Sideed U Noqon Kartaa Qof Dadka Soo Jiita?

Bini aadamku sidiisaba wuxu jecelyahay inuu cilaaqaad yeesho, saaxiibana sameysto ,dhaqanka fayoobina wuu ka soo horjeedaa gooni daaqnimada iyo keli socoshada,hadaba xidhiidhka dadka ka dhexeeya kuma dhisna mid dhiig oo qudha. Balse waxa jira xidhiidh xaga fikirka ah,xidhiidh saaxibtinimo,xidhidh shaqo,xidhiidh mabda,xidhiidh ganacsi i.w.m. Qaabka dadka loola dhaqmaana waa xirfad aan in badani aqoon u lahayn ama aanay ku wanaagsaneyn. Tusaale ahaan in badan waxaa dhacda in kelmad ka soo baxday afkaaga oo aad ku weyday asxaab badan,sidaa daradeed waxaa haboon in qofku ku jiro feejignaan joogto ah ah marka uu dadka la macaamilaayo. Maqaalkan waxaynu ku soo qaadaneynaa fanka ama asluubta ay haboontahay in dadka lagula macaamilo,si ay u suurto gasho Inaad hesho ama kasbato dad badan oo ku jecel.qof_dadka_soo_jiita_23

1-  ka aqbal cudur daarka qofka kuu cudur daarta: waayo qafka kuu cudur darta oo aad ka aqbashaa waa sifo ay leeyihiin dadka wanaagsani,gaar ahaan marka qofka kaa doonaya cudur daarku uu ergo kuugu soo dirsado dad ehulu sharaf ah.

2-   Iska saar muraayada madow: dadka qaar ka mida ayaan arag wanaaga oo xumaanta oo keliya ay u muuqataa,tusaale ahaan Rasuulka (NNKHA)wuxuu ugu bushaareeyey oo tusay Cudeyi Biin Xaatim asxaabi la odhan jiray mustaqbal wanaagsan oo u soo socda diinta islaamka isagoo ka saaraayey muraayad madow oo uu ka xidhnaa diinta islaamaka wuxuuna ku yidhi “ Cudeyow waxaa dhici karta in aad diinta islaamku ku diiday baahida ka muuqata muslimiinta,Allan ku dhaartee waxaa soo dhow xilli xooluhu ay ku soo burqadaan muslimiinta ilaa la waayo cid qaadata,waxaa dhici karta in aad ku diiday diinta islamaaka cadaw badan oo ay leedahay,Allan ku dhaartee waxaa soo dhow wakhti gabadhu ka soo safarto qaadisiya oo ay timado xaramka iyadoon  cabsaneyn……ilaa uu soo islaamay Cudeyi bin xaatim hadaba waxaa wanaagsan inaad iska saarto muraayada madow oo wanaaga dadku kuu muuqdo ee aadan eegin xumaantooda oo qudha.

3-      Waxa dhici karta in inta aad la macaamileyso dadka aad argot mid ku khiyaameeya,ama ku dhibaateeya sidaa daraadeed waxa wanaagsan inaad marxaladan kaga baxdo maskax badni iyo ka fiirsasho hadii kale waxaad ku dhaceysa muran,bal eeg tusaalahan oo ku tusinaya maskaxda alle ku siiyeyey oo laga faa,ideysto muhiimada ay leedahay , wiil yar ayaa la kulmay nin gabayaa ah oo caan ahaa oo la odhan jiray Abu calaa, wiilkii yaraa wuxu ku yidhi gabayaagii  kumaad tahay? gabayaagii wuxu ku jawaabay waxan ahay gabayaagiinii caan ka ahaa ee Abu-calaa,inankii yaraa wuxu ku yidhi gabayaagii ma waxaad tahay ninkii ku yidhi gabeygiisa, hadii aan ugu danbeyn lahaa samankeyga,waxan la iman lahaa wax aanay la iman dadkii iga horeeyey.Gabayaagii wuxu yidhi haa,wiilkii yaraa wuxuu ku celiyey adeerow dadkii hore 28 xaraf bay u dejiyeen higaada bal adigu  ku dar hal xaraf, gabayaagii wuu aamusay waanay ku adkaatay in uu ka jawaabo su,aashii , waxa kale oo la sheegaa in nin u yimid inan yar oo maskax fiican wuxuna ku yidhi: Alle maxaa ka horeeya? Wiilkii wuxu  yidhi si aan kaaga jawaabo  su,aashaada  tiri kow ilaa toban(1-10),ninkii markii uu tiradi bilaanbay ayuu inankii yaraa yidhi adeer kow maxaa ka horeeya ninki jawaabtii way ku adkaatay,dabadeed kii yaraa wuxu yidhi hadaba sida aan kow waxba uga horeyn ayaan alle waxba ugu horeyn waxbana ugu danbeyn,guud ahaan waxaynu ka fahmeynaa tusaalayaashan quruxda ay leedahay maskxada alle ku siiyey oo laga faa,iideysto,hadaba marka aad  dadka kala kulanto arrimo aadan ka filaneyn adeegso masxkada wanaagsan.

Dhoolocadeynta:- dhoolocadeyntu waa furaha wanaaga waana qufulka xumaha,waxaanay leedahay saameyn  caajiiba,waana lama huraan qof kasta oo doonaya inuu kasbado jacaylka dadka inuu badiyo dhoolocadeynta. Shirkada guuleystay qaar ayaa ku xidha shuruudaha shaqaalahooda inay badiyaan dhoolocadeynta,si ay u soo jiitaan una raali geliyaan macaamiishooda (custamars). Rasuulkuna(NNKHA)wuxu yidhi “walaalkaa oo aad u dhoolo cadeysaa waa sadaqo”maah-maah ay isticmaalaan dadka chineska ah ayaa tidhaa “hadaadan ku fiicneyn dhoolocadeynta ha furan meherad”

nin maamule ka ah warshad ku taal dalka Mareykanka oo sannadkii qaata mushahaf dhan($1000,000),ayaa yidhi lacagtan badan waxan ku kasbaday dhoolocadeynteyda. Nin ayaa la kulmay jilaa  faransiis ahaa oo caan ahaa oo la odhanjiray Doul Karniij wuxuna yihdi “wuxu u muuqday  nin aan soo jiidasho lahayn, oo aan bilicfiicneyn laakiin markA uu dhoolocadeeyey ayaan  ogaaday firfircoonida iyo soo jiidashada uu leeyahay ee lagu jeclaaday filimadiisa,waxaan kaloo ogaaday hadaanu dhoolocadeyn badneyn wuxuu  noqon lahaa nijaar ka shaqeeya faaradaha Bariisa”

tusaalayaashan oo dhami waxay ina tusayaan muhiimada ay leedahay dhoolocdeyntu.

Dhoolocadeyntu waa  ficil qof kastaa sameyn karo,balse waxaa adag in la kala garto inay tahay mid run ah iyo inay tahay mid been ah oo dadka lagu marinhabaabinaayo. Hase yeeshee shaki waxaanu ku jirin in dhoolocadeyntu ay leedahay fasir ama cabir ka xeel dheer ka muuqda. jaamacada Calafornia macalin ka dhiga cilmu nafsiga ayaa 30 kii sano ee la soo dhaafay ku hawlanaa inuu ogaado qiyaas ay leedahay dhoolocadeyntu,wuxuuna ogaaday caalimkaasi in dhoolocadeynta ay ka qayb qaataan xubno badan oo ku yaal jidhka. wuxuu kaloo caalimkani bilaabmay inuu baro garsoorayaasha maxkada sare ee Mareykanka hab lagu kala garan karo eedeysanaha beenta sheegaya iyo eedeysanaha runta sheegaya iyadoo la eegaayo dhoolacadeynta wejigooda. Culimada sychologyga ayaa iyana isku raacsan in dhoolocadeytnu tahay wax dabiici ah oo qofku ku soo dhasho balse aanay ahayn wax layskaga deydo. Waxaana jira in dhoolocadeynta ay ku kala badan yihiin bulshooyinka caalamka ku nooli,tusaale ahaan bulshooyinka Jarmalka,Hindida,iyo dadka ku nool bariga fog ayaa la sheegaa in ay dhaqan u tahay  ama aanay jecleyn in dadka kale dareemaan murugadooda,cadhadooda,nacaybkooda,ama dareenkooda aan farxadda ahayn iyagoo ku qariya dareenkaas dhoolocadeyn, waxaa kaloo xusid mudan in dumarku ay ka dhoolocadeyn badanyihiin raga,taas macneheedu ma aha dumarku  raga ka farxad badanyihiin balse waxay aaminsanyin in dhoolocadeyntu tahay qaab ay ku muujin karaan qurxdooda korna u qaadi karta ilqabashadooda. Waxaana lagu tilmaamaa gabadha dhoolocadeynta badani inay kasbatay dhedignimo dhameystiran.,halka raga dhoolocadeynta badana lagu sifeeyo inay yihiin bulshaawiyiin. Waxaana hubaal in dadka aynu aragno sawiradooda iyagoo dhoolocadeynaaya ay ka soo jiidasho badanyihiin kuwa aan dhoolocadeyneyn. Dhoolocadeynta waxaa loo qaybiyaa dhowr qaybood oo aynu ka soo qaadan karno. Dhoolocadeyn lagu cabiro dareenka farxada iyo kalgacaylka saa,idka ah,marka kasta oo farxada ama kalgacaylku sii bataba,dhoolocadeyntu way sii xeel dheeraataa. Dhoolocadeyn been ah waana mid lagu qaldaayo ama lagu marin habaabinaayo dadka,waana ta ay badanaa muujiyaan dadka wax iibiya ee meheradaha haysta,shaqaalaha,shaqaalaha soo dhoweynta iyo dibloomaasiyiinta. Samo-fal:- ku dedaal inaad dadka u samo fasho ama u asxaan fasho si aad ku hanato quluubtooda,tusaale ahaan dadka waxaa soo mara dhibaatooyin ay u baahdaan cid gacan qabata,qof kasta oo dhibtaas ka taakuleeyana maxbuus ayey u noqdaan,waxaanu kasbadaa wanaagooda,culimada qaar ka mida ayaa la weydiyey dadku ficilada ay sameeyaan kee ayaa ugu eekaansho badan ficilada Alle sameeyo,waxayna yidhaahdeen “samafalka dadka loo samo falo”. Hadaba qof kasta oo jecel inuu kasbado qalbiyada dadka isagoo u samo falaaya waxaa xusid mudan inuu ka dheeraado waxyaabaha hoos ku qoran si aan wanaagiisi u noqon dambas dabeyli qaaday. Wanaaga aad dadka u sameyneysaa ha noqdo mid aad Alle ajar kaga dooneyso ee aadan aduunyo dhaafsiisaneyn. Samee wanaaga ama samo-falka ado ku farxsan. Iska ilaali mano sheegashada. Qofka kasta ula macaamil adoo eegaya heerkiisa maskaxeed:si aad u kasbato jacaylka dadka waa inaad xisaabta ku darsataa in bini aadaqmku uu maro maraaxiil iyo heerar kala gedisan,tusaale ahaan ilmahayari wu ka dabeecad duwanyahay ka dhalinyarada ah ,dabeecada dhalinyaraduna waa ay ka duwantahay ta dadka waayeelka ah,sidaa daraadeed ha u qaadan in dhamaan dadka isu si loola dhaqamaayo,waanad qaldantahay hadaad ilmaha yar ka doonto inuu u dhaqmo sida dadka waaweyn oo uu ka tago ciy7aarta iyo dheeldheelka ama gabadha aad ula dhaqanto sida raga. Sameyso shebeked asxaaba:dadku waa ku kala duwanyihiin xidhidhka ay dadka kale la leeyihiin qaar ka mida waxay leeyiin shebekad balaadhan oo o asxaab ah meel kasta oo ay tagaana waxay ka helayaan asxaab ay isku ficanyihiin,qaar kalena waana sida loo badanyahaye waxay leeyihiin cilaaqaad kooban,faraqa u dhexeeyaana waxaa weeyaankuwa hore waxay leeyihiin doonitaan ah inay  iyagu dadka kale bartaan oo aasaan iniinyaha saaxiibtinimada ,balse  nooca danbe waxay sugaan in iyaga la barto,hadiiba la bartona ma sii xiseeyaan is barashadaasi inay sii xidideysato,hadaba inaad ku dhiirato inaad sameysato shebekad asxaab ah waa sifo wanaagsan oo ay leeyihiin dadka hanqaltaaga u saaxiibka ah ee meel sare hiigsanaya waana halka carabtii hore ka odhan jirtay “badanaa walaal aanay hooyadaa dhalin”,sidaa daraadeed hadii aad xiiseyneyso inaad sameysato shebekad asxaab ah oo balaadhan raac.

Check Also

qubayska biyaha kulul. hurdada, qubeeska

Qubayska Habeenkii: Biyaha Kulul Iyo Biyaha Qabow, Keebaa Hurdada U Wanaagsan?

Si aan u helno hurdo xasiloon, waxaan tijaabinaa caadooyin kala duwan iyo dawooyin. Qubayska hurdada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *