Si Aad Imtixaanka Ugu Guuleysatid Xeeladaan Adeegso

Arday badan ayaa ku mashquula in ay akhriska badsadaan waqtiyada imtixaannaadka laga qaadayo, balse cilmi-baadhis cusub oo Jaamacadda University of Texas ee dalka Maraykanku soo saartay dhowaan ayaa soo jeedisay haddii qofku doonayo inuu duruusta ku fiicnaado, imtixaannada ku guulaysto inuu marka hore maskaxda nasiyo, isla markaana waxa uu doonayo inuu xafido amma maskaxda geliyo imtixaanka ka hor indhaha sii mariyo si maskaxdiisu u aqoonsato.

Khubarada daraasaddan sameeyey, ayaa sheegay in maskaxda awoodeedu kor u kacdo hadday nasasho fiican hesho oo aanay daalin, iyagoo xusay in maxsuulka cilmi-baadhistoodu saamayn ku yeelan doono nidaamka dedaal ee ardayda xilliga waxbarashada ku jira.

Waxa kaloo cilmi-badhayaashu xuseen haddii qofku maskaxdiisa si fiican u nasiyo uu awood u yeelan doono inuu xataa mustaqbalkiisa dambe si wanaagsan wax u sii baran karo.

Natiijada baadhitaankan oo lagu daabacay mareegta internetka ee loo yaqaan Proceeding of the National Academy of Science, waxa lagu sheegay in nasashadu qayb ka qaadato in qofku si fiican wax u barto.

Mrs. Margaret Schlichting oo ka qallin-jebisay waaxda cilmi-baadhista ee Jaamacadda Texas iyo Alison Preston oo ah khabiir cilmi-nafsiga iyo neerfisyada ku takhasusay ayaa dadka ka qaybgalay daraasaddan ku baadhay hawlo waxbarasho oo ay u direen, waxana soo baxday in kooxda maskaxdooda muddo la nasiyey ay tijaabada ku guulaysatay, halka kuwa in badan wax akhriyey amma shaqeeyeyna xusuustu ku adkaatay.

“Waxa noo soo baxday markii ugu horreysay sida maskaxdu u shaqayso marka ay nasashada gasho, una awoodaysato, mustaqbalkana barashada cilmiga ku fiicnaato, waxaanay dadka maskaxdooda nasiyaa noqdaan qaar awood u yeesha inay wax badan bartaan,” ayaa lagu yidhi warbixinta daraasaddan laga diyaariyey.

Check Also

qubayska biyaha kulul. hurdada, qubeeska

Qubayska Habeenkii: Biyaha Kulul Iyo Biyaha Qabow, Keebaa Hurdada U Wanaagsan?

Si aan u helno hurdo xasiloon, waxaan tijaabinaa caadooyin kala duwan iyo dawooyin. Qubayska hurdada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *