Maanta waxaan doonayaa inan soo qaato Jidhka caadiga ah (normal skin type), jidhkaani wa ka ugu fiican jidhka dumarka, waa jidh aan inta badan waxba noqon, wa jidh waxkastaa u dheeli tiran yihiin, waa jidh hadii loo isticmaalo wixiisa saxda ah rutnii sii qurux badnaada, markaa waa jidh aanay hore u gaadhin dhibta kimikalku, ama ay naasibto inta hore, wallow hadii lagu sii wado ay dhib u keeni doonto. Hadana wa jidh lagu garto waji dhalaalay, waligii finan yelan, wax dhib ahoo kale aan ku lahayn wajiga. Waa jidh had iyo jeer nadiifa , jilicsan, quruxbadan, dhalaala, dadka haystaana ay aad u nasiib badan yihiin.
Jidhkana hadii la ilaalin waayo, ama loo isicmaali waayo kiriimis u saxda ah, wuxu noqdaa aayar aayar dhabanada qalayl, fooda iyo gadhkana saliid, waloow dhib badan soo gaadhin hadana waxyabaha lagu garto mustaqbalka haduu is badalo ayaa ah noocan, ka bacdina qofka jidhkiisa ayaa noqda jidh magac kale leh oo loo yaqaaano (combination skin type) , waloow uu wali yahay jidh fiican hadii la daryeelo ilaalintiisa. Hadaan isku soo daro anigu shaqsi ahaan jidhkaasan leeyahay loo yaqaano (combination skin), waxaan qaba inuu yahay jidh fiican oo u dhaw ka caadiga ah. Jidhkan isku jira ayaan ahayn mid yeesha dhibaato badan sida jidhadhka kale. Dhibta uu leyahay ee kaliya ayaa ah gadhka iyo fooda hadii la ilaalin waayo waxa ku bataa wax loo yaqaano (T-zone) oo ah saliid fadhiistay.
Aan ku soo noqdo jidhkii caadi ahaa, wuxuu u baahanyahay jidhkani in habeenkii iyo aroortii markasta loo sameeyo wax loo yaqaano (facial cleanser), si aanu isku badalin waligii, runtiina la daryeelo. Hablaha ila soo xidhiiday ee haysta jidhkan caadiga ah waxaan idin leeyahay walaalo jidhka ugu fiican jidhka bini aadamka ayaad haysataan, markaa si fiican u ilaaliya waligiina isku daya inad marsataan wax cad ceeda idinka ilaaliya (sun creams)
Waxyabaha loo marsan karo jidhkan caadiga ah (for normal skin type):
- Cambe oo kaligii la qasay, loona marsaday sida qasilka, 20 daqiiqadood
- Liin macaan iyo tamandho/yaanyo la ridqay iyagana sido kale
- Kaabash la ridqay oo isgana loo isticmaalay sida qasilka, kaabashkani wuxuu ka ilaaliya jidhka caadiga ah isbadalka ay ku keenaan saliida ama qalaylka ku dhaca meelo ka mid wajiga, ka bacdi biyo qaboob baa lagu maydhayaa
- Beedka inta cad oo kaliyana sidoo kale, tiiyoo marsiga laga soo bilaabayo xaga sare ee fooda, indhahana laga ilaalinayo. Si waxyabaha kale oo dhan gadhka laga bilaabaya marsigooda.
- Beedka/ukunta inta jaalaha ah iyo saliid saytuun ayaa la isku qasaa dabadeedna wajiga la mariyaa iyadoo loo daynayo 15 ama 20 daqiiqo
- Liindhanaanta oo biyo lagu kar kariyay, hadana la qaboojiyay oo lagu xoqo wajiga iyadoo loo isticmaalayo cudbi, liindhanaantani waxay fiicnaysiisa wareega dhiiga, ka bacdina jidhkani isma badalo qurux dabiici ahna wuu ka helaa…………………!
- Muus la shiiday ayaa wajiga la marsadaa 20 daqiiqo kadibna biyo qabow ayaa la iskaga dhaqaa.
Allaa mahad Leh
Amina Abdilahi Mohamed
Holistic therapist & skin specialist