Sababaha Keena Baraha Madow Ee Maqaarka Ku Samaysma

baraha madmadow, wajiga, findoobka

Baraha madow iyo coodhcoodhka maqaarka sababtoodu ma’aha gabowga oo keliyi, balse waxaa jira sababo kale oo qofka ku keeni kara xitaa isaga oo aan gaadhin da’dii gabowga. Waxaa ka mid ah fallaadhaha qorraxda oo in badan maqaarka ku dhaca, fin doobka oo qofka ku xumaada ama aan si habboon loo daweyn, dhibaato dhinaca hormoonnada ah, xanuunnada maqaarka ku dhaca, iyo faytamiinnada qaar oo jidhka ku yar. Sida oo kalana waxaa keena adeegsiga kiriimada iyo walxaha kale ee la isku qurxiyo iyo dawooyinka qaarkood.

Warbixin ay shabakadda Aljazeera ka soo xigatay Shabakadda arrimaha caafimaadka ka faalloota ee FBR oo laga leeyahay dalka Ruushka ayaa Olga Simchenko waxa ay tirinaysaa sababaha ugu badan ee keena baraha madow ee wejiga lagu arko:

KIRIIMADA IS QURXINTA EE QALDAN

Cilmibaadhisaha qaarkood ayaa lagu ogaaday in qaar ka mid ah kiriimada iyo walxaha kale ee la isku qurxiyaa ay dhibaato caafimaad gaadhsiiyaan maqaarka. Waxaana ugu badan in ay gubasho ama dahaadh madow aan dhayal ku go’ayn ah saaraan maqaarka. Sida oo kale waxa ay maqaarka ku keenaan xasaasiyad midab guurisa.

Haddaba xeeldheereyaasha caafimaadka maqaarku waxa ay ku talinayaan in qof kastaa uu la tashado dhakhatar takhasuskiisu maqaar yahay si uu u baadho maaddooyinka is qurxinta ah ee ay tahay in uu isticmaalo iyo kuwa isaga khatar ku keeni kara, kaddibna halkaas uga qiyaas qaato kiriimada iyo waxyaabaha is qurxinta ee uu iibsanayo.

FINDOOBKA OO LA TUUJIYO

Sida ay daraasaadka qaarkood tilmaamayaan waxaa jira cuntooyinka qaar kordhiya soo bixitaanka findoobka. Haddaba dhibaatada inta badan ay dadku sameeyaan ayaa ah in ay finka tuujiyaan, gaar ahaan marka uu wejiga ka soo baxo, ama in uu isticmaalo dawo-guri aanu waxtarkeeda kala tashan dhakhtarka.

Waxa ay khubarada caafimaadka maqaarku sheegayaan marka finka cadaadis faraha ah lagu burburiyo inuu aagga ku dhow oo dhan ku keeno gubasho maqaarka ah, sidaas awgeed uu ka tago raadad madow oo maqaarka laga arko.

Khubarada caafimaadka maqaarku waxa ay ku talinayaan in aanu qofku gacantiisa ku burburin findoobka, ama aanu sida dadka qaar isticmaalin macjuunka ilkaha oo uu finka mariyo, maadaama oo haddii uu finku sidan ku burburo uu keenayo raadad aan maqaarka ka guurin.

CABBISTA KHAMRIGA

Cabbista khamriga iyo guud ahaan maandooriyuhu waxa ay sababtaa engag ku dhaca maqaarka, waxa kale oo ay ay dishaa curiyeyaasha nafaqo ee jidhka. Sida oo kale isrticmaalka maandooriyuhu waxa ay daciifisaa maqaarka oo awood badan u waaya, cilmibaadhisaha lagu sameeyeyna waxa ay muujinayaan in ay sababi karaan xididdada dhiigga oo ku ballaadha oogada maqaarka.

Sidaas awgeed dadka isticmaalka maandooriyaha uu khamrigu ka mid yahay waxaa lagu arkaa baro casaan ah oo hadba meel jidhkiisa ka mid ah ka soo baxa muddo kaddibna qarsoomaha. Barahaasi waxa ay si cad uga muuqdaan wejiga iyo labada dhaban oo muddo kaddib ay ku negaadaan, waxa aanay balqiyaan xididdada tiftifeed ee dhiigga.

FALLAADHAHA QORRAXDA

Dad badan ayaa fikir qaldan ka aaminsan kiriimada laga marsado dhibaatada fallaadhaha qorraxdal laakiin waxa ay khubaradu sheegayaan kiriimada fallaadhaha qorraxda ka ilaaliya maqaarku in ay u fiican yihiin maqaarka oo ay tahay in qofku uu joogto u isticmaalo. Cilmibaadhisaha lagu sameeyey arrintan ayaa daahfuraya in suurtagalnimada in fallaadhaha qorraxdu ay sababi karaan kansarka noociisa ku dhaca maqaarka ee loo yaqaanno ‘Melanoma’.

Waxa ay khubaradu sheegeen in kiriimka maqaarka ka ilaaliya fallaadhaha qorraxdu aanu jidhka ku keeni wax dhibaato caafimaad darro ah.

Saacadaha ay fallaadhaha qorraxdu ugu sii dhibaato badan yihiin ee ay xeeldheereyaashu ku talinayaan in maqaarka lagaga daboolo kiriimka waa inta u dhexeysa 10 ka subaxnimo illaa 4 galabnimo.

