Shahwada Soo Noqota Galmada Kadib!

Su’aal: Asc walalayaal, salaan kadib waxan rabay inan idin waydiyo hal su’aal oo aad iga jaahil bixisaan waxayna tahay suashayda: shahwada iney bananka u soo daadato markasto wax dabiici ah miyaa tankale haduu safar iga aado xaajiga ilaa saddex maalin oo kale ayey iga sii socota shahwadii oo tartiib tartiib ayey bananka uguso laabataa marka sidee ku celin karaa shahwadaas inaysan soo noqon maxaase keeno? Fursadda uur qaadistana wax ma u dhimaysaa?

Halkaan ka daawo jawaabta dhakhtarka:

Jawaabta:

Shahwada oo banaanka u soo daadato galmada ka dib waa arrin dabiici ah wax dhibaato ahne kama dhalato.
Inay si aayar kaaga socoto muddo dhowr saacadood way dhacdaa dumarka qaar, waana arrin badanaa ay isku arkaan lamaanaha cusub. sababtuna waa biyaha shahwada oo badan ama murqaha haweenta oo adag khaasatan markay ugub tahay.

Waxa la rabo haweenta in ay uur ku qaado ma ahan biyahaas in gudaha ku ceshoomaan ama aysan soo daadan, ee waa wax ku jira biyaha oo loo yaqaano Xawo “Sperms” oo indhuhu aysan arki karin.

Halkii milliliter oo shahwo ah waxaak u jira in ka badan 20 milyan oo xawo (sperm) ah. wuxayna ugxanta dumarka u baahantahay kaliya hal sperm inuu bacrimiyo si ay uur u qaaddo, Alle ayaana ugu talagalay in Xperm-ka iyo ugxanta is raadsadaan.

Taasi wax dhib ah ma lahan ee haka walwalin.

Akhriso: Cuntooyinka kordhiya shahwada ragga

-Somalidoc

Check Also

caafimaadka kelyaha

10 Cunno Oo Lagu Xifdiyo Caafimaadka Kelyaha

Kelyaha waxay shaqooyin badan oo muhiim ah u hayaan jidhka intiisa kale. Waxaa ka mid …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *