7 Sifo Oo Ay Leeyihiin Dadka Guulaysta

Qoraha maqaalkaan, ayaa maqaalkiisaan waxaa uu astaan uga dhigay xigmada ah “Riyada waxey ka weyn tahay cirka waxeyna ka qota dheer tahay badweynta Hindiya”.

Waxaa dhab ah akhristaha daryeelmagazine.com ku xiranoow markii aad maqaalkaan si fiican aad u dhuuxdid in aaad dareymayso waxa ay tahay guusha iyo sida ay dad wan wanaagsan ay ku helaan guusha.

Maqaalkaan waxaan idinkugu soo gudbineynaa dhowr qodob oo aad u muhiim u ah in aad ka dhigato waxa aad markasta daa’imto si aad u gaarto riyadaada guusha waxeyna kala yihiin:

1. Waxay degsadaan hadaf guud waxeyna u raacaan sida uguwanaagsan oo ay ku gaari karaan

Dadka ku tahma in ay helaan hamigooda oo guuleysta waxa ay marka hore degsadaan hadaf guud ka dibna waxa ay sida ugu haboon u raacaan sida qodobada uu qortay ay farayaan, hadaba dhageyste wali ma isku dayday in aad dajisato hadaf dabadeedna ma u raacday sidii aad u dejisatay hadii ay jawaabtaada haa tahay ma heshay wixii aad hadafkaaga u dajisatay hadii ayse tahay maya isku day in aad hadda hadaf yeelato oo maxaa yeelay dadka aanan la heyn qorshe haga waa kuwa marwalba guul dareysta ayuu leeyahay qoraha maqaalkaan.

2. Waa kuwa marwalba joogteeya ama ku celceliya waxa ay doonayaan in ay ka guul gaaraan

Sida is kacad ayaa waxa ay tahay in qofka waxa uu doonayo joogteeya ama ku celceliya waxa inta badan uu yahay qof hela ama la kulma wixii uu rabay waana wadada wanaagsan in aad markasta waxa aad joogteyso aadna noqoto qof ka kasbada aqoon iyo waaya aragnimo.

3. Waxa ay qaataan masuuliyadda noloshooda

Ma ahan wax fudud in uu qofkasta qaato masuuliyada noloshiisa hase yeeshee waxa ay tahay in aad qaadato masuuliyada noloshaada waa mid qeyb ka ah in aad ku guuleysato wixii aad horay u degsatay ama shega aad masuuliyadiisa qaaday dhibka kaga imaanaya waxaa suurta gal ah in aad hesho meel aad ka heli karto xal kugu dhaw waana muhiim in aad masuuliyada sheeyga aad qaadato ee aad ku lugta laheyd.

4. Waxay qaabeeyaan xiriir aad u qiima badan oo ay la yeelanayaan dadka kale

Sameynta xiriir aad u wanaagsan waxa ay keentaa in uu ku bilo waxtarka ganacsigaaga iyo noloshaada laakiin ma isweydiisay wali in aad tahay qof si joogta ah u sameeya xiriir aad u qiima badan dadka ay wada shaqeynta idinka dhaxeyso.

5. Waxa ay sameeyaan wax wanaagsan xaalad kasta oo la soo gudboonaata

In aad tahay qof markasta qaada ficil aad u wanaagsan oo aad ku badasho waxa dhibka badan ee aad la kulanto waxa ay qeyb ka qaataan in aad hesho guusha hadafka aad horay u degsatay balse waxaa isweydiin mudan in aad markasta sameyn karto sheeyo wanaagsan si aad u hesho wax aad u qiima badan oo ku dhaxalsiin kara in aad guuleysato.

6. Waa kuwa marna aan ka quusan wanaga

Qoraha maqaalkaan ayaa waxa uu leeyahay dadka doonaya in ay helaan guusha waxa ay falaan in ay wax kasta ku helaan sidii ay ku guuleysan la haayeen maxaa yeelay ma ahan dhankooda mid ka fudud in ay is dhiibaan oo ay faraha ka qaadaan markii ay wax culeys badan uu la soo dariso.

7. Waa kuwa u bareera qataraha

Hadaba akhristow waligaa ma u bareertay Qatar mana heshay faa’iidada qatarta aad u gashay inta badan waxaa la yiraahdaa meel aad u badan tahay qatarteeda waa meel ay aad u badantahay faa’iidadeyda marka la joogo dhanka erey bixinta maadada ganacsiga, hase yeeshee waxaa hubaal ah in sheykasta oo la sameeyo uu leeyahay Qatar haba kala yaraadaanee balse qofka ku fakira in uu yahay qar iska tuur diyaarna u ah wixii uu kala kulmo qatarta uu u bareeray soona diyaarsada wixii uu ku moodi la haay waxaa hubaal ah in uu helaayo waxa uu rajeynayay ama waxu dhigma oo ah qibrad uusan markii hore ka heysanin sheygaas uu sameeyay.

Uga dambeyntii  qoraha maqaalkaan waxa uu leeyahay hadii aad si dhab ah u kuur gasho qodobadaan iyo kuwo kale waxa ay keenayaan in aad hesho isbadal weyn oo dhanka guusha ah.

WD: C/Wali Cali Maxamuud (Carafaat)

Check Also

qubayska biyaha kulul. hurdada, qubeeska

Qubayska Habeenkii: Biyaha Kulul Iyo Biyaha Qabow, Keebaa Hurdada U Wanaagsan?

Si aan u helno hurdo xasiloon, waxaan tijaabinaa caadooyin kala duwan iyo dawooyin. Qubayska hurdada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *