Moosku waxa uu ka mid yahay furuutka ama miraha ugu caansan ee lagu isticmaalka badan yahay dunida, badanaa waxaa lagu darsadaa quraacda sida siiriyaalka iyo cabitaannada la shiido, waxaana laga helaa tamar iyo nafaqo kala duwan.
Hadaba qormadeenna maanta waxaan ku soo qaadanaynaa sababaha caafimaad ee dhiirragelinaya in la cuno labo xabbo oo moos ah maalin kasta.
Mooska waxaa laga helaa kalooriyo, kaarbohaydareetyo, faybar, sonkor, fitamiin B-2, fitamiin B6 fitamiin C, manganese, magnesium, copper, potassium iyo maadooyinka kale oo faaido u leh caafimaadka.
Cadaadiska dhiigga:
Haddii cadaadiska dhiiggaagu uu hooseeyo, cunista labo xabbo oo moos ah maalin kasta waxay cadaadiska dhiigga ku soo celinaysaa heerkiisa dabiiciga ah, sababtoo ah mooska waxaa ka buuxa maadada potassium, taas oo hoos u dhigta cusbada jirka ee sodium-ta.
Dheefshiidka:
Moosku wuxuu wanaajiyaa dheefshiidka, waxaa ku jirta maadada “resistant starch” taas oo caawisa koriimada bakteeriyada faaidada leh ee caloosha. Sidoo kale, moosku wuxuu u fiican yahay dheefshiid xumada iyo laabjeexa wuxuuna ka ka hortagaa calool istaagga.
Dhiig-yarida:
Moosku wuxuu yareeyaa fursadda dhiig yarida (anaemia). Xanuunka dhiig yaraanta wuxuu leeyahay noocyo kala duwan, laakiin kiisa ugu badan wuxuu ka dhashaa yaraanta macdanta xadiidka. Cunista labo xabbo oo moos ah maalin kasta waxay kordhinaysaa xaddiga macdanta xadiidka taas oo jirka ka caawisa inuu sameeyo barootiinta “haemoglobin” ee laga helo unugyada dhiigga cas ee jirkaaga u kala qaadda curiyaha hawada ah ee “oxygen”.
Miisaanka:
Moosku wuxuu ka qeyb qaataa miisaan dhimista, waxaa ku badan ganka (fibre), kaas oo qofka dareensiiya dhereg, sidaas darteed dadka cayilan ee cunnada xakamayn karin waxaa lagula dardaarmaa inay cunaan moos aan si fiican u bislaanin. Maadada “resistant starch” ee laga helo mooska waxay hoos u dhigtaa cirweynida, waxayna ka hortagtaa kororka miisaanka.
Fitamiin la’aanta:
Moosku waxa uu qani ku yahay fitamiin B-6. Fitamiinkani waxa uu jirka u sameeyaa barootiinta “haemoglobin”, insulin-ta, iyo aamino acids kuwaas oo muhiim ah samayska unugyo caafimaad qaba. wuxuu kaloo fitaamiinkani kobciyaa shaqada maskaxda. Mooska waxaa ku jira 15% fitamiin C-ga uu jirka u baahan yahay maalin kasta, kaas oo muhiim u ah caafimaadka cirridka, ilkaha iyo maqaarka, jirkana ka caawiya in cunnada uu ka nuugo macdanta xadiidka.
Wanaajinta niyadda:
Moosku wuxuu hoos u dhigaa stress-ka wuxuuna wanaajiyaa niyadda sababtoo ah waxaa ku jira barootiinka “tryptophon” kaas oo ka qayb qaata soo saarista “serotonin” (hormoonka farxadda). Sidoo kale, mooska waxaa ku jira 27 mg oo macdanta magnesium ah taas oo wanaajisa tayada hurdada.
Tamarta:
Cunista moosku waxay si dhakhsi ah oo dabiici ah o kordhisaa tamarta. Moosku wuxuu u fiican yahay dadka jimicsiga sameeya, sababtuna waa maadadda uu qaniga ku yahay ee potassium-ta taas oo xoojisa habsami u shaqaynta muruqyada. Sidoo kale sonkorta mooska ku jirta ayaa uu qofka jimicsiga samaynaya ama ciyaartoygu ka helayaa tamar u buuxisa kaalinta tamarta jirka ka baxaysa.
Mooska dusha sare ka madoobaada:
Baraha mad-madow ee ku samaysma dusha sare ee mooska, macnaheedu ma ahan inuu qurmay ee waa inuu si fiican u bislaaday.
Markasta oo moosku sii bislaado waxaa ku sii bata walxaha sunsaarista ee jirka ka ilaaliya kansarka iyo cudurrada wadnaha.
Moosku marka uu si fiican u bislaado, waxuu korka ku yeeshaa baro madmadow, markasta ay barahaasi sii bataannna waxaa sii kordhaya xaddiga maaddada lagu magacaabo “TNF” ee ku jirta, taas oo u fiican caafimaadka. Maadadani waxay dedejisaa dhimashada unugyada burooyinka keena kansarka.
W/Q: Hirsi Ahmed