Sababaha Keeno Dilaaca Xuubka Dhegta Iyo Sida Loola Tacaali Karo

xuubka dhegta, maqalka dhegaha,

Dilaaca xuubka dhegta waa marka duleel ama jeex yar uu ku sameysmo durbaanka dhegta ama xuubka maqalka waxaana loo yaqaannaa “ruptured eardrum”. Xuubku maqalka waa cad khafiif ah kaas oo kala bara qeybta dhexe iyo qeybta banaanka ee kannaalka dhegta.

Xubkaan wuu ruxmaa marka dhagta uu soo galo hirarka dhawaaqa codka, waxaad wax ku maqashaa ruxmashada xuubka dhegta uu ruxmo, sidaa darteed waxaa dhaawac soo gaari karo maqalkaaga mar hadii durbaanka dhegta uu dhaawacmo. Marar dhif ah dhaawac soo gaaro durbaanka dhegta wuxuu horseedi karaa in maqalka uu si joogta ah u lumo.

Maxaa sababa dilaaca xuubka dhegta

Infekshan

Waxa ugu badan ee dalooliya durbaanka dhegta waa infekshan, gaar ahaan caruurta.

Marka dhegta uu ku dhaco infekshan waxaa ku uruursamo dhegta dareere kaas oo kor uqaadi kara cadaadiska ka jira gudaha dhegta sidaasna waxaa ku dilaaci kara xuubka maqalka.

Cadaadiska dhegta oo isbedela

Dhaqdhaqaaqyada kale ee horseedi kara in cadaadiska gudaha dhegta uu sababo dilaaca durbaanka dhegta waxaa ka mid ah

  • Ciyaarta dabaasha
  • Ku safridda diyaarad marar badan
  • Ku noolaanshaha deegaan aad usareeya

Dhaawac ama jug

Dhaawac wuxuu daloolin karaa durbaanka dhegta, sidoo kale jug kasta oo ku dhacda agagaarka dhegta ama dhabanada waxay keeni kartaa god ku sameysma xuubka maqalka. Sidoo kale qoryeynta ama dhukay saarka dhegta wuu sababi karaa hadii aadan si fiican uga taxadarin.

Dhawaqyada dheer waxay sababi karaan dhaawac soo gaara durbaanka dhegta hase ahaatee ma ahan kuwo caan ah

Waa maxay astaamaha dilaaca xuubka dhegta

Xanuun ayaa ah astaanta ugu weyn ee lagu arko dadka dhaawac uu kasoo gaaro durbaanka dhegta, dareenka xanuunka waa mid ukala duwan qof kasta, dadka qaar xanuunka wuxuu uyahay mid daran qaarna wuu u khafiif sanyahay, sidoo kale wuxuu noqon karaa xanuuun joogo maalinti oo dhan ama mid kor ukaca ma hoos udhaca.

Badanaa dhegta waxay bilowdaa iney dareeriso dareerihi ku ururay gudaha dhegta. Durbaanka dhegta wuu dilaacsan yahay markaan, dareeraha kasoo baxayo dhegta waxay noqon karaan biyo biyo, dhiig leh, ama malax ka buuxdo.

Qofka waxaa laga yaabaa inuu haleelo maqal la’aan ku meel gaar ah ama in awooda maqalka uu hoos uga dhaco dhegta xanuunsan, waxaa laga yaabaa qofku inuu dareemo dhawaac dhacaya oo uu ka dareemo dhegta dhibaateysan.

Hadii durbaanka dhegta uu soo gaaran dhaawac daran waxaa laga yaabaa qofku inuu dareemo astaama kale oo dheeri ah sida wareer ama tabar darri murqaha wajiga

Sidee loo daweeyaa dilaaca xuubka dhegta

Badanaa daweynta waxaa loogu tala galay in lagu yareeyo xanuunka iyo in la yareeyo ama laga hortago in infekshan uu ka dhasho dhegta xanuunsan, sidoo kale waxaa xanuunka lagu yareyn karaa guriga ayadoo la isticmaalayo wax diirac oo dhegta lasaaro iyo xanuun baabi’iye.

Qalajiyaal

Waxaa qalajiyaha loogu tala galay in lagu nadiifiyo infekshanka kaas oo horseedi karo in uu dhaawacmo durbaanka dhegta, dhaqtarka waxaa laga yaabaa inuu kuu soo qoro qalajiye laga qaato afkaa ama mid lagu dhiijiyo dhegta.

Qaliin

Marar dhif ah waxaa loo baahan karaa in qaliin lagu hagaajiyo dilaac soo gaaray durbaanka dhegta, qaliinkaan waxaa loo yaqaannaa “tympanoplasty”.

Talo:

Durbaanka dhegta marka uu dilaaca isaga ayaa iskiis u bogsado inta badan ayadoo loo bahan qaliin ama dawo, dadka uu ku dhaco waxaa laga yaabaa iney dareemaan maqal gab kumeel gaar ah, inta bandanna waxaa lagu bogsadaa 3 ilaa 4 bil gudahooda.

Si sara loogu qaado bogsashada waxaa fiican in qofka uu yareeyo inuu diifsado sababtoo ah diifsashada waxay kor uqaadaa cadaadiska ka jira gudaha dhegta, sidoo kale waa muhiim in dhegta laga ilaaliyo qoyaan si loo fududeeyo bogsashada loogana dhowro in infekshan uu ka dhaco gudaha dhegta, waxaad gelin kartaa suuf xiliga aad qubeysaneysid si biyaha aysan ugalin gudaha dhegta, sidoo kale waxaa laguugla talinayaa inaadan dabaal tagin ilaa iyo inta ay dhegta ka bogsooneyso

Check Also

xanuunka dhimirka, islaweynida,

Xanuunka Dhimirka Ee Qofku Ismoodsiiyo Inuu Dadka Kale Ka Sarreeyo

Qabka iyo in qofku uu naftiisa aqoonsadaa, waa mid ka mid ah fureyaasha guusha. Waa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *