Siyaabaha Dabiiciga Ah ee loo daweeyo Cirba Xanuunka

Ciribtu waa lafta ugu wayn jirka bini-aadamka. Xanuunka cirbaha wuxuu noqon karaa mid fudud ama mid curyaamiya qofka.

Sababo kala duwan ayaa keeni kara cirba xanuunka sida cayilka xad dhaafka ah, dhaawac, xirashada kaabaha ciribta dheer iwm. Xaaladaha qaarkood, waxay noqon kartaa cillad caafimaad sida xanuunka roomatiisamka. Kiisaska daran, waxaa lagama maarmaan ah in lala tashado dhakhtar takhusus ah.

Xanuunka daran ee ciribta xilliga kasta ayaa la dareemi karaa, qofka waxa uu ka qaadaa istareexa, waxaana uu dhib ka dhigaa socodka.

Dadka qaarkood waxa ay isticmaalaan dawooyinka kaarjebinta si ay uga takhalusaan xanuunka. Balse waxa ay dawooyinkani raab taban ku yeelan karaan caafimaadka qofka.

Sidaas darteed xalka ugu fiican, dhibaatana aan keenayn waa isticmaalka dawooyinka guriga.

Qormadaan, Daryeel Magazine waxa uu ku soo gudbinayaa dawooyin-guri oo waxtarkooda la hubo kuwaas oo looga takhalusi karo cirba xanuunka. Sii akhri si aad wax badan uga ogaato dawooyinkan.

Biyo kulul iyo biyo qabow:

Dawo dhaqameedkan marna biyo kulul marna biyo qabow cagaha la dhex gelinayo, waxa uu dhiirrageliyaa wareegga dhiigga waxaana uu daweeyaa xanuunka cirbaha.

Barafka:

Ciribta oo baraf la saaro waa xeelad lagu daweeyo cirba xanuunka. Barafku waxa uu leeyahay awood kabuubiso taas oo dejisa xanuunka cirbaha.

Duugitaanka:

Duugitaanka waxaa loo adeegsadaa in lagu daweeyo xanuunka cirbaha. Waxa uu aad muhiim ugu yahay dejinta murqaha iyo kobcinta wareegga dhiigga.

Jimicsiga:

Jimicsi fudud oo la sameeyo waxa ay yareysaa cirbo xanuunka. Jimicsiga iskala bixinta waxa uu culeyska ka dejiyaa murqaha waxaana uu kaxeeyaa xanuunka cirbaha.

Khalka tufaaxa:

Cagaha oo la dhex geliyo khalka tufaaxa iyo biyo la isku daray waa hab waxtar badan oo lagu dawayn karo cirbo xanuunka.

Baskaaska:

Basbaaska loo yaqaanno “cayenne pepper” wa dawo guri kale oo u fiican cirba xanuunka. Isku qas basbaaska budada ah iyo biyo, adiga oo adeegsanayaa weel cagahaaga qaadi kara, kadibna cagaha dhex geli oo u daa cabbaar si aad iskaga dawayso xanuunka cirbaha.

Saliida dhagayaraha:

Saliidan waxaa la aaminsan yahay in ay aad ugu roontahay dawaynta cirba xanuunka. Cagaha oo lagu daliigo saliidda dhagayaha waxa ay ka shaqaysiisaa qulqulka dhiigga, waxayna si dhakhso ah u kaxaysaa xanuunka.

Check Also

xanuunka dhimirka, islaweynida,

Xanuunka Dhimirka Ee Qofku Ismoodsiiyo Inuu Dadka Kale Ka Sarreeyo

Qabka iyo in qofku uu naftiisa aqoonsadaa, waa mid ka mid ah fureyaasha guusha. Waa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *