Su’aalo Ay Tahay In Aynu Nafteenna Weydiinno Ka Hor Inta Aanu Dhammaan Sannadka 2023

Subax kasta waxa uu qofka fikirayaa la soo toosaa rajo cusub iyo yididiilo ah in uu u qaado tallaabo hor leh oo uu ugu dhowaanayo xaqiijinta riyada uu ku hammiyo rumaynteeda.

Haddaba maadaama oo aynu qarka u saarannahay in aynu sagootinno sannadkii 2023, waxaa muhiim ah in uu qofku naftiisa ku sameeyo xisaab xidh, si uu u garto inta ay le’eg tahay guusha uu gaadhay, iyo illaa xadka uu u dhowaaday himiladiisa. Si qofku uu xisaab xidhkaas u sameeyana waxaa qasab noqonaysa in uu naftiisa weydiiyo su’aalo ay jawaabtoodu u noqoto marag uu si fiican ugu xaqiiqsan karo in uu sannadkaas dhammaanaya guul ka gaadhay ujeedooyinkiisa.

Qormadan oo aynu soo turjunnay waxa aynu ku eegaynaa su’aalahaas muhiimka ah ee qof kastaa in uu is weydiiyo laga filanayo:

Waa maxay wixii ugu weynaa ee magaca iyo faanka ii noqday sannadkan?

Waxaa laga yaabaa in qofka marka lagu yidhi naftaada xisaabi sannadkii tegey, uu u qaato in laga rabo in uu soo ururiyo qaladaadkii iyo guuldarrooyinkii sannadkaas soo maray, laakiin waa in aynu ogaanno in nolosheennu ay isugu jirto tognaan iyo tabnaan, guusha aynu gaadhaynaana ay ku eegtahay inta ay tahay awooddeenna. Sidaa darteed ayaa ay u fiican tahay in bilowga su’aalaheenani ay noqdaan kuwo aynu ku eegayno dhinaca togan, innaga oo beeninayna aragtida qaldan ee dadka qaar qabaan ee ah in qofka oo guusha uu gaadhay ku farxa kuna faanaa ay tahay isla dhacsanaan iyo in qofku dagmo.

Waxaa muhiim ah in marka uu qofku su’aashan ka jawaabayo aanu qaadan aragtida dadka kale. Adigu su’aasha is weydii kadibna naftaadu ha ka jawaabto.

Sheeg caqabaddii ugu weynayd ee aad sannadkan la kulantay?

Waa arrin nolosha ka mid ah in aynu hadba badweyn iyo duruufo kala duwan galno. Ujeedada aynu ka leenahay in qofku xasuusnaado duruuftaas adagi waa in ay ka caawiso garashada awooddeena runta ah, oo hadda kadib hawsha aynu galayno iyo itaalkeenna muuqda iyo ka dadbanba isku qiyaasno. Waxa kale oo ay xasuustani innaga caawisaa in aynu casharro iyo cibaaro kala soo baxno duruuftaas.

Sannadkka 2023 maxaa ugu muhiimsanaa ee aad baratay?

Haddii aad hareerahaaga eegto waxa aad maalin kasta arkaysaa dad qabanaya hawlo kaa caawinaya in aad gaadho waxa aad doonayso. Dadkaas oo haddii aanad caawimada heli lahayn ay kugu adkaan lahayd in aad guul gaadhaa.

Marar badan waxa aynu baranaynaa in xushmaynta  dadka kale ay marar badan mucjiso abuurto, tusaale ahaan dhoolla caddayn  ama garabka oo aad u salaaxdo ruux waqti adag maraya ayaa marar badan kor u qaadi karta awooddiisa, suurtagalna ay tahay in ay ka caawiso ka gudubka duruuftaas.

365 maalmood ayaa ina soo maray ee ma ku raaxaysatay?

Waxaa hubaal ah in sannadka ay ku jiraan maalmo farxad iyo nayaayiro badan iyo maalmo dareen murugo iyo duruufo adag aad martay. Waa in aynaan noqon dad dhanka xun uun wax ka eego oo sannadka intiisii foosha xumayd xasuusan. Aynu maskaxda ku soo celinno maalmihii qosolka iyo farxadda innagu dhaafay, aynu xasuusanno shaqooyinkii niyadwanaagga innagu reebay iyo buugaagtii aynu akhrinnay innaga oo ku raaxaysanayna oo aan mar keliya waqtiga dareemin.

Maxaad isku dayday ee aad ku fashilantay?

Ma jiro qof ka geesisan ruuxa ku dhici kara in uu qirto qaladaadkiisa. Dhammaanteen qaladaad ayaa aynu samaynaa, laakiin in innaga mid ah ayuun baa qaladaadkooda wax ka barta. Xasuuso qaladkii kuugu weynaa ama fashilaaddii kugu darnayd ee aad soo martay sannadka, kadib is weydii inta aad duruus ka baratay iyo sida ay mustaqbalkaaga u anfici karaan. Si aynu fashilaaddeenna u xasuusanno waa in marka ay innagu dhacdo aynu qornaa.

Waqti intee le’eg ayaa aad la qaadatay dad ku jecel?

Waxa la ogaaday in waxyaabaha ugu murugada badan ee qofka soo maraa ay tahay in uu isku canaanto in qof jecel ama uu jecel yahay aanu siinin waqtigii ku habboonaa in uu la qaato. Noloshu waxa ay ku socotaa xawaare aad u dheeraynaya, taas ayaana sabab u ah in mar kasta uu qofku u darbanaado baacsashada shaqada iyo arrimaha uu noloshiisa ka dabbarayo, waxa ay sababtay in qofku uu illaawo muhiimadda ay leeyihiin dadka muhiimka ah ee noloshiisa ku jira. Tusaale ahaan waqti intee le’eg ayaa aad la qaadataa waalidkaa oo dabcan jecel in aad waqti isu heshaan? Waqti ma siisaa xaaskaaga iyo ubadkaaga? Asxaabtaada aad jeceshay waqti ma la qaadataa? Haddii jawaabtu ay ‘Maya’ tahay waxaa hubaal ah in haddii dadkan qaar ka mid ahi kaa hor dhintaan ama waqti idin kala durkiyo oo aad is arki kari weydana in aad qoomamayn doonto maalmihii badnaa ee uu kaa agdhowaa ee aad waqtiga siin weyday.

Haddii xaaladdaas oo kale sannadkan ku soo martay ka fikir in aad sannadka soo socda hadduu alle idmo wax ka beddesho oo aad jadwalkaaga meel kaga darto waqti aad dadkaas la qaadato.

Wax Akhris:

Buugaagta aad sannadkan 2023 akhriday ee noloshaada saamaynta ku yeeshay waa kuwee? Wax akhrisku waa furaha koowaad ee guusha wax kasta oo aynu doonayno. Wax akhrisku waxa uu ka mid yahay hawlaha ay waajib tahay in aynu nolol maalmeedkeenna waqti uga samayno. Muhiimaddu ma’aha tirada buugaagta aad akhriday, oo mararka qaarkood si kasta oo ay u badan yihiin, aan macno badan soo kordhin, waxa se muhiim ah in buugaagta aad akhriyeysaa ay noqdaan kuwo noloshaada saamayn ku leh, kaana caawin kara in aad hesho talo iyo fikir aad kaga gudbi karto caqabadaha kala duwan.

Haddii sannadkaan intiisa badan kaaga dhammaaday adiga oo aan hal buugba akhriyin, maxaa diidaya in aanad ceebtaas mar kale ku noqon oo imika sii diyaariso tirada iyo nooca buugaagta ay tahay in aad sannadka 2024 akhrido.

W/D: Kamaal Marjaan

Check Also

qubayska biyaha kulul. hurdada, qubeeska

Qubayska Habeenkii: Biyaha Kulul Iyo Biyaha Qabow, Keebaa Hurdada U Wanaagsan?

Si aan u helno hurdo xasiloon, waxaan tijaabinaa caadooyin kala duwan iyo dawooyin. Qubayska hurdada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *