayo oo badan. Hubi in faa’iidada ku saaran culayskeeda ay istaahisho, sida oo kale ka fiirso in dakhligaagu uu yahay mid la hubo inta ay deyntu kaa dhammaanayso.
– Samayso buug yar oo aad ku qorto kharashaadka aad gasho oo dhan, xitaa kharasha yaryar, sida oo kalana qor deymaha laguugu leeyahay iyo deynta aad adigu cid ku leedahay. Adiga oo mid kasta raacinaya goorta aad bixinayso ama lagu soo celinayo.
Talada ugu muhiimsan ee ay qoraagu ina siisayna waa in qofku marka koowaadba ka fikiro sidii uu isugu jaangoyn lahaa dakhliga soo gala iyo qaab nololeedkiisa isaga oo weliba niyadda ku haynaya in aanu wada isticmaalin waxa soo gala oo dhan.
Diyaariye: Kamaal Marjaan
Facebook page: Kamaal Marjaan