Sida Loo Abuuro Su’aalaha Wanaagsan Oo Noloshaada Wax Ka Badali Kara ?

Ugu horrayn hadaad ku guulaysato in aad wax ka badasho su’aalaha aad noolashaada waydiiso waxaa hubaal ah in ay wax wayn iska badali doonto sidaad noolasha oo dhan u arkaysay.

Sababtuna waxa ay tahay su’aalaha uu qofku iswaydiiyo waxa ay ka qayb qaataan kobcinta iyo kor u qaadista fikradaha ay maskaxdu soo saarto.

Sidaan wada ognahayba Maskaxdu waa sida dhul beereed adiga kuu gaar ah, Fikradaha aad iska dhaadhiciso iyo Su’aala aad iswaydiisana waxa ay noqdaan miraha aad ku beerayso maskaxdaad, sidaa awgeed hadii aad marwaliba iswaydiiso su’aal khaldan maskaxdu waxa ay ku siinaysaa jawaab khaldan waayo adigaa beertay wax khaldan.

Sidoo kale su’aalahaagu waxaa lagu qiimeeyaa caqligaaga , aqoontaada , hankaaga iyo aragtida aad noolasha ka haysato.

Hadaba waxaan idin la wadaagayaa 3 talo oo aan isleeyahay waxa ay ka qayb qaadan karaan in aan wax ka badelno qaabka aan su’aalaha isku waydiino, waxa ayna kala yihiin :

1. Iswaydii su’aalaha adag.

Waa in aad nafsadaada u tababartaa in aad iswaydiisu su’aalaha adag waayo marka aad awoodo in aad jawaab u raadiso su’aalaha adag waxaa kula fududaan doonta su’aalaha fudud jawaabtooda.

Tusaale:
Hadii qof uu is waydiiyo ” Sideen wax ugu qaban karaa dadka taagta daran ? ama uu is waydiiyo . Sideen u caawiyaa dadka guurdoonka ah ee aan waxba haysan ? ”

qofkaa hadhow culays kuma noqon doonto in uu jawaab u helo su’aalaha shaqsiyadeed ee uu qabo sida ” Sideen noolashayda wax ugu qabtaa ? ama Sideen guri ( guur ) u dhistaa ?. waayo waa qof markii horeba xal u raadinayay umad dhan dhibta haysata sidaa awgeed qofkaa culays kuma noqon doonto in uu xaliyo arimihiisa qaaska ah.

2. Iswaydii su’aalaha noolashaada macno u samaynaya.

Waxaan ula jeedaa su’aalaha aad iswaydiinayso ha noqdaan kuwa adiga noolashaada horumarin kara oo kuu iftiimin kara wadooyin cusub oo aad u marto waxa aad hiigsanayso.

Islamarkaana waa in wakhti uusan kaaga lumin Maxaa layiri, iyo Yaa-yiri iyo Maxaa loo yiri iyo Sidee loo yiri , Sababtoo ah su’aalaha noocaas ah noolashaada waxba uma soo kordhinayaan balse waa su’aalo inta badan wakhtigaaga qaaliga ah kaa qaata.

3. Su’aalahaaga ka dhiga kuwa soo jiidasha leh.

Hadii aad doonaysid maskaxdu in ay kuu soo saarto jawaab macquul ah oo shaqaynaysa waa in aad barataa habka su’aalaha loo waydiiyo maskaxda.

Tusaale :

Hadii aad doonayso in aad wax barato halka aad iska waydiin lahayd ” Sideen wax u bartaa ? ” . Waxaa ka wanaagsan in aan iswaydiiso

” Sideen wax barashada uga dhigtaa wax aan ku raaxaysto oo aan laga caajisayn ? ”.

Labada su’aaloodba waxa ay ku siinayaan jawaab kuu sheegaysa habka aad wax u baran karto,
Balse jawaabta koowaad waxay ku siinaysaa waddo furan oo lagayaabo in aad horay u ogeed misana daal badan, Jawaabta labaadse waxaa macquul ah maskaxdu in ay ku siiso wado cusub oo aad wax ku baran karto misana aad xiisaynayso waxa aad baranayso.

Ugu’dambayntii waxaan leeyahay marka aad u fiirsato dadaka dunidaan isbadelka ka sameeyay dhammaantood waxa ay wax ka badeleen su’aalaha ay waydiinayeen noolashooda, adigana hadaad wax ka badasho su’aalaha aad iswaydiiso waxaa hubaal ah wax badan oo maanta kuugula muuqda wax aan la qaban karin beri in ay kula noqon doonaan wax sahlan.

By: Dhalinta Maanta

facebook.com/dhalintamaanta

Check Also

qubayska biyaha kulul. hurdada, qubeeska

Qubayska Habeenkii: Biyaha Kulul Iyo Biyaha Qabow, Keebaa Hurdada U Wanaagsan?

Si aan u helno hurdo xasiloon, waxaan tijaabinaa caadooyin kala duwan iyo dawooyin. Qubayska hurdada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *