Sirta Lagu Soo Jiito Qofka Aad Doonayso!

Sirta lagu soo jiito qofka aad dooneyso:

Saynisyahannada cilmunafsigu waxa ay derseen waxyaabaha lagu soo jiito qofka aad dooneyso in aad u dhawaato. Sahan badan ka dib, khubaradu waxa ay sheegeen qodobbo la tijaabiyey, oo qofka aad dooneyso lagu soo jiito.  Qodobbadan oo saddex ah ayaa la isku raacay in ay yihiin kuwa ugu saameynta badan ee qof la doonayo lagu soo jiidan karo.

Khubaradan oo kala qaadqaadaya qodobbadan ayaa waxa ay yiraahdeen:

1. U muuji shucuur naxariiseed oo togan.
In aad mar kasta dhanka wanaagsan wax ka eegto waxa ay kuu soo jiideysaa qofka aad dooneyso. Dhanka xun haddii fikradahaagu ku saleysnaadaanna wey sii fogeysaa qofka, sababtoo ah ma jiro qof jecel in uu soo dhaweysto ama wehel ka dhigto ruux dhanka xun wax ka eega.

Marka had iyo jeer ku dedaal in aad dhanka togan wax ka eegto oo aad qofka dareensiiso naxariis, farxad iyo wanaag badan.

2. In aad kala hadasho fikradaha aad wadaagtaan iyo dabeecadaha aad ka siman tihiin.
Tani waa sir kale oo qofka aad ku soo dhaweysaneyso, waxaana loo arkaa xulafeysi. Dadku waxa ay ka ag dhawaadaan qofka ay ka siman yihiin aragtiyaha iyo dabeecadaha ee ay is fahmayaan.

Isfahanka ayaa dadka isku soo jiidi og oo xiriir waara ka dhaxeysiin kara, marka la barbardhigo jaceylka. Sidaas aawgeed, waa muhiim in aad xusuusiso waxyaabaha aad wadaagtaan adigoo bogaadinaya kuna faraxsan oo ku faanaya in aad isku feker iyo isku dabeecad ahaataan.

Qodobkani wuxuu horseed u noqon karaa in qofku ku soo raadiyo si aad waqti u wada qaadataan, ama markii aad la ballanto in qofkaasi kaa cagajiidin. 

3. Ugu yeer magacooda ama naaneys ay jecel yihiin.
Dadku si gaar ah ayey u farxaan markii ay magacooda maqlaan, ama marka loogu yeero naanneys ay jecel yihiin.

Waxaa kale oo muhiim ah, haddii qofku leeyahay darajo gooni ah in aan magaciisa laga reebin oo laga hormariyo. Tani waxa ay qofkaas dareensiineysaa in loo qirsan yahay dabaqadda uu heerka nololeed ka joogo.

Dadka darajooyinka leh, sida mid siyaasadeed, mid waxbarasho, mid diineed, mid dhaqan iwm. haddii aad darajadooda ka meermeerto ama aad xusiddooda ka gaabiso, waxaad lumineysaa kalsoonida qofkaas, waana suurogal in laguu arko qof aan waxba u quurin dadka kale ee dadaalay, ee guulaha nololeed gaaray, ama iskala weyn qofkan darajadiisa.

Saddexdan qodob ee kookooban waa kuwa ugu wanaagsan uguna saameynta ee lagu kasbado qofka aad dooneyso. Waxaa kaloo jira qodobbo kale oo soojiidashada kaalin weyn ka qaadan kara, hase ahaatee saddexdan qodob waa seeska laga dhiso soojiidashada.

Xigasho: Power of Positivity
W.T: Ibraahin-Nolosha

Check Also

qubayska biyaha kulul. hurdada, qubeeska

Qubayska Habeenkii: Biyaha Kulul Iyo Biyaha Qabow, Keebaa Hurdada U Wanaagsan?

Si aan u helno hurdo xasiloon, waxaan tijaabinaa caadooyin kala duwan iyo dawooyin. Qubayska hurdada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *