
Waxaa la isku waafaqsan yahay in quraacdu ay tahay cunnada ugu muhiimsan ee maalintii, waa shidaalkii uu qofku howlgeli lahaa. Nasiib darro, nolosha maanta ee mashquulka badan ee xawaaraha ku socota ee la wada ordayo dad badani way ka boodaan quraacda sababo la xiriira howlaha u yaalla subaxdii iyo shaqooyinka ay u degdegayaan awgood laakiin taasi waxay keentaa in barqadii ay cunaan cunnooyin aan caafimaadka u wanaagsayn ama inay cunno culus cunaan xilliga qadada.
Sida oo kale, waxaa jira dad quraacda iskaga daaya si ay miisaanka iskaga dhimaan laakiin waxaa la xaqiijiyay in taasi ay tahay fikrad qaldan, quraacda oo laga tagana aysan caawin miisaan dhimista.
Waxaa la xaqiijiyey in quraacdu ay jirka u ilaaliso miisaanka caafimaadka qaba, oo haddii uu qofku ku dadaalo nooca cunno ee uu cunayo iyo xaddiga uu ka cunayo ay hubaal tahay in miisaankiisu uusan ka kordhayn intii loo baahnaa.
Hadaba waxaan qormadan ku soo qaadanaynaa sababaha quraac la’aantu ay u tahay caado halis ku ah caafimaadka.
Waxa ay duran tahay wadnaha:
Cilmi-baarisyo ayaa lagu ogaaday in quraacda oo laga tago ay kordhin karto halista cudurrada wadnaha, iyadoo ay suurtagal tahay in khatarta wadne-xanuunku ay kor u kacdo ilaa 27%—gaar ahaan ragga. Sababta tan keenta ayaa lagu macneeyay in dadka aan quraacanin ay u badan tahay inay cunaan cunno fudud oo dufanka, milixda ama macaanku ay ku badan yihiin
Tamarta qofka oo hoos u dhacda iyo niyad xumo:
Weli ma maqashay cunnadu waxa ay shidaal u tahay maskaxda? Waa arrin xaqiiq ah, quraacda waxay jirka u tahay shidaal iyo il aasaasi ah oo uu tamarta ka helo si uu si firfircoon hawl-maalmeedkiisa ugu qabsado. Tanina waxa ay wanaajisaa niyadda iyo caafimaadka nafsiga ah ee qofka.
Waxa ay saamaysaa u fiirsiga qofka
Quraac la’aantu waxa ay raad taban ku yeelataa shaqada maskaxda. Maadaama heerka sonkorta dhiigga uu hoos u dhaco habeenkii inta aan hurudno, waxa aynu u baahannahay quraac caafimaad leh oo dheellitiran si ay u kiciso jirkeena. Tani waxa ay wanaajinaysaa ufiirigeenna, dhugmadeenna iyo xasuusteenna.
Halista sonkorowga oo siyaada:
Quraacda oo laga tago waxa ay sare u qaada halista macaanka noociisa labaad (type 2) sababtuna waa nidaaminta heerka sonkorta dhiigga iyo insulin-ta oo xumaada. Daraasad dhowaan la sameeyay ayaa lagu arkay in dadka quraacda kadib 9 am, halkii ay ka quraacan laheeyeen ka hor 8 am, ay 59% halis ugu jiraan inuu ku dhaco cudurka macaanka.
Xasuusta oo hoos u dhacda:
Quraac la’aanta waxa ay saamaysaa xauusta. Dadka quraacda way illowshiyo badan yihiin marka la barbardhigo kuwa iyagu sida joogtada u quraacda. Arrintan, waxaa sidoo kale, loo aaneeyaa heerka gulukoosta.
Madax xanuun iyo goonjab:
Haddii aadan kor u qaadin heerka sonkorta dhiiggaaga adiga oo quraac cunaya, jirkaagu waxa uu la kulmi karaa hoos u dhac xad-dhaaf ah, taas oo keeni karta Sonkorta dhacsan (hypoglycemia). Astaamaha sonkorta dhacsan waxaa ka mid ah; wareer, garaaca wadnaha oo aan caadi ahayn, u fiirsiga dhib noqda, iyo madax-xanuun.
Waxaa la arkay dadka aanan quraacan subaxdii in duhurkii markii la gaaro ay dareemaan madax xanuun iyo wareer taas oo calaamad u ah in maskaxda ay ku yaraatay sonkorta.
Koboca maskaxda caruurta oo gaabis noqda:
Quraacdu waxa ay aasaasi u tahay caruurta yaryar ee maskaxdoodu ay weli kobcayso. Quraacda oo laga tago waxay keentaa hoos u dhac shaqada maskaxda ah iyo dabeecad xumo. Haddii aysan helin cunto caafimaad leh oo joogto ah, carruurtu ma heli doonaan nafaqooyinkii lagama maarmaanka u ahaa koriimada jirkooda.
Hoos u dhac ku yimaada difaaca jirka:
Jirkaagu wuxuu u baahan yahay tamar iyo nafaqooyin si uu ula dagaallamo infekshannada. Fitamiinnada iyo macdanaha muhiimka ah ee aan ka helno cunnooyinka aan cunno, khaasattan xilliga quraacda waxa ay xoojiyaan awoodda difaaca jirka taas oo caawinaysa inuu iska caabbiyo fayrasyada iyo hurka (inflammation).
W/Q: Hirsi Ahmed