Waxaa jira lammaanayaal badan oo da’a da’a ahaan aad u kala wayn. Inta badan xiriiradan ninka ayaa aad uga wayn gabadha. Hadaba waa maxay sababta ragga waaweyn ay u jecel yihiin guurka gabdhaha yaryar?
Waxaad isweydiinaysaa waa maxay waxa soo jiita ee ninka ku kallifa inuu guursado gabar aad uga yar. Sii akhri si aad wax ugu ogaato sababaha keeni kara in ninku uu jeclaado gabar aad uga yar.
Dareen dhalinyaronimo:
Qofna ma jeclo in uu xaqiiqsado in uu duqoobay iyo in waayihii dhalinyaronimadu ay tageen. Sidaas awgeed, ragga waawayn qaarkood waxay jecelyihiin inay waqti la qaataan dumarka da’da yar si ay uga qayb qaataan howlaha dhalinyarta sida isbedellada cusub, iyo raacdaynta riyooyinka nolosha. Waxa ay qalbiga ka dareemaan nolol cusub iyo inay weli dhalinyaro yihiin.
Ragga qaar, inay la socoto gabar qurux badan marka ay joogan goobaha ay bulshadu isku timaado waxa ay ka helaan kalsooni. In gabar ka yar ay rabto aad ayay ugu riyaaqaan, waxayna dareemaan in ragga kale ay ka maseerayaan.
Waxay dareemaan in la danaynayo:
Dumarka da’da yar waxa soo jiita ragga waawayn sababtoo ah waxay ku dareensiyaan xasilooni iyo kalsooni nafsad ahaan iyo jir ahaanba. Sidaas si la mid ah, ragguna waxay baahi u qabaan qof dareensiiya in la rabo, waxayna aaminsan in taas ay ka helayaan guurka gabdhaha yaryar.
Waxay jecelyihiin inay wax hagaan:
Lammaanahu marka ay is le’eg yihiin ama da’a ahaan aad iskugu dhow yihiin, inta badan ma jecla qof markasta wacdiya. Balse gabdhaha yar yar waxay rabaan inay wax bartaan, mana diidayaan inay dhageystaan casharrada la tijaabiyay ee nolosha. Iyadoo dhinaca kale, ragga waawayn ay jecelyihiin inay la wadaagaan waayo-aragnimadooda iyo inay xaaskooda da’da yar ku hagaan jidka toosan.
Waxa ay fursad u helaan inay la qabsadaan dhibaatooyinka da’a dhexaadka:
Ragga ku jira bartamaha da’da 40-ka iyo 50-ka, waxay u nugul yihiin burburka nafsiga ah iyo niyad jabka. Waa marka ay raadiyaan qofka garab istaagga oo ka caawiya sidii ay u dareemi lahaayeen xasilooni iyo nolol xiiso leh. Guurka gabadha ay aad uga wayn yihiin waxay ka helaan dareen qanaaco iyo inay weli yihiin kuwo soo jiidasho leh. Waxa ay u arkaan in haweeney ka yar ay jeclaato ay nafsad ahaan u dejinayso.
Waxay rabaan kontarool:
Marka labada qof ay isle’eg yihiin ama aad iskugu dhow yihiin da’a ahaan, waxaa ninka ku adkaan karta in xiriirka uu kontaroolo. Si kastaba ha ahaatee, marka ninka uu aad uga wayn yahay gabadha badanaa isaga ayaa hogaamiya reerka, sababtuna waa da’diisa iyo waayo-aragnimadiisa. Hadaba marka ninku uu raadinayo reer isaga uu u taliyo waxa uu doortaa gabar ka yar.
Dhaqan:
Dumarku inay guursadaan ragga waawayn ee odayaasha ah waa arrin taariikh ahaan soo jireen ah. Ragga ayaa lagu dhiirragelin jiray inay guursadaan gabdhaha yaryar si ay uga caawiyaan howlmaalmeedka iyo inay sare u qaado kaalinta uu bulshada kaga jiro.
Caruurta:
Ragga waawayn waxay aaminsan yihiin in haweenka da’da yar ay bacrinimadoodu ama awoodooda uuraysigoodu ay ka wanaagsan tahay haweenka waawayn. Dumarka ay da’doodu ka hoosayso da’da 30 jirka, bayologi ahaan, fursadda uur qaadistoodu way ka badan tahay haweenka ku jira da’da 30-ka ama dhaafay. Rag qaar si ay caruur u dhalaan ay u guursadaan gabdhaha da’a ahaan aad uga yar.
Waxyaabaha ugu badan ee soo jiita ragga waxaa ka mid ah firfircoonidooda dhalinyaronimo iyo quruxda gabdhaha yaryar. Soo jiidashadani waa mid weligood soo jirtay.
W/Q: Hirsi Ahmed