Sababta Ay Xeeldheerayaashu Uga Taliiyaan In Laga Fogaado Cabista Shaaha Caloosha Oo Maran

caloosha maran, shaaha,

Shaahu wuxuu ka mid yahay cabitaannada loogu jecel yahay dunida, dad badanna waxa ay maalintooda ku bilaaban koob shaah ah, balse ma ogtahay sababta ay xeeldheereyaasha caafimaadku uga digaan in shaaha la cabbo caloosha oo maran?

Inkastoo shaahu uu leeyahay faa’idooyin caafimaad sida awoodda sun-saarista tan oo jirka ku caawisa siduu isaga saari lahaa wixii aan nacfi ugu jirin iyo inuu difaaca jirka xoojiyo, haddana waxa uu keena dhibaatooyin caafimaad haddii la cabbo caloosha oo maran.

Waxa uu saameeyaa dheefsiga cunnada:

Cabitaanka ugu horreeya ee subaxdii waxa uu caawiyaa in la mayro bakteeriyada, balse cabbista xaddi sare oo maadada caffeine-ta ah iyo caanaha ee subaxdii waxa ay carqaladayn kartaa nadiifinta bakteeriyada taas oo saamaysa cunno shiidista iyo habka dheefsiga ee jirku uu kaga faaidaysanayo nafaqada cunnada.

Laab Jeex:

Cabista cabitaannada ay ku badan tahay caffeine-ta sida shaaha iyo kafeega, waxa ay keentaa laab jeex, dibiro, xanuun, nabarrada caloosha damqada, sababtuna waa aashitada cabbitaannada caffeine-ta leh oo faragelin ku samaysa aashitada caloosha taas oo keenta dibiro, lalabo iyo laab jeex.

Fuuqbax:

Shaaha oo la cabbo caloosha oo maran waxa ay keeni kartaa in biyuhu ay jirka ku yaraadaan, sababtuna waa in shaahu uu badiyo kaadida, jirkuna haddii uusan helin dareere ku filan waxa ay horseedi kartaa in biyuhu ay jirka ku yaraadaan.

Waxa uu carqaladeeyaa nuugista nafaqooyinka:

Cabbista shaaha caloosha oo maran waxa ay saamayn kartaa kobaca jirka maadaama ay shaaha ku jiraan maadooyinka la yiraahdo “tannins” kuwaas oo saameeya nuugista xadiidka, Kaalsiyamta-ta iyo nafaqooyinka kale ee aas-aasiga ah.

Xilliyada ugu fiican ee la cabo shaaha waa barqadii quraacda kadib. Cabitaannada caafimaadka leh ee lagu taliyo in aroorta hore lagu bilaabo caloosha oo maran waxaa ka mid ah; biyaha diirran, biyaha liin dhanaanta lagu daray, biyaha xulbada lagu radiyay, biyaha diirran ee malabka lagu daray iyo biyaha qumbaha.

W/Q: Hirsi Ahmed

Check Also

xanuunka dhimirka, islaweynida,

Xanuunka Dhimirka Ee Qofku Ismoodsiiyo Inuu Dadka Kale Ka Sarreeyo

Qabka iyo in qofku uu naftiisa aqoonsadaa, waa mid ka mid ah fureyaasha guusha. Waa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *