Waa barnaamijkii cunto karinta ee Cooking With Hafza, qeybta maanta waxaad kaga faaidaysan doontaan, soor iyo maraq si heer sare ah loo diyaarinayo.
Sida maraqa loo diyaariyo:
Waxaa la isku darayaa:
- Saliid cadeey ama Saliid saytuun
- Yaanyo
- Koosto (spinach)
- Baamiye
- Basal
- Kabsar caleen
- Toon
- Basbaas
- Raqay
Digsi ayaa iskugu geynayaa kadibna waxaa lagu darayaa 2 koob oo biyo ah, cusbo iyo xawaash dhuudhuub.. Waxa la karinayaa 1 saac iyo bar ama 2 saac. Waxaa kasoo baxaya maraq cajiib ah.
Sida soorta loo kariyo:
Waxaa la isku darayaa:
- 2 Koob iyo bar biyo ah
- 1 koob oo soor ah
- 1 Qaado oo cusbo ah
- 1 Qaado oo toon shiidan ah
- 1 qaado oo saliid saytuun ah
Daawasho wacan: