Saddexda Bilood Ee Shaqadda Ugu Horeeya (Mudadda Tijaabada Ah)

Dhawr arrimood oo ka caawin kara sidaad ugu guulaysan lahayd 3-da billood ee tijaabada ah.

  1. Aragtida ugu horaysa (First Impressions Count)

Ku bilaw xamaasad togan iyo waji furanaan ay dhoola cadayntu hor gale u tahay. U labiso si qurux badan. Somalidu waxay tidha “Hugaagu wuu kula shir tagaa”. Intani waxay tusinayaan siday kaga go’an tahay shaqadani. Team-ka aad ku biirtay tus inaad ku faraxsan tahay inaad ku so biirtay.

Fiiro gaara sii ilaalinta wakhtiga. Subixii hore shaqada u soo gal ugu yaraan 10 ilaa 15 daqiiqo hor. Iska ilaali inaad baxdo ka hor inta aanu wakhtigaagu dhammaan.

Ka taxadar in aad adigu is dabarto. Habsanka, Jarid maalin buuxda. isbuucyadda shaqadda kugu horayso diirada ku saran. Haddii ay kula so daristo arrin aad ka fursan wayday inaad u maqnaato ama habsaanto, war geli maamulka daacadna ka ahaw hawsha kula soo deristay.

Mid-na ogow organization ma jecla inaad ku guul daraysto wakhtigaaga tijaabada waayo iyaguba ma rabaan inay hawl kale u galaan siday qof kale u heli lahaayeen. Hawl ba ka gashay shaqalaysiintada. Haddaba hadaad adigu is caawin, cidna ku caawin mayso.

  1. Cabir oo ka war hay horumarka aad samaynayso

Ugu horayn si fiican u fahan “Job description”. Si taxadar leh u akhri siyaasada organization-ka ee ku aadan mudda tijaabada “probation period”7. Tani waxay ka cawinaysa inaad ogaato waxa laga rajaynayo mudadda tijaabada ku jirto. Manager –kaga la fadhiiso. Wada samaysto goals. Ha ahaadan qaar ay suurto gal tahay in la xaqiijiyo oo ay sal u tahay qaacidadan (SMART).

Proactive noqo. Ha sugin in cid kale ku sheegto sidaad wax u qabanayso. Raadi inaad falcelin (feedback) ka hesho asxaabta kula shaqaynaysa. Adiga iyo manager-kagu samaysto kulamo joogta ah.
Record- gare horumarka aad samaynayso. Si lamida cabaqabadaha aad la kulanto. La soco markasta horumarka aad samaynso iyo cadaymahoodaba. Tani waxay ka caawinayso inaad so ban dhigto marka ay gaadho probation period review-ga.

  1. Raadi fursad ku muujisa (Opportunities to Shine).

Muhiimada aad team-ka u leeday so bandhig. Shaqo kasto lagu diro ka so dhalaal (always go “above and beyond” expectations). Hadaad awooda caawi saaxiibada aad shaqo wadaagta leedihiin. Halkan oo kale ka taxadar ha ku turan turoon. Ilaali dareenka asxaabtada yaan lagu arkin qof aqoon is bidiya uu dadka kale dheer yahay ama yanay ku arkin inaad shaqadooda fari galinayso. Caawintu waa inay tahay mid isla ogol ah. Dhagaysiga badi. Ana aqaanada yarayso. Shaqo dheerada ha isku qaadan haddanad ka so baxayn. Ogaw taadiiba ku sugaysa tijaabana waad ku jirta.

Talo gaara: Intaad ku dedaali karto ha dhex gelin waxaa lagu yeedho “Office politics”. Ka taxadar inaad cid gooni ah (group) la safto hadday jiran. Isku day inaad qof walba la shaqayso. Asxaab wanaagsan noqotaan. Xataa kuwa ay adagtay wada shaqayntoodu. Wakhti iyo barasho ayey u bahan tahay arrintan.

Tusaale nool. Anigu dadka xanaaqa dhaw ayaan ahaa wakhiyadii shaqadda igu horaysay. Wakhti ayey igu qaadatay inaan ka shaqeeyo arrintan. Meeshad ku liidato baro oo ku dedaal inaad improvement-ka samayso. Inaad is barato kadib ka hawl gashaa waa muhiim.

  1. Markasta sawirka guud ka fakar (The bigger Picture).

Naftadda dhiiri geli muddadan aad tijaabada ku jirto. Halbeega aad shaqsi ahaan aad hiigsanayso mustaqbalka dhaw iyo ka fog yaanu kaa lumin. Kaasi ha ku noqodo ka ku haga.

Waxaa laga yaaba inaad ka gaabsato ama aqabasho inaad leedahay god dolooloyin xaga aqoontadda inta aad ku jirto wakhtiga tijaabada laakiin ha ka cabsan inaad su’aasho meeshii mad madaw kaga jiro, qaybna ka noqoto wax ugu yeedhan “On-the-job training”.

Hadday dhacdo Inaad qalad ku dhacdo, qaado. Daacada ka fiican Inaad qiiq isku qariso kadib rajayso inay wax waliba iska hagaagi doonan.

  1. Naftada ka war qab!.

Qodobka ugu danbeeya waxan kugula talin lahaa naftaada ha ku ilaabin shaqadda. Maahmaahdan anoo koonfur shaqo u jooga ayaan bartay “Shaqo ma dhamaate, adigu ha dhammaan”. Waa dhab.

Waxaad ku jirta waxaa ay ugu yeedhaan “Learning curve” waxba is dul saran. Isku day in aadan noqon stressfull. Waa run shaqadda kugu cusub. Dadka kugu cusub. Adiguna inaad sida kugu fiican u muujiyso shaqo wanaag ayaad rabta. Intaas waxaa ku gaadhi karta maskax degan oo ayna hafin hawlaha loo diray.

Ooda dhacmeed siday u kala sareeyaan ayaa loo kala gura.

Noloshada gaarkana ha ilaabin marar badan waxay dab damis u tahay inay ka qayb qadato stress-ka ka soo wajaha shaqada.

Fariintaydu waxay daaran tahay, adna caawi walaal shaqo raadisa ah ama haddun Shaqadii ugu horaysay helay.

W.Q: Mustafe Yuusuf Xuseen

Check Also

qubayska biyaha kulul. hurdada, qubeeska

Qubayska Habeenkii: Biyaha Kulul Iyo Biyaha Qabow, Keebaa Hurdada U Wanaagsan?

Si aan u helno hurdo xasiloon, waxaan tijaabinaa caadooyin kala duwan iyo dawooyin. Qubayska hurdada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *