Si Aad U Heshid Hurdo Macaan Habeenkii, RAAC TALLAABOOYINKAN

HURDO MACAAN:

Inaad heshid hurdo kugu filan waxay u baahan tahay isbedel aad ku samaysid qaab nololeedkaaga, waxaana loo baahan yahay inaad samaysid caadooyin hormarin kara nolol wanaaga iyo ka takhalusida caadooyinka xun xun ee ku dhafrin kara habeenkii.

Samee jadwal joogta ah

Hurdo leh jadwal joogta ah waa qeyb muhiim ah oo ka mid ah helidda hurdo kugu filan jir ahaan iyo maskax ahaanba, isbed bedelida waqtiga hurdada iyo soo kicida waxay khalkhal gelisaa saacadaha dabiiciga ah ee jirka uu lee yahay.

Si aad ugu dhaganaatid jadwalkaaga u diyaari maskaxda iyo jirka hurdada adigoo samaynaya jadwalka sariirta tasoo bilaabata xili mucayin ah habeen kasta, ku qubayso biyo diiran, dhageyso quraanka ama akhriso buug, ama samee waxyaaba kale oo ku xasilin kara. arrimahani waxay u tilmaami doonaan jirka in la joogo xilligi la seexan lahaa.

Ahmiyad sii sariirta

Ku dadaal inaan kala saarto sariirta iyo waxyaabaha aad qabatid nolol maalmeelkaaga, dadka ku xeel dheer hurdada waxay sheegeen hurdada iney khalkhal ku imaan karto hadii ay yaallaan Mobile-da, computer-da iyo qalabyada kale ee electronic ah goobta hurdada loogu talogalay.

Ka fogoow daawashada TV-ga, ku shaqeynta computerka, cunida, ama dooda kulul ee idin dhaxmari karta adiga iyo lamaanahaaga xiliga lajoogo sariirta, sababtoo ah waxay faragelin ku sameeyn karaan hab dhaqanka jirka ee hurdada iyo soo jeedka.

Hagaaji goobta.

Kormeer ku samee goobta aad seexatid iyo sariirtaba, ma waxaa soo toostaa adigoo qoortu ku xanuuneysa, jilib maku dhufataa lamaanahaaga xilliga aad hurudid, sariirta ma yartahay mise wey weyn tahay, qolka iftiin miyaa soo gala? Intaas oo idil waa wax saameyn kara tayada hurdada, waxa lagaaga baahan yahay waa inaad u bedeshaa goobta, goob xasiloonleh oo raaxa leh, waa muhiim goobta aad seexatid iney noqoto goob qalbiga kuu dajin karta, oo aanan lahayn waxyaaba badan oo ka fakar siin kara maskaxda, waxaa jira waxyaaba badan oo maskaxda ka fakar siin kara adigoo aan ku baraarugsanayn, sida hadii ay meeshu tahay meel wasakh leh, ama meel aad ukulul, marka waa muhiim inaad il gaar ah ku haysid goobta aad madaxa dhigtid marka aad seexaneysid. Ugu dambeyn waa muhiim inaad si joogta ah u ilaalisid jawiga qolka jiifka.

Ka warqab waxa aad cabtid.

Waxa aad cabtid inta aadan seexan kahor waxay fududeyn karaan inaad seexatid ama iney hurdo kaa imaan weydo, saameynta jirka uu kuleeyahay kaafiin (Caffeine) waxay qaadata ku dhawaad sideed saacadood, sidaa darteed waa inaadan cabin wax kafee/bun ah, ama  cabitaanada aashitada leh galbihii ilaa fiidkii.

Talo:

Hadii aysan kaa imaan wax hurdo ah 15 daqiiqo kadib, waxaa fiican inaad sariirta ka kacdo oo aad sameysid wax yaabaha kuu fududeyn kara inaad seexato, sida inaad ku qubaysato biyo diirran, iyo dhageysiga quraanka ama akhri buug. Waa muhiim inaadan shidin TV, ama computer ama mobile sababtoo ah iftiinka kasoo bixi kara waxay maskaxda u fahmeysaa inuu la mid yahay iftiinka maalinta, sidaa daraadeed maskaxda masoo deeyso dheecaanka Melatoni oo ah dheecaan sahla hurdada.

Check Also

xanuunka dhimirka, islaweynida,

Xanuunka Dhimirka Ee Qofku Ismoodsiiyo Inuu Dadka Kale Ka Sarreeyo

Qabka iyo in qofku uu naftiisa aqoonsadaa, waa mid ka mid ah fureyaasha guusha. Waa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *