Sokoroow ma qabtaa mana soomantahay!! (XALKA HOO)

Dadka cudurka macaanka ama Sokoroowga qaba waxaa inta badan la arkaa inay culeys caafimaad la kulmaan hadii ay soomaan, sidaas awgeed ayaana loo jideeyay inay iska dhaafi karaan soonka si ay u daryeelaan caafimaadkooda.

Marka qof Sokoroow qaba uu ku adkeysto inuu soomo ayaa waxaa dhici karta inay dhibaatadu kusii laba jibaaranto. Waxaana gaar ahaan bukaanada heerka koobaad ee Sokorowga oo xanuunkoodu daranyahay la gudboon inay soonka joojiyaan.

Sidoo kale dadka qaba xanuunada kala duwan ee sokorta ka dhasha ayaa waxaa lagula talinayaa inay ku baraarugaan hoos u dhaca sokorta jirkooda oo keeni karta madax-xanuun iyo kilyaha oo qalqal wajaha ama inuu kordho garaaca wadnaha.

Bukaanku marka uu astaamahaas halista ah ee hoos u dhaca sokortu ay leedahay isku arko waxaa laga doonayaa inuu deg deg soonka u furo oo raashin iyo cabitaanba qaato. Waxaana si gaar ah loogula talinayaa inuu qaato cabitaanka la shiido amaba Malabka iyo waliba kaniinka Glucose ee kor u qaada heerka sokorta ee dhiigga.

Si guudna, bukaanka sokorowga qaba waxaa lagula talinayaa inuu dib u dhigo waqtiga uu cunayo suxuurta, uuna qaato proteins, amylum, Khudaar iyo mirahaba. Waana inuu sidoo kale cabaa biyo fara badan, kana fogaadaa cabitaanka sokorta wata iyo macmacaanka kaleba.

Ugu dambeyntiina waa inuusan bukaankani kordhiyin dawooyinka uu qaadanayo isagoo aan Dhaqtar lasoo tashan.

Check Also

xanuunka dhimirka, islaweynida,

Xanuunka Dhimirka Ee Qofku Ismoodsiiyo Inuu Dadka Kale Ka Sarreeyo

Qabka iyo in qofku uu naftiisa aqoonsadaa, waa mid ka mid ah fureyaasha guusha. Waa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *