Sababaha Kena Mandheerta is Hortaagta Soo Bixitaanka Uurjiifka

mandheerta, uur iifka

Mandheerta waa xubin ku sameysanta gudaha ilmo galeenka inta lagu guda jiro waqtiga uurka, mandheerta waxey ogsijiin iyo nafaqo siisaa uurkujirka sidoo kale waxey saartaa wasakhda uu uurjiifku soo bixiyo. Mandheerta waxay isku xirtaa jirka hooyada iyo kan uurjiifka. Inta badan mandheerta waxey ku dhegan tahay qeybta kore ama dhinacyada minka.

Mandheerta is hortaagta soo bixitaanka uurjiifka waxey dhacdaa marka mandheerta ay qeyb ama gebi ahaanba ay daboosho ilmo mareenka hooyada. Mandheerta is hortaagta soo bixitaanka uurjiifka waxey sababi kartaa dhiig bax dhaca xiliga uurka iyo xiliga dhalmada.

Dhaqaatiirta waxey ku baraarujiyaan hooyada ay haleesho xaaladaan iney ka fogaadaan shaqooyinka sababi kara foolqabasho sida sameynta galmada, kadaloobsiga iyo boodboodka.

Hooyada waxey u baahan naataa in ilmaha looga soo saaro qaliin, hadii xirirtaanka uusan iskiis u hagaagin.

Astaamaha iyo calaamadaha

Dhiig midabkiisu ifaya xanuun la’aan ah oo yimaada qeybaha dambe ee uurka ayaa ah calaamada ugu weyn ee lagu garto mandheerta xirta uurjiifka, sidoo kale dumarka qaar waxey dareemaan foolqabasho.

Hadii dumarka la ogaado iney qabaan xaalada noocaan oo kale xiliyada hore ee uurka waxaa suurta gal ah in ay iskeed u bogsato maadaama uu minka sii korayo.

Sababaha mandheerta is hortaagta soo bixitaanka uurjiifka

Wax yaabaha sida dhabta ah u sababa mandheerta xirta uurjiifka lamaa garanayo

Halista keeni karta

Arintaan waxey caan ku tahay dumarka:

  • Horay usoo dhalay cunug
  • Dhaawac horay u soo gaaray ilmo galeenka sida qalliin hore, burooyinka minka iyo taariikh hore oo ilmo xaaqitaan ah
  • Uurka la ah in ka badan hal cunug
  • Da’doodu ay ka weyn tahay 35 sano
  • Caba sigaarka ama isticmaala maandooriye

Dhibaatooyinka ka dhalan kara xaaladaan

  • Dhiig bax. Dhiigbaxa wuxuu noqon karaa mid aad u daran oo halis geliya nolosha hooyada, wuxuu dhici karaa xiliga foosha ama saacada kooban dhalmada kedib
  • Dhiigbax daran wuxuu sababayaa in hooyada qalliin looga soo saaro cunaga xitaa hadii uusan sagaalka bil uusan dhameysan.

Baaritaanka

Mandheera ooda ilmo mareenka waxaa lagu baaraa qalabka loo yaqaano Ultrasound. Waxaana la arkaa arintaan saddexda bil dhexe ee uurka. Baaritaanka waxaa laga yaabaa inuu u baahado laba qalab oo mid lagu fiiriyo uurkujirta halka midka kale lagu fiirinayaa xubinta taranka

Hadii dhaqtarka uu ka shakiyo xaaladaan wuxuu inta badan ka foogaanayaa sameynta wiisitada siilka ee joogtada ah si loo yareeyo inuu dhiigbax dhaco.

Daweynta

Majiraan qaab dawo ama qalliin oo lagu suuliyo mandheerta ooda ilmo mareenka balse waxaa jira siyaaba kala duwna oo lagu maareeyo dhiig baxa ka dhasha xaaladaan

Maareynta dhiigbaxa waxey ku xiran tahay arimo badan sida:

  • Xadiga dhiig baxa
  • Dhiigbaxa ma istaagay
  • Uurka waa imisa bilood
  • Caafimaadka hooyada
  • Caafimaadka uurjiifka
  • Booska mandheerta iyo kan uurjiifka

Hadii xaaladan aysan soo hagaagin waxa la isku dayaa sidi uurka loogu dhaweyn lahaa xiliga ku haboon dhalmada. Hadii aysan kasoo hagaagin waxaa qasab ah in hooyada lagu sameeyo qalliinka dhalmada.

Hadii uu jiro dhiig bax yar ama uusan jirin

Dhaqaatiirta waxey kula talinayaan in hooyada ay nasato.

Waa muhiim in la raadiyo daryeel caafimaad oo degdeg ah hadii ay hooyada isku aragto dhiigbax dib usoo noqday ama kasii daray.

Dhiig bax daran

Dhiig bax daran wuxuu u baahan yahay daryeel caafimaad oo degdeg ah, hadii dhiigbaxa uu ka sii daro waxey hooyada u baahan kartaa in lagu shubo dhiig.

Dhaqtartka wuxuu badanaa sameynayaa qalliinka si hooyada looga soo saaro uur jiifka hadii uurku uu gaaray 36 todobaad.

Check Also

biyaha hooyada uurka leh, biyo cabista

Biyo Intee Le’eg Ayay U Baahan Tahay Hooyada Uurka leh, Waa Maxay Se Astaamaha Hadii Ay Biyuhu Ku Yaraadaan

Jirka oo hela biyo ku filan waxa ay muhiim u tahay bad qabka iyo caafimaadka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *