Shaaha Sanjabiisha Leh: Xaaladaha Caafimaad Ee Lagu Daweeyo Iyo Sida Saxda Ah Ee Loo Diyaariyo

Ka sokow in cunnada lagu macaaneeyo, sanjibiishu waxa ay xambaarsan tahay faaidooyin caafimaad oo tiro badan, waana tan ka dhigtay dhir caan ah oo caalamka oo dhan laga isticmaalo. 

Sanjabiisha waxaa ku jirta maado muhiim ah loo yaqaanno “gingerol” taas oo uroon dheefshiidka. Maadadani waxa ay dedejisaa cunno shiidista taas oo ka hortagayso in cunnadu ku raagto caloosha muddo dheer. 

Maadooyinka jirta sunta ka saaro ee laga helo shaaha sanjabiisha leh waxa ay kaalin mugleh ka qaataan xakamaynta walxaha sunta ah ee loo yaqaanno “free radicals”, tani waxa ay hoos u dhigaysaa halista cudurrada kansarka, wadne qabadka iyo sonkorowga.  

Waa kuwaan faa’iidooyinka caafimaad ee shaaha sanjabiisha leh: 

Maadada Choline: 

Sanjibiisha waxaa ku jirta maado la yiraahdo “choline” taas oo muhiim u ah xiriirka maskaxda iyo dareensideyaasha. Waxay kaloo maadani si weyn u caawisaa habdhiska dheefshiga ee jirku uu kaga faa’idaysanayo nafaqada cunnada. 

Yareynta lalabada: 

Taariikh ahaan, muddo dheer ayaa loo adeegsan jiray in sanjabiisha lagula tacaalo lalabada iyo dheefshiid xumada. Sida ay tilmaamayaan cilmi baarisyada cusub, isticmaalka hal ama garaam oo sanjabiil ah waxa ay yareyn kartaa lalabada. 

Wanaajinta dheefshiidka: 

Maadada dabiiciga ah ee “gingerol” ee ku jirta sanjabiisha waxa ay caawisaa cunno shiidista iyadoo kordhiso dhaqdhaqaaqa cunno mareenka, iyo heerka cunnadu ay kaga baxdo caloosha. Shaaha sanjabiisha leh oo la cabbo raashinka kadib waxa ay dhiirigelisaa in cunnadu si fiican loo burburiyo iyo inay ka gudubto hannaanka dheefshiidka. 

Miisaan dhimista: 

Marka lagu daro cunno caafimaad leh iyo jimicsi, shaaha sanjabiisha leh waxa uu fududeeyaa dhimista miisaanka. 

Gaaska: 

Sanjabiishu waxa ay yareysaa laabjeexa iyo biyaha kulul oo qofka ku soo rogmada gaar ahaan marka uu  qofka cuno cunno gaaska kicisa. 

Hoos u dhigista kolestaroolka: 

Sida lagu arkay cilmi baarisyo, sanjabiishu waxa ay hoos u dhigtaa dufanka kolestaroolka iyo xayrta fariisata jirka qeybihiisa kala duwan sida beerka ee loo yaqaanno “triglycerides”. Tani waxa ay yareynaysaa halista wadne xanuunka iyo cudurrada kale ee la xiriira kolestaroolka. 

Sidee loo diyaariyaa shaaha sanjabiisha leh: 

Diyaarinta shaaha sanjabiisha, waa mid fudud, waxaa loo baahan yahay biyo iyo sanjabiil qoyan. Dadka qaar waxa ay ku darsadaan liin dhanaanta iyo malab si ay wanaajiyaan dhadhankiisa.  

Qaabka diyaarinta: 

  • Hal illaa labo liitar oo biyo ah karkari, ku dar sanjabiil qoyan oo aad jarjartay. 
  • Karkari muddo 20 daqiiqo ah si ay sanjabiishu ugu milanto biyaha.

W/Q: Hirsi Ahmed

Check Also

cuntooyinka koritaanka caruurta,

10 Cunno Oo U Wanaagsan Koritaanka Caruurta

Caruurta oo hela cunno dheelitiran oo nafaqo ahaan hodan ah waxay aasaasi u tahay koriimadooda, …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *