Sidee Ula Dhaqmaysaa Qofka Ku Gooya Ama Ku Diida?

Aakhiro oo waadax ah qofkii si dhab ah u qaatana aan marnaba lumaynin kuna dhacaynin waddooyinka sheydaanka dadka iyo jinka, anaga inta badan nolosheena waxaan xoogga saarnaa cibaadaadka loo yaqaan Shacaa’iriga ah oo ah shahaadataynka oo marka ugu horreysa qofka Islaamka qaadanaya ku dhawaaqo, salaadda, soonka, sakada iyo xajka qofkii awooda, balse sida muuqata oo aan marwalba aragno xoogga ma saarno cibaadaadka loo yaqaano tacaamuliga oo ah midda aan dadka kula dhaqanno oo ay ka mid yihiin runta in lagu hadlo goor walba iyo goob kasta, balse waxaad mooddaa in dad badani marka ay sheekeynayaan ama ay dadka la dhaqmayaan ay ku sheekeeyaan been, barabagaando, waxaan jirin IWM. Ammaanada oo la dhowro oo middaana aad dad badan arkayso ammaanadii lagu ammaanaystay ay khiyaanayaan, waxaana amaanadaasi ka mid naftaada aad leedahay, halkii uu qofka ka dhowri lahaa waxyaabaha xun iyo dhib oo  dhibaata joogta u gaysanaya iyaga oo haddana  u bareeraan, waxaa ka mid ah xifdinta wakhtiga shayga ugu qaalisan ee uu qofka leeyahay waa wakhtigiisa, marwalba oo hal daqiiqa kaa go’do cimrigaaga ayey ka go’an tahay, wakhtigii na looga baahnaa in aan xafidno ayaa dayacnaa oo aan ku luminaa waxyaaba aan micna soo kordhinaynin iyo maalaa yacni.

Cibaadaadka tacaamuliga aad ayey u badan yihiin haddii aan ku toosnaano cibaadaadkan oo inta badan ku waajahayno dadka aan la nool nahay haddii ay toosaan ayey toosaan kuwa shacaa’iriga ah ee aan ka soo sheekaynay. Sidaa darteed Rasuulkeena SCW hadal laga weriyey oo aad u qiime badan ayaa waxa uu ku sheegay inuu Alle amray inuu sagaal arrimood ku dadaalo anagana noo dardaarmay inaan ku dadaalno, waxaana ka mid ah:

  1. Ikhlaas  si sir ah iyo si muuqata: waxaad arkaysaa dad badan oo markaasi sheegaya ama muujinaya in ay Alle ka baqayaan ama ikhlaas u yihiin, balse hadalkoodaasi ma dhaafsana afka baarkiisa, sababta oo ah aad ayey u fududahay in afka laga sheego in Alle laga baqayo laakiinse sheegashadan haddii aysan ficil ahaynin waxa ay noqonaysaa in aad ku hadlayso waxaadan samaynaynin, middaasina Alle si weyn ayuu uga caroodaa, dadka qaarna ay sameeyaaan ficilo dadka hortiisa si loo yiraahdo hebel waa nin Alle ka cabsi badan, hayeeshee niyaddiisana ay ku jiraan waxyaaba khaalis u ahaynin Alle , kaliya sidaa u samaynayo is tus tus. Dhammaan xubnahaaga oo dhan Alle uga baqdaa, indhahaaga oo aadan ku eegin waxii uu Alle kaa xarimay, dhegahaaga oo aadan ku dhegaysan waxyaabaha xun oo aan faa’ida kuu keenaynin oo ay ka mid yihiin xanta, namiimada iyo waxyaabaha kugu hagaya waddooyinka sheydaanka. Carrabkaaga inaad Alle uga baqdid, waxaana og nahay in carrabka uu kaalin weyn uu ka qaato qaabka ay ku socoto noloshaada kana fogeysid inuu ka hadlo waxyaabaha dhibaata u keenaya naftaada, ehelkaaga, dadkaaga, ummaddaada iyo dalkaaga oo aadan ku dhawaaqin waxaan Ilaahay raali ka ahaynin, dhammaan xubnahaan aan ka soo sheekaynay adiga ayaa masuul ka ah ee Alle uga baq si sir iyo si muuqata.
  2. Ku hadalka hadalka caddaaladda marka aad caraysan tahay iyo marka aad raaliga tahay : qofka naftiisa hanta marka uu caroodo waa halyeyga hanan kara waxwalba, waayo aad ayey u adag tahay inuu qofka caddaalad sameeyo ama uu ku hadlo marka uu caroodo, waxaana og nahay in carada ay na dhaafiso waxyaaba badan nafteena dhib u keenaya iyo culays siyaada ah, mana aha inaad caddaaladda ka tagto xaaladda aad ku sugan tahay. Midda kale marka aad raaliga tahay maaha in naftaada kugu qaado inaad caddaalad darro sameyso qof ehelkaaga ah ama aad taqaanid ama isku qabiil tihiin dartiisa inaad caddaaladda uga tagto, qof walba xaqiisa waa inaad siisaa si caddaalad ah, xitaa haddii uu yahay wiilkaaga waa inaadan caddaaladda ka tagin qof walibana waa inuu kaa helaa caddaalad ama sokeeye ha ahaado ama shisheeye.
  3. Inaad dhexdhexaadsatitd faqriga iyo qaninimada : qofka noloshiisa waxaa wanaagsan inuu wax uu haysto uu dhexdhexaadsado oo uusan marnaba samaynin isku koobid bakhiilnima ah ama israafin, qofka haddii uu ku sugan yahay xaalad faqri ah waxa uu haysto inuu dhexdhexaadsado, haddii uu ku sugan yahay xaalad maalqabeenimana uu dhexdhexaadsado bakhiilna uusan noqon bixiye xaddhaaf ahna uusan noqon oo uu dhexdhexaadsado waxa uu haysto waayo waa ammaana, ammaanadana waa inaad xafiddaa.
  4. Inaan la xiriiryo qofka ku jara : halkaan waxaa isku dhaafay dad badan, waxaad arkaysaa dad badan gaar ahaan marka dad ka mid ah ehelkaaga uu khalad kugu sameeyo inta badan waa la jaraa oo waxaa laga qaataa mowqif kaasi oo ah inaan lala hadlin, waxna lala wadaagin oo hadalka iyo tacaamulka laga jaro middaana maaha wax wanaagsan, haddii aad u samirta qofka ku dhiba ama xumaan kuu geysta ha ahaado sokeeye ama shisheeye waa inaad isku daydaa inaad xiriiriso oo aadan jarin waayo waxa ay ka mid tahay dardaaranka Alle iyo Rasuulkiisa SCW.
  5. Inaad siisid qofka kuu diida  : inta badan anaga waxaan sugnaa anaga qof wax na siiya, maaba soo hadal qaadno qofka wax noo diida, gambar gaaban ayaana ugu fariisanaa, iyada oo marmarsiiyo laga dhigto isagana maalintiisa ayuu ii soo baahan doonaa, looma baahna hadalka noocan ah waayo meel kuma gaarsiinaya, waxaana ku hadaaqa qofka jaahilka ah oo wacyigiisana hooseeya, haddii uu qofka kuu diiday sii adiga, ha noqon sidiisa oo kale, qofka haddii uu xumaado lagama daba xumaado, haddii uu isaga xumaaday adiga ka fiicnow, waxa aad siinaysid maaha abaal gud ahaan inaad u siinaysid ee Alle dartiisa ayaad u siinaysaa, siismada marka laga hadlayo dad badan ayaa maskaxdooda durba ku soo dhacaysa lacag uun, arrintu sidaa maaha, siismada wax walba ayey soo hoos galaysaa waxaa ka mid ah : in aqoon aad leedahay bixisid, hadal wanaagsan, macaamala fiican, wax walba aad haysatid haddii uu qof usoo baahdo bixi haddii xitaa qofkaasi aad siinaysid uu hore kuugu diiday inuu ku siiyo.
  6. Cafinta qofka ku dulmiya : waxaa nolosheena dhacda dhacdooyin aad u badan oo aan maalin kasta waajahno, waxaad arkaysaa qof xaqaaga kaa dulminayo, oo markaasi dulmi cad kuu gaysanayo, mararka qaarna ay dhici karto inuu kuu gaysto waxyaaba aadan laqi karin oo aad u qaraar, balse marka aad la timaado cafin waxaad dareemaysaa sacaada aan dhayal lahaynin waxaasi aad cafidayna Alle beddelkiisa ayuu kugu abaal marinaya middaasi ayaana xaqiiqa ah, dulmigana waa wax aad u liita oo xitaa Alle nftiisa ka xarimay, anagana nagu amray in aynaan is dulmin, balse halyeey dadka hal dheer yahay waxaad noqonaysaa marka aad cafis u fidisid qofka ku dulmiya.
  7. In aamusnaantaada ahaato feker : waxaa la og yahay in insaanka Ilaahay ku manaystay sheyga ugu sharaf badan ruuuxa ka dib, waana caqliga, caqligana waxaa naloo siiyey inaan ku fekerno oo aan ku ku garano Allihii na abuuray iyo ujeeddada naloo abuuray, inaad fekertana ma imaanayso ilaa aad ka hesho jawi munaasib ku ah fekerka oo ah aamusnaanta iyo meel deggen, qof hadal badan in badan ma fekero, marwalba oo hadalkaaga batana khaladaadkaaga ayaa badanaya, marka aamusnaantaada ha ahaato feker sida uu Alle iyo Rasuulkiisa na amrayaan.
  8. Hadalkaaga inuu ahaado Xuska Alle : qofka insaanka waxaa wanaagsan inuu xoogga saaro badinta Dikriga ama Xuska Alle, marwalba aad badisid Xuska Alle waxaa xoogaysanaya iimaanka, waxaa xasilaya qalbigaaga, waxaa sugmaysa noloshaada, waxaad dareemaysa sacaadada da badan ay raadiyaan, waxaad la kulmaysaa raaxada nafta, marwalba oo aad Alle u dhowaatid isagana waa kuu soo dhowaadaa, marwalba aad xustidna Isagana Golihiisa Malaa’igta ayuu kugu xusaa, eek u dadaal Xuska Alle.
  9. Aragtidaadana in ay ahaato ku cibra qaadasho : maalin walba nolosheena waxaan aragnaa waxyaaba aad u badan uu khalqiga Ilaahay ah oo nooc walba leh, wax walba oo koonkan ahna waxaa ku sugan cibra si aan u ogaado in waxyaabaha aan arkayno oo dhan ay yihiin abuurista Ilaahay kuna cibra qaadano si aan u xoojino iimaankeena oo markaasi noogu suura gasho inaan xiriir joogta ah la yeelano Rabbigeena anaga oo u marayna ku cibra qaadashada khalqigiisa.

Maxamed Cali Juxaa

mjuxxa@gmail.com

Check Also

qubayska biyaha kulul. hurdada, qubeeska

Qubayska Habeenkii: Biyaha Kulul Iyo Biyaha Qabow, Keebaa Hurdada U Wanaagsan?

Si aan u helno hurdo xasiloon, waxaan tijaabinaa caadooyin kala duwan iyo dawooyin. Qubayska hurdada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *