Sababaha Shaaha Liinta Leh uu Ugu Fiican Yahay Hooyooyinka Uurka Leh

Shaaha liinta leh waxaa loola jeedaa shaaha madow  ama cagaaran oo lagu daro biyaha liin dhanaanta. Waa cabitaan dunida si aad ah looga isticmaalo.

Shaaha liinta leh ma la cabbi karaa xilliga uurka?

Lalabada xilliga uurka waa cillad ay haweenku ka sheegtaan. Haween badan iyaga oo ka cararaya dhibaatooyinka dawooyinka kiimikada ah waxa ay doortaan isticmaalka dawooyinka dabiiciga ah. Dadku badanaa waxay isticmaalaan liin dhanaanta si ay u yareeyaan lalabada.

Waa maxay faaidooyinka cabbista shaaha liinta leh ee xilliga uurka?

Cabbista shaaha liin dhanaanta lagu daro ee xilliga uurka waxaa lagaa helaa faaidooyin tiro badan, waxaana ka mid ah:

Fuuqcelinta (hydration):

Inta lagu jiro bilaha dhexe ee uurka, dhakhaatiirta badanaa waxay haweenka uurka leh iyo kuwa nuujiya kula dardaarmaan inay kordhiyaan kalooriska ay qaadanayaan iyo dareeraha ay cabbayaan. Qofka haddii uu jecelyahay dhadhanka liin dhanaanta waxay ku dhiiragelisaa inuu badiyo cabbitaannada uu cabbayo.

Yaraynta lalabada:

Lalabadu waa cillad ay ka sheegtaan haweenka uurka leh waxaana lagu yarayn karaa cabitaanka liin dhanaanta. Daraasado dhowr ah ayaa lagu arkay in liin dhanaantu ay ka waxtar badan tahay dawooyinka kiimikada ah ee loo adeegsado lalabada iyo mataga xilliga uurka.

Maadada folate:

Liin dhanaanta waxaa ku yar kalooriska, waxaa ku jira 6.38 mcg oo ah maadada “folate” ah. Hooyooyinka uurka leh waxay u baahan yihiin folate badan, taas oo ah nafaqo muhiim u ah koriimada uurjiifka kana hortagta inuu cillad ku dhasho. Si kastaba ha ahaatee, liin dhanaantu ma lahan folate ku filan hooyada uurka leh sidaas awgeed kuma tiirsanaan karto liinta keligeed.

Cunnooyinka kale ee maadada folate laga helo waxaa ka mid ah; baamiyaha, lawska, midhaha afakaadhada, digirta, caleenta koostada iwm.

Cunno shiidista:

Liintu waxay dejisaa caloosha waxayna ka qaybta qaadataa in si caafimaad leh cunnada loo shiido. Liin dhanaanta oo lagu darsado biyo kulul waxay dheefshiidka ka nadiifisaa sunta, waxayna wanaajisaa cunno shiidista. Intaas waxaa dheer, shaaha leh waxa ku yar kaarbohydareetyada waxaana ku badan ganka (fibre) kaas oo caawiya cunno shiidista xilliga uurka kana hortaga calool istaagga.

Caafimaadka maqaarka:

Liin dhanaantu waxay qaadaa unugyada dhintay ee maqaarka. Sida oo kale, shaaha liinta leh, wuxuu leeyahay awood lur-bi’iye taas oo ka hortaga finanka, nabraha iyo cillada eczema. Finanka xilliga uurka badanaa waxaa lala xiriiriyaa khalkhalka hormoonnada ee xilliga uurka.

Check Also

biyaha hooyada uurka leh, biyo cabista

Xadiga Biyaha Ay U Baahan Tahay Hooyada Uurka leh Maalintii

Jirka oo hela biyo ku filan waxa ay muhiim u tahay bad qabka iyo caafimaadka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *