Hababka Loo Yareyn Karo Miisaanka, Qalinkii Deeqa Cali Saalax

Miisaanka Badan , Qof kasta oo isku daya in uu yareeyo miisaanka waxa ay ka qaadataa dadaal badan iyo hawlkarnimo dheeraad ah. Nasiib-wanaag, way ka fududahay, sida aad ka fikirayso.

Haddii aad gubto calories badan marka loo barbar-dhigo ta aad ka hesho cuntadda, culaysku wuu kaa dhacayaa. Taas macnaheedu waxa weeyi karta , tamarta badan ee jidhka ku kaydsan haddii aan la gubin waxa ay isku bedeshaa Dux ama Baruur, taas oo sabab u ah culayska badan.

Sidaas daraadeed; waxa haboon in uu qofku yareeyo xadiga calories-ka ah ee uu qaadanayo ama uu kordhiyo dhaqdhaqaaqa jidhka, sida jimicsiga, orodka iwm. Halkan waxa aynu ku xusi doonaa tallaabooyin kooban oo lagu yarayn karo miisaanka:

1. Cabitaanka Shaaha Cagaaran (Green Tea): haddii aanad joojin karayn cabitaanka shaaha, waxa bedel aad ka dhigan kartaa shaaha cagaaran. Shaahani waxa uu gubaa maalintii 70 calories ah, sababta oo ah waxa uu dedejiyaa dheef-shiidka.

2. Midhaha Khudaarta: khudaarta cagaaran oo sideeda loo cunaa waxa ay ka wanaagsan tahay, iyada oo la miiro, sababta oo ah galkii ayay leedahay (fiber), kaas oo fududeeya dheef-shiidka. Tusaale, Liinta inta aan la miiran waxa ku jira 60 tamar ah, halka marka la miiro ay isku bedesho 120 tamar ah.

3. Biyaha ka door-bid sharaabka kale: Biyaha ayaa ka wanaagsan sharaabka, dhinaca miisaan-yaraynta, laakiin haddii aanad joojin karayn cabitaanka sharaabka, isticmaal ka soodhaha leh, sida Sprite-ka iwm.

4. Kordhi Qaadashada Borotiinka: Borotiinka badan waxa uu yareeyaa duxda/baruurta. Sidaas daraadeed; cunitaanka kalluunka ama beedka ayaa ka wanaagsan cunitaanka hilibka, kuruska iyo baruurta, marka laga hadlayo miisaan yaraynta.

5. Yaraynta Macmacaanka Cuntada Laga Dambaysiiyo, gaar ahaan kuwa chocolate-ka iyo dufanka leh.

6. Cuntada oo Saliida laga Yareeyo: Ka yaree saliida, badharka, subagga cunta. Saliidaha ugu wanaagsan waxa ka mid ah Saytuunka.

7. Yaree Cuntada Aad Qaadanayso: Uma baahnid in aad cunto badan isticmasho saddex wakhti, sababta oo ah waxa mashquuliya hab-dhiska dheef-shiidka, waxa kugu filan in aad 4 ilaa 5 jeer aad cunto cunto dheeli-tiran oo aad u yar.

8. Jooji Cuntooyinka loo yaqaan (Starchy food): sida Baradhada, ku bedel beeniska, faasuuliyaha, heedda, hadhuudhka, Galayda, Sareenka oo dhammaantood laga helo fiber, vitamin, iyo Iron.

9. Cuntada Guriga: Cuntada guriga ayaa ka wanaagsan ta suuqa, sababta oo ah waad kaantaroolaysaa cunta gurigaaga lagu samaynayo.

10. Akhri waraaqda ku dhegan cuntada aad cunayso: si aad u hubiso xadiga tamarta ah ee laga helo ama taariikhda ay dhacayso iyo waxyaabaha ay ka kooban tahay.

Waa Qallinkii Deeqa Cali Saalax

Check Also

Sababaha Calool Ololka keeno & Talooyin Caawinaya Qofka Uu Ku Badan Yahay

Calool ololka waxa uu ka mid yahay dhibaatooyinka caafimaad ee dunida maanta aad caanka uga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *