Inta badan waxa jira Daraasaado wakhtiyo kala duwan la ogaado oo kala duwan haba akhriste maxad ka ogtahay In uu Muuska yahay shayga Ugu fiican ee aad Jidhkaaga Ku Habyn Karto Soona Saraya Quruxda Jidhkaaga.
muusku wuxu leeyahay faa`idooyin badan iyo fiitamiino caawinaysa maqaarka dadka, kana dhigaya mid jilicsan oo dabacsan, sidaa darteed waxu kaa cawinayaa in aad quruxdaada ku ilaaliso isticmaalka muuska. Shirkadaha Caalamiga ah ayaa soo ban dhigay hada in uu Muuska yahay shayga Ugu fiican Dhinaca Qurxinta Jidhkagaaga loo adeegsan karo (natural pant) waxana tijaabo ku sameysay shirkadaha dalka Engiriiska qaar kood.
Habka loo isticmaalayo muuska jidhka lagu qurxiyo: Waxaad jarjartaa muuska kadib wajiga saar mudo 20 daqiiqo ku dhow, sidaa ayuu wajigaagu ku nuugayaa saliida iyo fiitamiinka ku jira muuska.
Muuska yaryaree kadib waxaad ku dartaa saliida lawska, kadib isku walaaq, kadibna timahaaga mari oo kudaa 15 daqiqadood. Markaad maydho timahaaga oo aad dhawr jeer sidaas u isticmaashidna waxaad dareemi doontaa is badal wayn, timaaguna waxa ay noqon doonaan qaar jilcsan oo dhalaalaya.
Si gacmahaagu u dabcaan waxaad samaysaa muuska markaad jarjartid ayaad kula walaaqi badhar, kadib gacmaha ayaad marin sidii inaad fara xalanaysid oo kale, daqiiqado kadib markaad iska maydhid, waxaad dareemi doontaa siday gacmahaagu u jilcaan. Intaasi oo Kaliya Maaha Fa’iidada Uu jidhka uu leyahay lakiin waxa Cunistiisa Laga helaa Borotiin La xidhidha dhanka Xubnaha Dareeraha Oo Uu joojiyo.