Sida Ugu Habboon Ee Loola Dhaqmo Dadka Qallafsan Ee Aad Shaqada Wadaagtaan

Adiga oo aan u aabayeeleynin waxa ay tahay in aad qabato, waa in aad la dhaqantaa dadka dhibka badan.

Isku dhaxyaaca iyo qaadashada mas’uuliyada

Markii aad noloshaada dareento argagax iyo wareer ku saabsan waxa aad qabatay, aqoonso in aadan aheyn dhibanaha xaaladda ama qofka argagaxa ku hara. Waxaad dareentaa qeyb ka mid ah oo ku saabsan in ay keeni karaan dadka kula shaqeeya iyo xaaladda shaqada. Xaalada iyo dadka ma’ahan kuwo ku dareensiin kara shey xun oo aadan adiga isku abuurin.

In aad ku mashquusho cabsi galinta dadka iyo xaaladda adag ee kaaga soo wajaha shaqada xilliyada aad ku cusub tahay waxaad ugu gudbi kartaa in aad adeegsato kalsooni iyo aqoon kugu filan.

Iska yareey xanta dadka kale

In aad daka la wadaagto wax ka sheegidda dadka kale ama aad dhageysato, waxa ay dib u dhigtaa hormarka shaqadaada iyo wanaaga bulshada aad la shaqeenayso dhaxdeeda oo waxa haboo in aadan dadka kale xamanin, balse daryeelmagazine.com ayaa ku leh waxaad la wadaagi kartaa dadka aad tihiin saaxiibada dhaw taariikhyadaada horay kuu soo maray si ay kaaga ogaadaan wixii aad horay u soo qabanjirtay iyo sida aad ku soo xalisay kuwooda wanaagsan.

Mata hay qof marwalba raadiya xalka

Ka hor inta aadan bilaabin raadinta qeyb ka mid ah xalka oo aad kula dhaqmeyso dadka aadka adag ama qalafsan ee kula shaqeeya, isticmaal shiilitaanka maskaxda oo ah mid wanaagsan sidii aad xal wanaagsan ugu heli laheyd.

Waxaad ku tixgalisaa in aad wax un la wadaagto wxii aad qabatay dadka kula shaqeeya ama aad hormariso xirrirka idinka dhaxeeya iyada oo aysan saameynaynin hormarkaaga, kalsoonidaada iyo wax soo saarka shaqadaada.

La hadal qofka aad wax ka tabanayso si toos ah

Markii aad isticmaasho maskax shiilis aad ku raadinayso xalka waydii lana hadal dadka adag ama qalafsan si gooni ah, meel ka fog shaqaalaha kale. Hadii aad ka walaacdo wax ku saabsan natiijada ama sifudud aad isku fahmiweysaan isaga iyo adiga u fur ama u bandhig dadka kale in la idiin kala dhax galo si arintii aad ugu heshaan dad xaliya.

Waxaad qaadataa mas’uuliyada in aad dhahdo sida ku dhawaaqida erayada “aniga” iyo “adiga”. Xaqiiqdii isticmaalida luuqadaan waa mid ka mid ah kuwa sida ugu dhaqsiyaha leh ugu abuuri karta kalsooni 2 bada qof ee xurgufta ay ka dhaxeyso.

Yareey ama xafid hadaladaada badan

Qaado qoraalo gaa gaaban iyo ilaali waxa aad qoreyso markii aad la hadlaysay qof ka mid ah dadka dhibka badan ama dabeecadda xun. Tani waxa ay kaa caawinaysaa in aad xaqiijiso in mustaqbalkaaga dib u aruurin ugu sameeyso ama aad hesho wax aad ku doodi karto oo aad iskaga difaaci karto in meel xun ay ku dhigaan dadka aad ka u dhibka badan ee kula shaqeenaya.

Waxaad raacdaa nidaamka siyaasadeed iyo hanaanka ka jira meesha

Hay’ado farabada ayaa ah kuwo leh hanaan iyo siyaasado lagu xaliyo goobaha ay ka dhacaan isku dhacyada iyo sida loola dhaqmo dadka aad ka u qalafsan ee shaqada ku sugan. Intaas waxaa sii dheer qoraalada ku saleysan nidaamyadaan had iyo jeer waa kuwo ku lug leh mas’uuliyeenta sare ama waaxda maamulka qataraha taasi oo ka caawinaysa is dhax dhaxaad ah adiga iyo dadka aad isku dhaxdeyn ee kugula sugan shaqada.

Kori ama hel xirfadaada shaqo

Adiga oo aan u aabayeelaynin natiijada iyo aqoonsiga in qibrad kasta waxad ka baraneysaa cashar. Ahaaw mid si fudu ku koriya ujoodooyinkaaga adiga ku xalinaaya caqabadaha ku soo wajaha qoro xiliga ay kugu dhacday dhibaatada iyo sida aad ku xalisay ama waxaad barataa siyaasadaha iyo hanaanka u degsan loo shaqeeyaha kaasi oo aad ka faa’iidi kartid kas basho xifrad shaqo.

Ugu dambeyntii waxaad ogsoonaataa in saxiibka shaqada uu yahay kan saameynta ku leh shaqadaada oo saaxiibkaaga wanaagsan waxa uu koriyaa ama hormariyaa xirfadaada shaqo saxiibka xuna ama dabciga adag waxa uu dib u dhigaa hormarka shaqadaada, marka hadii aad sida ugu haboon ugu dhaqanto qodobada aan soo tixnay waxa aad heli kartaa in aad ogaato sida la iskaga ilaaliyo saaxiibka xun ee shaqada kula jooga.

Waxaa qalinka u qaatay maqaalkaan: Ustaad C/wali Cali Maxamuud (Carafaat)

Check Also

qubayska biyaha kulul. hurdada, qubeeska

Qubayska Habeenkii: Biyaha Kulul Iyo Biyaha Qabow, Keebaa Hurdada U Wanaagsan?

Si aan u helno hurdo xasiloon, waxaan tijaabinaa caadooyin kala duwan iyo dawooyin. Qubayska hurdada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *