Xaaladda daalka joogtada ah (Chronic Fatigue Syndrome) waa mid cuuryaamineysa nolol maalmeedka qofka waxaana lagu tilmaamaa mid wadata daal aad u daran. Daal aan tageynin xita marka la nasto kedib. Xaaladaan waa mid aan loo aaneyn karin iney ka dambeyso xaalad caafimaad. Xaaladaan waxaa sidoo kale loo yaqaanaa “Myalgic encephalomyelitis” ama “Systemic exertion intolerance disease”.
Maxaa sababa daalka joogtada ah?
Sababta dhabta ah waa mid aan si sax ah loo fahansaneyn. Hasa yeeshee cilmi baarayaasaha waxey qiyaasaan in ay ka dhalato fayrus iyo cadaadiska dhiiga oo hoos udhaca, difaaca jirka oo daciifa iyo isku dheeli tirnaan la’aanta hormoonada jirka. Arimahaas oo dhan waa kuwo qeyb ka qaadan kara xaaladda daalka joogtada ah.
In kastoo ay xaaladaan soo ifbixi karto kedib marka jirka uu ku dhaco infekshan ka dhashay fayrus, ilaa iyo hadda ma jirto infekshan loo sababeeyay.
Dadka qaba xaaladda daalka joogtada ah waxey mararka qaar qabaan difaaca jirka oo hoos udhaca, laakin dhaqaatiirta ilaa iyo hadda ma oga in ay tahay arin sababi karto xaaladaan, sidoo kale dadka qaba xaaladaan waxaa u sii wehliya isku dhexyaacsanan ka jirto habka hormoonada.
Waa maxay astaamaha daalka joogtada ah?
Astaamaha waa kuwo ukala duwan dadka iyo kuwo ku saleysan darnaanshaha xaaladaan. Astaanta ugu caansan waa daal daran oo joogta ah kaas oo faragelin ku sameeya nolol maalmeedka qofka. Si xaaladaan loo ogaado waa in qofku uu dareemaa daal ugu yaraan lix bilood oo xiriirta, daalkaas oo ah mid aan dhamaanin xitaa marka qofku uu nasto, sidoo kale daalka waxaa weyhliya ugu yaraan afar astaan oo kamid ah kuwa soo socda:
- Xusuusta oo lunta ama feejignaan la’aan
- Daal la dareemo marka laga soo tooso hurdada
- Hurdo la’aan joogta ah
- Murqo xanuun
- Madax xanuun soo noqnoqda
- Kala goysyo badan oo xanuuna ayagoon barar laheyn
- Cunaha oo xanuuna marar badan
- Quunka iyo qanjiraha kilkisha oo danqada
Waxaa sidoo kale la dareemi karaa daal xad dhaaf ah marka qofka uu jirka ama maskaxda ka shaqeysiiyo. Daal raaga in ka badan 24 saacadood shaqadaas kedib.
Sidee loo ogaadaa xaaladaan?
Xaalada daalka joogtada ah waa mid culeyskeeda wadato marka la rabo in la ogaado in qofku uu qabo iyo in kale. Ma jiraan baaritaano lagu sameeyo qofka oo sheegi kara xaaladaan, astaamaha xaaladaan waxaa lawadaago xaalado caafimaad oo badan. Dad badan oo qaba xaaladaan uma muuqdaan inuu haayo xanuun, sidaa darteed waxaa macquul ah ineysan dhaqaatiirtu garan inuu jiro xanuunkaan.
Si loo ogaado xaaladaan iney jirto waa in qofku uu dareemo ugu yaraan afar kamid ah astaamaha kor ku xusan, iyo sidoo kale daal aan nasiino lagu daweyn karin, daalkaas oo la dareemo ugu yaraan 6 bilood iyo kabadan.
Waa muhiim in meesha laga saaro iney jiraan xaalado caafimaad oo qarsan oo ku sababaya in qofku uu dareemo daal joogta ah. Xaaladaha qaar ay astaamaha wadaagaan xaaladaan waxaa ka mid ah:
- Mononucleosis
- Lyme disease
- Multiple scelerosis
- Lupus (SLE)
- Hypothyroidism
- Fibromyalgia
- Major depressive disorder
Waxaad dareemi kartaa astaamaha xaaladaan hadii aad tahay qof saa’id u cayilan ama qaba xaaladaha niyad jabka. Sidoo kale waxaa jira dawooyin qaar oo keeni kara astaamahaan.