Sameynta Is-bedel

isbedel changeNin Xeebta ku lugeynaya ayaa wuxuu arkay nin kale oo badda wax ku tuuraya, markuu ku dhowaaday ayuu weydiiyay wuxuu sameynayo. “Sidaa aragto, waxaa xeebta ka buuxa oo mowjadda keentay Starfish (Kalluun qaab xiddigeed leh) haddii aanan badda ku celin waxay u dhimanayaan oxygen la’aan.”

Ninki kale ayaa isagoo yaaban ku yiri, “Miyaadan arkeyn kumanaan xabo ayaa xeebta yaacsan, hadaad marba hal xabo tuurto, maxay farqi ah oo sameynaysaa?”

Ninki ayaa mid ka mid ah soo qabtay, isagoo badda ku sii tuuraya ayuu ugu jawaabay, “Kan ayay farqi u sameynaysaa!”

Dad badan waxaa la weynaada baaxadda dhibaatada iyagoo haddii aysan wada xallin karin ka quusta una arka wax farqi ah inaysan sameynayn. Waxayna ka joogsadaan in ay wax is bedel ah sameeyaan. Haddii qofku bedeli karo 1% (boqolkiiba hal), oo ah waxa ugu yar, waa inuu sameeyaa sababtoo ah sidaa ayaa farqi sameynaysa.

Marnaba ha yareysan naftaada. Xusuusnow, haddii aadan jiri lahayn qof ayaa noloshiisa aysan kaamil noqoteen. Waxaad bedeli kartaa wax badan, hal tallaabo horumar ah oo aad horay u qaado ayaa farqi weyn u sameyn karta naftaada iyo naf kale.

Waa Walaalkiin/Saaxiibkiin oo idin leh Guuleysta Aduun iyo Aakhiraba

W/Q: Faarax Cawaash

Check Also

qubayska biyaha kulul. hurdada, qubeeska

Qubayska Habeenkii: Biyaha Kulul Iyo Biyaha Qabow, Keebaa Hurdada U Wanaagsan?

Si aan u helno hurdo xasiloon, waxaan tijaabinaa caadooyin kala duwan iyo dawooyin. Qubayska hurdada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *