Siyaabaha Dabiiciga Ah Ee Loo Daweeyo Cune Xanuunka

Cune xanuunka waxa uu ka mid yahay xanuunno xilliyeedka ka dhasha xasaasiyadda, hargabka, wasakhowga hawada, sigaar nuugista, hawo engagan oo uu qofku neefsado iyo fayraska oo ah kan ugu badan ee sababa. Waxa aanu gaadhi karaa heer uu keeno caabuq, ama in qanjuhu ay bararaan.

Xanuunkan waxaa inta badan loo isticmaalaa dawooyinka kaar-jebinta ee kaarka lagu yareeyo iyo dawooyinka jeermi dilaha ee ‘Antibaayootigga’ iyada oo la ogyahay in ay dawooyinkani dhanka kalana yeelan karaan raad taban.

Qormo ay dhowaan faafisay shabakadda Alcarabiya ayaa ay ku sheegtay dawo guri xanuunkan lagula dagaalami karo iyada oo laga badbaadayo dhibaatada dawooyinka kiimikada ah ee dhibaatada keenaya. waxaana dawooyinkaas dabiiciga ah ka mid ah:

TOONTA:

Toonta waxaa ku jira maaddooyin liddi ku ah jeermiska iyo bakteeriyada iyo kuwo kale oo dejiya kaarka iyo garaaca. Maaddooyinka toonta ku jira waxaa ka mid ah isku dhiska asiidh ee ‘Leucine’ kaas oo awood u leh in uu dilo bakteeriyada sababta cune xanuunka.
Hababka toonta loo adeegsado waxaa ka mid ah;

  • In si toos ah loo calaaliyo, lana liqo.
  • In biyo lagu kariyo dhowr laagood oo ka mid ah, kaddibna biyahaas lagu luqluqdo .
  • Sida oo kale waxaa toonta lagu dari karaa liin dhanaan, kha lama saliid saytuun, kaddibna dhowr jeer maalintii la cabbi karaa.

LIIN DHANAAN:

Liin dhanaantu waxa ay kaalin weyn ka qaadataa yaraynta bararka iyo balqidda ku timaadda xuubka dhuunta, waxa kale oo uu kordhiyaa heerka asiidhka oo dila bakteeriyada.

Malqacad muudka liin dhanaanta ah oo lagu daray koob biyo diirran ah iyo maqlacad malab ah, kaddibna lagu luqluqdo dhowr jeer maalintii ayaa ku filan in ay wax weyn ka qabato bararka ama balqidda xuubka dhuunta oo inta badan keena cabudh iyo khuuro ama neefta oo la qawado. Diirka liin dhanaanta oo la kariyo laguna daro malqacad malab ah kaddibna dhowr jeer oo maalintii ah la cabbo ayaa iyaduna xaaladdan dawo ka noqon karta.

MALABKA:

Malabku waxa uu caan ku yahay awood yaab leh oo uu u leeyahay dilista Bakteeriyada iyo daweynta boogaha ama nabarowga. Sidaas awgeed waxaa uu wax fiican ka taraa, muddo qarniyo badan ahna bulshooyinka kala duwan ee adduunku u isticmaali jireen daweynta xanuunnada dhuunta ee qanjo xanuunku ka mid yahay.

Haddii dhuun xanuunka uu ku lammaan yahay qufac, waxaa dawo fiican ka noqon kara malqacad malab ah oo si toos ah luu cuno, haddii kale biyo ama shaah lagu daray, kaddibna dhowr jeer maalintii la cuno.

QOROFALKA (QORFAHA):

Qorafalku waxa uu ka mid yahay dawo dhaqameedka ummado kala duwan oo adduunka ahi muddo qarniyaal ah soo isticmaalayeen. Waxa uu caawiyaa yaraynta kaarka iyo xanuunka ka dhasha cune xanuunka. Waxa aanu si aad ah jidhka uga caawiyaa iska caabbinta hargabka.
Qorofalka si toos ah waa loo isticmaali karaa, sida oo kalana waxaa lagu dari karaa malab ama shaah, kaddibna dhowr jeer maalintii la cabbi karaa.

SINJIBIISHA:

Sinibiisha waxaa ku jira maaddooyin awood badan oo liddi ku ah bakteeriyada iyo nabarrowga hungriga iyo qanjaha. Waxa aanay jidhka ka nadiifisaa sunta.

Sinjibiisha oo la kariyey haddii biyaheeda la cabbo ama lagu luqluqdo waxa ay si weyn u dejisaa qanjo xanuunka iyo dejinta bararka iyo balaqa xuubka gudaha sanka iyo dhuunta.

DIGNIIN: Sinjibiishu waxa ay si aad ah u furfurtaa dhiigga, oo ay kala dagaalanto xinjirowga, sidaas awgeed in la isku badiyaa ma fiicna, dadka dhiigkarka lehna waa in ay ka taxaddaraan, haddii kale dhakhtarka kala tashadaan.

SHARAABKA TAMAANDHADA (YAANYADA):

Tamaandhadu waxa ay hodan ku tahay Faytamiin ‘C’ iyo isku dhisyo kale oo awood u leh in ay ka takhalusaan bakteeriyada sababta cune xanuunka. Sida oo kale waxaa ku jira maaddooyin liddi ku ah mariidka oo daweyn degdeg ah oo waxtar leh ka noqon kara, qanje xanuunka iyo nabarrada cunaha ku samaysma.

Tamaandhada oo sida sharaabka kale ee khudradda loo shiiday ayaa la cabbi karaa ama lagu luqluqan karaa si loogu daweeyo cune xanuunka.

HAYL:

Waa xawaash cuntada udug iyo dhadhan ku kordhiya, oo hodan ku ah maaddooyin mariidka liddi ku ah, iyo kuwo nabarrada cuna iyo booga lagu daweeyo. Haylku waxa uu yareeyaa kaarka cune xanunka. Siyaabaha loo isticmaalana waxaa ka mid ah in biyo lagu kariyo, kaddibna dhowr jeer maalintii lagu luqluqdo.

Haylka noociisa kale ee hayl-dhege yaraha loo yaqaanno ayaa isaugna ka mid ah dawooyinka lagula dagaalami karo cune xanuunka iyo sunta jidhka soo gasha. Waxaa qofka ku filan in uu cabbaar calaaliyo laba xabbo oo hayl-dhegeyare ah. waxa kale oo loo isticmaali karaa in haylkan la kariyo kaddibna biyihiisa oo diirran lagu luqluqdo.

Akhriso: Faa’idooyinka Haylka Iyo Cilladaha Uu La Dagaallamo

MILIXDA:

Milixda iyo sonkortu waxa ay ka mid yihiin cuntooyinka ay dhakhaatiirtu dilaaga qarsoon u taqaanno, ee qofka ku keena xaalado badan oo caafimaad darro. Laakiin marka ay cune xanuunka tahay in maalintii dhowr jeer lagu luqluqdo biyo diirran oo milix lagu milay, waxa ay ka mid tahay hababka dabiiciga ah ee lagu daweyn karo cune xanuunka.

W/D: KAMAAL MARJAAN

Check Also

hurdo yaraanta, hurdo la'aanta

Xanuunnada Iyo Cilladaha Laga Qaado Hurdo Yarida

Xeeldheereyaal u dhashay dalka Ustareeliya ayaa cilmibaadhis ay ku sameeyeen waxa ku dhaca jidhka iyo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *