Sida lagu sheegay warbixin ay xarunta caafimaadka ee Mayo Clinic, waxaa jira caddaymo muujinaysa in cunista xaddi badan oo sonkor ahi ay keeni karto noocyo ka mid ah kansarka, oo u uku jiro kansarka hunguriga ku dhaca. Sonkorta oo aad loo cunaa waxa kale oo ay keeni kartaa korodhka miisaanka, kaas oo isaguna sababi kara in xanuunka buurnida iyo xanuunka macaanka, ugu dambayna horseedi kara xanuunka kansarka.
Xarunta daraasaadka Kansarka ee ‘MD Anderson Cancer Center’ oo ka tirsan jaamacadda Texas ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in sonkortu ay kordhiso miisaanka, iyo in ay sababto xaydh ku aroorta tartarrada iyo caloosh iyo guud ahaan miisaanka korodhkiisa oo ay sonkortu keento, xaaladahaasina ay yihiin sababta keenaysa kansarka,
Dhinaca kalana Jimciyadda Kansarka ee dalka Kanada ayaa sheegtay in cunista cuntooyinka ay sonkortu ku badan tahay in ay miisaanka kordhiso. Buurnidu waxa ay isbedello ku keentaa hormoonnada qofka, sidaas awgeed waxa ay keenaysaa khatar weyn oo ah in uu kansar ku dhaco qofka.
Xaddi intee le’eg?
Xarunta MD Anderson ayaa warbixin ay soo saartay waxa ay ku talisay in dumarku aanay maalintii cunin sonkor ka badan lix maqlacadood oo kuwa yaryar ee shaaha ah (Waxa ay u dhigantaa 25 Garaam), ragguna aanay ka badsdan 9 malqacadood maalintii (Waxa ay u dhigantaa 36 garaam).
Looma jeedo sonkorta cad ee shaaha oo keliya, balse xaddiga sonkorta ee la xisaabinayaa waa xitaa inta ku dhex milan cabbitaannada, keegagga, buskudka, quraaca iyo guud ahaan cuntooyinka burka leh iyo Jallaatada. Waxa kale oo ka mid ah xawaashyada qaar, khudradaha qaar, cuntooyinka qasacadaysan qaarkood iyo qaybo badan oo cuntadeenna maalinlaha ah ka mid ah.
Waxaa muhiim ah in aynu akhrinno in cunto kasta oo aynu iibsanayno aynu akhrino qoraalka dusheeda ku yaalla, si aynu u ogaanno xaddiga sonkoreed ee ku jira, iyo in aynu baadhno sonkorta ku qarsoon. Waxa aanay xeeldheereyaashu hoosta ka xariiqeen sonkortu haddii tahay waxa ugu horreeya ee liiska waxyaabaha cuntadaasi ka kooban tahay, in uu macnaheedu yahay in ay aad ugu badan tahay.
Xarunta MD Anderson ayaa iyaduna sheegaysa in cuntooyinka qaarkood oo aanay ku qornayn sonkortu haddana ay ku jirto. Markan oo kale waxa ay ku hoos qarsoontahay magacyo kale, waxaa ka mid ah:
- Fructose – Sonkorta khudradda midhaha ah, sida tufaaxa
- Lactose – Sonkorta caanaha ku jirta.
- Sucrose – Sonkorta ka samaysanta isku darka Fructose iyo Gulukoos.
- Maltose – Sonkorta ka samaysanta cuntada badarka ah, sida qamandida, boorashka, bariiska, hadhuudhka iwm.
- Sonkorta Glucose
- Iyo Sonkorta Dextrose.
Magacyadan mid kasta oo aad ku aragto in ay ku qorantahay cuntada aad cunayso, waa in aad u aqonsato in ay sonkor tahay, sidaas awgeed xaddiga aad ka cunaysaa ay ku xisaab sanaato xaddiga guud ee caafimaad ahaan laguugula taliyey in aanad dhaafin sonkorta aad cunayso.
Ma jiro xidhiidh toos ah oo ka dhexeeya kansarka iyo sonkorta, laakiin waxaa run ah in sonkortu ay miisaanka kordhiso, miisaankuna uu ka mid yahay sababaha keena kansarka.
DIGNIIN: Sonkortu cunisteeda in la iska yareeyaa waxa ay leedahay faa’iidooyin caafimaad oo tiro badan, waaa ka mid ah in uu dhiigkarku dego, in khatarta wadne xanuunku yaraato, iyo in ay yaraato khatarta ah faafitaanka cudurka xusuusta dila ee Dementia. Si kastaba ha ahaato ee waxa ay saynisyahannadu qirayaan in sonkortu u fiican tahay caafimaadka maskaxda, faa’iidooyin kalana leedahay.
Sonkorta cadi waa ay ka khatar badan tahay sonkoraha kala duwan ee cuntada ku lammaan.
W/D: Kamaal Marjaan
Facebook page: Marjaan