Sida miisaanka loo dhimo:
Barnaamijka Ciyaadatul-Jasiirah (Rugta caafimaad ee Al-Jasiira) oo ka baxa talefishanka caanka ah ee Aljazeera qaybtiisa carabiga ayaa horraantii bishii Feebarweri ee sannadkan sii daayey qayb xidhiidh la leh “Xakamaynta cuntada iyo miisaan dhimista. Dr. Raa’id Al-Calaawiyn oo ah Digtoor si gaar ah ugu takhasusay cilmiga nafaqaynta iyo xidhiidhka cuntadu la leedahay shaqada xubnaha aadamaha oo afka qalaad lagu yidhaahdo, Therapeutic Nutrition oo marti ku ahaa barnaamijkani waxa uu soo jeediyey talooyin waxtar u leh xakamaynta cuntada iyo miisaan dhimista, sidoo kale waxa uu sheegay xogo muhiimad weyn u leh ruux kasta oo ku jira Cunto xakamayn, iyo miisaan dhimis.
Haddaba waxaan qormadan akhristayaasha ugu soo koobaynaa talooyinkaas kuwooda ugu muhiimsanaa:
– Biyo cabbista subaxda hore waxa ay jidhka ka caawisaa in uu iska soo saaro qashinka (Sida calool socodsiinta). Waxa aanu hoosta ka xariiqay in laba koob oo biyo diirran ah oo subaxdii la cabbaa ay caloosha jilciso.
– Qanjidhka Dhuunta ee Toroodhka (Thyroid) haddii uu hawlgabo ama hoos u dhaco xaddiga Hormoonka Thyroxine ee uu jidhka ku sii deyn lahaa, dhibaatooyinka uu keeno waxaa ka mid ah miisaanka qofka oo kordha.
– Sinjibiisha iyo dhirta la midka ah, sida Qorofalka, Khamuunta iyuo busbaaska kulul waxa ay caawin karaan dheefshiidka iyo falgalka cuntada, laakiin kelidood oo aan lagu darin nidaam cunto oo caafimaad qaba iyo jimicsi waxba kama tarto miisaan dhimista.
– Caloosha waxa la iskaga ridi karaa nidaam cunto qaadasho oo caafimaad qaba iyo jimicsi la isku daro.
– Jimicsi Kelidii miisaanka ma rido, sidoo kale cuntada oo la xakameeyo lana nidaamiyaa waxba ma tarto, waa in labadaa arrimood la isku daraa.
– Rajiimka Waa aasaas u ah in la beddelo hannaanka cunto qaadasho, kadibna la joogteeyo. Waa in uu noqdaa hannaan la joogteeyo, laakiin aan adkayn, si qofku aanu isu arag in uu ka sooman yahay wax uu cunistiisa jeclaa, taasina ay halis ku tahay in jebiyo hannaankii uu dejistay oo dhan.
– Malabka oo malqacad laga cunaa waxa ay buuxisaa faaidadii uu jidhku uga baahnaa khudradda cagaaran, laakiin dhibtu waxa weeye sida khudradda malabku caloosha uma buuxinayo, taasina waxa ay keenaysaa in qofku cuntada sidiisii hore uun u cuno.
– Xilliyada cunto oo midkood laga boodaa waxa ay keentaa uun in qofku inta uu aad u gaajoodo xilliga xiga uu cunto intii uu caadi ahaan cuni jiray ka badan cuno, taasina miisaanka waaba ay sii kordhinaysaa uun.
– Miisaan Dhimistu waxa ay u baahan tahay in qofku uu la yimaaddo go’aan adayg iyo in uu ku samro hannaanka cunto ee caafimaadka qaba iyo hawsha adag ee jimicsiga miisaan dhimista.
– Kalastaroolka Sida ugu habboon ee aad ku hdimi kartaa waa in aad xoogga saarto cabbista caanaha aan dufanka lahayn ama uu ku yar yahay, in aad iska yarayso hilibka xoolaha, In laga dheeraado cuntooyinka degdegga loo diyaariyo ee afka qalaad lagu yidhaahdo ‘Fast Food’ in lagu baraarugsanaado cuntooyinka qaniga ku ah Kalastaroolka sida Beedka iyo Kalluunka nooca Qawqabka (Shrimp) loo yaqaanno iyo cunto kasta oo leh duxda lagu magacaabo ‘Saturatted fat’ oo keenta Kalastaroolka.
– Kiriimada iyo dawooyinka la isku dhuubo Ayaa uu iyagana Dr. Raa’id Al-Calaawiyn sheegay in aanay waxba ka tarin dhimista miisaanka, gaar ahaan kuwo hadda dunida aad looga isticmaala oo keena shuban iyo matag dadku aaminsan yihiin in caloosha ay faaruqinayaan si calooshu ay u yaraato.
– Inta badan waxaa dhacda in marka uu miisaanku si dhaqso ah qofka muddo gaaban gudaheed uga dhaco uu keeno in haragga oo markii hore kala baxay hilibka fuulay awgeed uu markan noqdo harag madhan oo soo laalaada, gaar ahaan kilinkillooyinka hoostooda, laabta, caloosha iyo tar-tarrada, sidaa awgeed sida ugu fiicani caafimaad ahaanna wanaagsani waa in miisaanku si tartiib-tartiib ah u dhaco oo weliba uu jimicsi ku dhaco si uu haraggu dib ugu ururo.
– Xaddiga Miisaanka ugu fiican ee ay tahay in qofku uu ridaa waa in uu Kiiloogaraam badhkii illaa laba kiiloo rido Toddobaadkii.
– Arrinta xiisaha leh ee uu ka hadlay Dr. Raa’id Al-Calaawiyn ayaa ahayd sababta keenta in dadka qaar iyaga oo cunto aad u badan cunaya haddana aanu miisaan badani fuulin, halka qof la mid ah oo inta ay jimicsadaan in le’eg jimicsada cuntada uu cunaana ka yar tahay uuu miisaanku si aad ah u fuulo. Waxa aanu Digtoorku arrintaas ku xidhiidhiyey dhinaca unugyada abuurka ah ee qofka, tusaale ahaan tirade unugyada dufanka ee jidhka ku jira. Waxa aanu xusay in ay dhacdo in marka uu qofku carruurnimada ku buuran yahay ay bataan unugyada dufanka ee jidhku, taasna ay sababto in marka uu weynaado uu u nuglaado in uu miisaan si dhaqso ah isaga fuulo. Taas macnaheeduna waa in dadka marka hore miisaanku kala qaban og yahay sababahaas aynu xusnay awgood.
– Dr. Raa’id Al-Calaawiyn waxa uu hooyo kasta kula taliyey in marka ay umusho si aanu miisaan u fuulin ay ku dadaasho in ay xakamayso nidaamkeeda cunto oo ay marto hannaanka caafimaadka qaba ee cunta qaadashada, iyada oo ka fogaanaysa macaanka, waxa aanu sheegay in arrintaasi ay hooyada ku ilaalinayso miisaankeeda dabiiciga ah. Haddii aanay sidaas yeelinna ay halis u tahay in umusha uu hilib badani ku fuulo.
– Dr. Raa’id Al-Calaawiyn waxa uu sheegay in qofka oo mara Rajiim ama nidaam miisaan dhimiseed oo aan cilmiyeysnayn ay ku keento daal iyo burbur joogto ah, saamayn taban oo la arki karana ku yeelato xusuustiisa.
Dr. Raa’id Al-Calaawiyn waxa uu sheegay in qofka oo mara Rajiim ama nidaam miisaan dhimiseed oo aan cilmiyeysnayn ay ku keento daal iyo burbur joogto ah, saamayn taban oo la arki karana ku yeelato xusuustiisa.
– Mararka qaarkood marka uu qofku ku jiro geeddi-socodka uu miisaanka isaga ridayo waxaa dhacda in uu jidhku gaadho meel uu joojiyo gebi ahaanba in miisaanku is-dhimo. Xaaladda sidan ah waxaa afka Ingiriisiga lagu yidhaahdaa Plateau oo macnaheedu noqonayo meel siman ama aan laga sii shalwan /Siiban Karin. Dr. Raa’id Al-Calaawiyn waxa uu ku talinayaa marka ay xaaladdaas oo kale qofka ka hor timaaddo in uu maalin iyo laba hakiyo Is-xakamaynta (Rajiimka), kadibna dib u sii ambaqaado ama in uu kordhiyo xaddiga jimicsi ee uu marka hore ku soo socday.
– Miisaanka qofka fuulaa waa laba nooc; midi waa marka ay xaydhu ku soo ururto caloosha iyo hareeraheeda, nooca kalana waa marka ay xaydhu ku fidsan tahay caloosha, bowdyaha iyo miskaha.
– Dr. Raa’id Al-Calaawiyn waxa uu ku taliyey in laga fogaado rajiimka (Is-xakamaynta) aadka u adag, waayo waxa uu ku dhisan yahay in nafta wax badan laga xakameeyo, taasina waxa ay keenaysaa in naftu ay xiisayso cunista iyo ku dhaqanka waxa laga mamnuucayo.
– Bunku ma kordhiyo miisaanka, laakiin inta miisaan dhimista la wado waa in laga ilaaliyo sonkorta iyo caddayska labadaba.
– Ugu dambayntii Digtoorku waxa uu ka digay in qofku marka uu cuntada cuno uu toos u abbaaro hurdada. Waxaa fiican cunto kasta dabadeed in qofku uu waxoogaa soc-socdo ama xarakaad uun sameeyo, iskana jiro in uu jiifsado isaga oo dharagsan.
Diyaariye-Kamaal Marjaan