ISKA JIR WASAKHDA HAWADA

Daraasaadka lagu sameeyey caafimaadka maqaarka ayaa qaarkood lagu ogaaday in dikhowga hawadu uu raad taban ku leeyahay caafimaadka maqaarka, taasina ay keento calaamadaha gabowga oo goor horeba ka soo muuqda maqaarka, iyo sida oo kale xanuunno iyo boogo ku yimaadda maqaarka.

Xeeldheereyaashu waxa ay sheegeen coodhcoodhka oo qofka ku soo degdega iyada oo ay baro madow oo maqaarka ku samaysmayaanna ku lammaan yihiin in sababtu ay tahay wasakhowga hawada, qiiqa sigaarka ama fallaadhaha qorraxda.

Sidaas awgeed waxa ay khubarada caafimaadka maqaarku ku talinayaan in laga fogaado meelaha sigaarka lagu cabbayo, iyo in qofku uu afka xidho marka uu ka shaqaynayo meelaha uu qiiqa warshadaha iyo baabuurtu ku badan yahay.

SIGAAR NUUGISTA

Sigaarku sida uu u dilo sambabada khatartana ugu yahay caafimaadka wadnaha iyo xubnaha kale ee uur ku jirta ayaa uu khatar ugu yahay maqaarka qofka nuugaya iyo cidda ka agdhow labadaba. Qiiqiisa ayaa maqaarka ku keena gabow iyo caafimaad darro sababi karta madow, sababtuna waa qiiqa oo jidhka ku dhiirrigeliya in uu yareeyo soo saarista maadadda Collagen ee muhiimadka ah.

Sigaar nuugistu isbedello bnadan oo caafimaad darro ayaa ay maqaarka ku keentaa, waxaa ka mid ah in ay lumiso dhalaalka dabiiciga ah, in ay nuglayso iyo in ay engajiso, sbaana u noqoto in baro midab casaana leh ama madow ahi wejiga ka soo baxaan. Maadadda Nicotine ee ku jirta sigaarka ayaa iyaduna sababta in ay cihdiidhi noqdaan xididdada dhiigga ee mara maqaarka qaybtiisa sare, taas oo sababta in dhiiggu uu ka xidhmo.

ISTICMAALKA DHIDID TIRTIRAHA

Dadka qaar ayaa madow ku yeesha kilankillooyinka iyo hareerahooda, sababtuna waa xiirista timaha labada kilinkillo iyo isticmaalka maaddooyinka lagu kaxeeyo urta kilinkillada ee leh alkahoosha / Isbiirtada. Baadhiso caafimaad oo arrintan lagu sameeyey ayaa lagu ogaaday in waxyaabaha asaasiyadda ugu badan keena ay ka mid yihiin kiriimada iyo maaddooyinka ‘Mariska’ ah ee kilinkillada la mariyo si urta aan fiicnayn loo tirtiro ama dhididka loo joojiyaa.

Xeeldheereyaasha caafimaadku waxa ay ka digaan in xiirista timaha kilinkillada ka hor ama kaddib wax kiriim ama walax kale ah la mariyo, gaar ahaan haddii ay ku jirto maaddooyin alkahool ahi.

KU MAYDHASHADA BIYAHA

Dad badan ayaa ku raaxaysta in ay ku maydhaan biyo diirran, gaar ahaan xilliga qaboobaha jiilaalku jiraan, laakiin dhakhaatiirta caafimaadka maqaarku waxa ay sheegeen in heerkulka sarreeyaa uu dhaawac gaadhsiin karo maqaarka, isla markaana uu keeno engag maqaarka ku dhaca, cuncun, olol ama gubasho iyo boogo ku samaysma maqaarka.

Waxaa fiican in lagu maydho biyo aan qabow iyo kulayl midna ahayn oo dabiici ah. Maydhashada kaddibna waxa uu maqaarku u baahan yahay in la engajiyo, iyada oo la iska ilaalinayo in tuwaalka la isku xoqo, kaddibna waa in la dhaashadaa jidhka oo dhan.

ISTICMAALKA CADARRADA

Marka la Isticmaalka cadarrada leh alkahoosha iyo maaddooyinka kale ee kiimikada ah in qorraxdu ay jidhka ku dhacdaa waxa ay khatar ku tahay caafimaadka maqaarka.

Waxa ay khubaradu sheegeen in dhibaatada ay arrintani leedahay ay tahay mid aan dhaqso u soo bixin, balse muddo dheer kaddib uu qofku isku arko raadadka caafimaad darro ee ka dhasha in cadceeddu ay ku dhacdo maqaarka oo leh cadar, ama maqaarka oo cadar leh oo uu qofku ku dhidido, ama xitaa maqaarka oo cadar leh in ay dabayshu ku dhacdo ama huurka cimilada.

Sidaas awgeed iska jir in aad maqaarka mariso cadarrada leh alkahoosha ama kiimikada badan, haddii aad marsatana ka feejignoow in qorraxdu kugu dhacdo, ama xtaa huurka, dhididka iyo dabayshu in ay maqaarka toos ugu dhacaan.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Check Also

quruxda iyo caafimaadka, 40 jir

Haddii Aad 40 Jir Tahay, Qaababkan U Ilaasho Quruxdaada Iyo Caafimaadkaaga

Marka da’da Afartan jirka laga gudbo waxaa inta badan bilowda arrimo aanu qofku marka hore …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *