Sidee U Joojin Karnaa Luminta Wakhtiga?

Miyaad jeclaan lahayd inaad haysatid saacado badan maalintii si aad u fuliso howlaha ay lagama maarmaanka tahay in aad fuliso?. Qof ahaan anigu waan rajeeyaa sidaas!. Maalin kasta waxa aan sameeyaa liiska waxyaabaha aan doonayo in aan sameeyo. Kadib waxaa iga kala yaaciya waxyaalo yaryar, sida la hadal saaxiib aan shaqo wadaag nahay, ama Iimayl [Email] u muuqda mid deg-deg ah, ama shaashadda kombuyuutarka oo aan ku mashquulo. Si kadis ahna waxey u dul istaagtaa saacaddu lixdii fiidnimo, kolkaasna waxa i haleela waxyaabo kale oo udub-dhexaad ii ah, sida dareen gaajo oo daran, ka fekerka waajibaadkii qoyska iyo jimicsigii jireed.

Dr Sydney Finkelstein ayaa kuu haya tilmaamid iyo tusaalayn ka bilaabmeysa qirashada; in sababta ugu weyn ee wakhtigu kaaga lumo ay tahay in aadan ula dhaqmin ama u adeegsan saacadaha iyo daqiiqadaha sidii in ay yihiin tixraac muhiim ah oo qiimo badan. Haddii aan u dayici lahayn cuntada, sida aan wakhtiga u luminno, weynu nafaqo darrayn lahayn.

Halkan waxaan kusoo bandhigaynaa shan siyaabood oo kaa caawin kara in aad joojiso luminta wakhtigaaga:

Xir Email-kaaga.

Xir Iimaylkaaga, haka xirin kombuyuutarkaaga oo keliya, laakiin sidoo kale taleefoonkaaga, iPad-kaaga, iyo aalad kasta oo ku xasuusin karta iska xir. Haddii aad rabto in aad wakhtiga ka faa’iidaysato, suurta gal ma ahan in aad isku hareerayso aaladahaas oo dhan, adiguna waad ogtahay in ay khasab tahay in ay carqaladeynayaan shaqadaada.

Waxaadse dejin kartaa wakhti uu labo ama saddex jeer maalintii kuusoo dhoco Iimaylkaagu oo aad ku aragto farriimaha, kolkaasna aad uga jawaabi karto. Ha kaydsan, hana u dib dhigan in aad ka falceliso wakhti kale.. Samee isla wakhtigaas oo tirtir.

Yaree shirarka/ kulannada.

Xuska ereyga “kulannadu” sidiisa ayuu ugu gacan haadinayaa xusuusaha murugada leh oo ka turjumaya [tirada aan lasoo koobi karin ee wakhtiga la lumiyay kamid ah].
Kama saari karno shirarka nolosheenna, laakiin waxaa jira labo soo jeedin oo lagu dhimayo culayska kulannadaas:

  1. Ha u tagin shirarka, keliya in aad u maleynayso in imaanshahaagu muhiim noqon karo. Si kasta ha noqotee, ha aadin, hana ka labolabayn taas.
  2. Shirarka ay tahay in aad ka soo qeybgasho, iskuday in aad soo koobto natiijooyinkooda, si aad u xusuusato howlaha ama arrimaha u baahan in aad ka guul gaarto.

• Ka faa’iidayso waqtigaaga firaaqada ah.

Ka faa’iidayso wakhtiga aad ku sugan tahay diyaaradda, si aad u qabatid shaqo ay lagama maarmaan tahay in aadan si degdeg kujiro u qabanin. Go’doomintaas waajibka ah ee adiga lagugu soo rogay [inta lagu guda jiro safarka], kana fog walaaca iyo wax kasta oo maskaxdaada jeedin lahaa, waxey kuu ogolaaneysaa in aad wax dib u milicsato iyo in aad si qotadheer u fekertid.

U samee wakhtiyo cayiman shaqooyinkaaga.. Laakiin suurtagal ah!

Waa run in maalin kasta waxyaalo dhici karaan, kuwaas oo carqaladeeya waxqabadka iyo waxtarka qofka, waxaana jira hoobasho iyo kor u kac oo qorshe iyo mashruuc kasta soo foodsaara. Sidoo kale awood uma lihin xakameynta waxqabadka dadka kale ee nagu xeeran, balse waxaan isku dayi karnaa in aan xakameyno wax qabadkeenna iyo sida howlaheenna looga guul gaari karo.

Markaad dhammayso hawl, u gudub hawsha ku xigta, oo haddii aad la kulanto caqabado si aad u dhammaystirto mid ka mid ah hawlaha, ka gudub oo u gudub mid kale, kolkaasna ku soo noqo maalin kale oo aad ka sii xoog badan tahay, kana sii diyaar garow badan tahay. Had iyo jeer isku day in ay ku dhammaato maalintaadu qodob cayiman, oo ay fududdahay in aad ka bilowdid maalinta xigta.

Kormeer naftaada.

Dhamaadka bil kasta, si taxadar leh u fiiri jadwalkaaga gaarka ah, oo arag sida aad wakhtigaaga u adeegsatay afartii toddobaad ee la soo dhaafay. Ma ku faaneysaa [adigu] sida aad u isticmaasho wakhtigaaga?. Shaqooyinkii aad dooratay qabashadooda, ma ka heshay natiijooyinkii aad rabtay?. Ma raacday talo soo jeedinta maqaalkani ku siiyay si aad u joojiso wakhti luminta?

Xitaa niyooyinka ugu wanaagsan kuma filna in la beddelo caadooyinka xididdeystay, haddii ay dhab kaa tahay, waa in aad kormeertaa waxqabadkaaga, waa habka ugu fiican ee lagu dhammaystiri karo shaqo kasta, kuguma filna keliya in aad ku hadaaqdo in aad joojineyso luminta waqtigaaga, ama aad kasoo qaadid in aad sameyndoonto, laakiin lasoco naftaada oo si adag u hubi waxa aad sameyneyso. Diyaar ma u tahay arintaas?.

Sida waxyaabaha kale ee muhiimka u ah nolosha, u diidista naftaada wakhti luminta ma ahan cilmiga sameynta gantaalada oo kale. Keliya waa isku darka waxa loo maleynayo in ay maangal yihiin, iyo qiyaasta bedqabka ee xakamaynta nafta, mana aha wax ka sii adag intaas, taas oo micnaheedu yahay in aysan jirin sabab diidaysa xaqiijinteeda. Haddaba hadda… Maxaad ku qaban doontaa waqtigaaga firaaqada ah?!

W/Q: BBC Capital.
W/T: Madasha Turjumaadda ee Hoobaan.

Tixraaca maqaalka:
https://islamonline.net/16448

Check Also

4 Hab Oo Masuul Kasta Uu Ku Kasban Karo Dadka Shaqada Uu Ku Maamulo

In xidhiidh kalsooni ahi uu dhex maro maamulaha iyo shaqaalaha uu la shaqaynayo ama guud …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *