Si Aad U Hesho Hurdo Xasiloon Habeenkii, Ka Dheerow Caadooyinkan!

Helida hurdo tayo leh waxa ay lagama maarmaan u tahay caafimaadka. Balse dad badan uma sahlana inay helaan hurdo wanaagsan.

Waxaa jira waxyaabo badan oo aad samayn karto maalintii si aad u hesho hurdo wanaagsan habeenkii. Sida oo kale waxaa jira waxyaabaha ay tahay inaad ka dheeraato si aysan hurdada kaaga xumaan.

Waxaan qormadaan ku soo qaadanaynaa caadooyin ay xeeldheereyaashu sheegeen inay u daran yihiin hurdada oo ay tahay in laga fogaado, waxayna kala yihiin:

Fiirsashada shaashadaha:

Tani waa mid ka ah caadooyinka ugu daran ee qofka hurdada ka xumeeya. Rogrogida baraha bulshada, daawashada filimada ee kombiyuutarka iyo xittaa teleshinka ee hurdada ka hor waxay khalkhal gelisaa nidaamka hurdada iyo soo jeedka ee cilmi ahaan loo yaqaanno “circadian rhythm” iyo soo saarista hormoonka hurdada ee “melatonin” sababtuna waa iftiinka buluugga ah ee shaashadaha.

Haddii ay dhib kugu tahay inaad si fudud u gam’ado, waxaa haboon inaad iska damiso aaladaha elektaroonikiska ah sida moobilka iwm, 1 saac ama 1 saac iyo bar ka hor inta aadan seexanin. Ku bedelo inaad akhrido buug.

Haddii aysan kuu suurta galeyn inaad iska dayso moobilka iyo aaladaha kale, xiro muraayadaha ama okiyaalaha yareeyo iftiinka buluugga ah ee shaashadaha.

Aaladaha kaa foog sida telefishanka, carqalayntooda wareegga hurdada way ka yartahay marka la barbardhigo kuwa wajigaaga u dhow sida taleefanka gacanta.

Goor dambe oo la casheeyo:

Waxa ay khubaradu ku taliyaan in la cuno cashada waqti go’an habeen kasta. Ku dedaal inaad casheyso fiidka hore halkii aad ka casheyn llahayd xilli dambe. In goor dambe habeenkii la casheeyo ma ahan oo keliya inay saamaynayso caafimaadka dheefshiidka,balse waxaa kale oo cilmi baarisyo lagu arkay inay saamayso mudada aad hurdi karto.

Marka aad casheyso xilli go’an habeen kasta, dhowr saacadood ka hor xilliga hurdada waxay caawinaysaa nidaamka hurdadaada.

Haddii aad cunayso wax yar oo fudud xilli dambe, dooro cunno hodan ku ah maadada magnesium sida mooska, shukulaatada madow iyo lawska.

Heerkulka qolka:

Ma ogtahay inuu jiro heerkul u fiican qolkaaga hurdada si aad u seexato hurdo wanaagsan? Heerkulka jirkeennu si dabiici ah ayuu xoogaa hoos ugu dhacaa marka aan isku diyaarinayno hurdada, sidaas awgeed qol kulul uma fiicna hurdada sida ay tilmaamayso daraasad uu sameeyay mac’hadka NIH ee dalka Mareykanka taas oo ku saabsanayd hurdada iyo heerkulka jirka.

Jimicsiga goor dambe:

Xarakaadka jirka iyo jimicsiga aad ayay muhiim ugu yihiin caafimaadkaba. Balse in jimicsi la sameeyo marka la seexan rabo uma wanaagsana hurdada.

Hadii aad rabto inaad dhaqso gam’ado iyo inaad si fiican u hurudo oo aadan soo kaa kicin, waxaa fiican inaad jimicsiga samayso 4 illaa 6 saacadood ka hor hurdada. Inaad jir ahaan u daasho waa xalka ugu fiican ee hurdo la’aanta.

Inaad sariirta iska jiifato iyadoo aan la gaarin waqtigii aad seexan lahayd:

Waxaa muhiim ah inaad sariirta aado keliya marka aad diyaar u tahay inaad seexato. Marka aad sariirta iskaga jiifto adigoo rogrogaya baraha bulshada, ama aad iskaga fakarayso, waxay kaa fogaynaysaa inaad gam’ado, waxayna maskaxdaada iyo jirkaaga baraysaa in sariirta aan loogu talo gelin hurdo keliya.

W/Q: Hirsi Ahmed

Check Also

xanuunka dhimirka, islaweynida,

Xanuunka Dhimirka Ee Qofku Ismoodsiiyo Inuu Dadka Kale Ka Sarreeyo

Qabka iyo in qofku uu naftiisa aqoonsadaa, waa mid ka mid ah fureyaasha guusha. Waa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *