Saaxiibbadu Waa Shan

Waxa la yidhaahdaa saxiibbadu waa shan:

Saaxiibka hore, waa saaxiib sida HAWADA oo kale kuu ah. Waa saaxiib haddaadan maalin arag ama is maqal aad maalin labaadda is arkaysaan ama is maqlaysaan. Waxaad isu tihiin labo aan kala maarmin, had iyo jeerna iska war haya. Saaxiibkan isaga waxaa ba laga soo qaaday in uu kuu yahay sida hawada aad ku nooshahay oo kale, isna waxaad u tahay sidaasoo kale.

Saaxiibka labaad, waa saaxiib sida BIYAHA oo kale ah. Saaxiibkan qasab ma aha inaad maalin walba is aragtaan ama is maqashaan, waa se saaxiib marka aad wax uga baahato, una dan sheegato aad wax ka helayso, iskuna hallayn karto.

Saaxiibka saddexaad, waa saaxiib sida HOOSKA oo kale ah. Waxa laga yaabaa innaadan sidaa uga war hayn, haddana isagu dushaasuu kaala socdaa. Waa saaxiib sharaftaada dhowra. Meel wax lagaaga sheegayo haddu arko, waxa ka go’an in uu ku difaaco. Kaliya intaa kuma ekee, haddii uu qudhaada wax sharaftaada wax u dhimayo kugu arkana, wuxu isku dayaa in uu ku waaniyo, kuuna nasteexeeyo.

Saaxiibka afaraad, waa saaxiib sida DAWADA oo kale ah. Saaxiibkani, waa qof xikmad badan. Badanaa wuxu kaala qayb qaataa go’aammadaada mustaqbaleed, wuxu na kuu noqdaa la taliye, inta aad nooshahayna wax yar baad isagoo kale la kulantaa. Waa saaxiib laga yaabo in aydaan had iyo jeer is arag, haddana waa qof aad qalbiga ugu hayso jacayl walaaltinimo iyo mid saaxiibtinimo.

Saaxiibka shanaad waa mid SUMAYSAN. Waa kii la yidhi halaga cararo. Saaxiibkan sumaysan, waxa lagu gartaa dhowr arrimood. Waxa ka mida:

  • Waa maslaxad eegte. Waxaad agtaada ku aragtaa maalintuu dan kaa leeyahay uun.
  • Waa kuu sheekeeye, misna kaa sheekeeye. Haddu kuu yimaaddana sheekuu kuu wadaa, markuu kaa sii socdana sheekuu kaa sii sidaa.
  • Waa qof xasaasiyad qaba. Waxa laga yaabaa hadal aad si u tidhi in uu isaga isu qaato in aad ula jeeddo. Haddaad wax sheeg is tidhaadid ba, waa qof aad ka baqanaysid in uu si xun u qaato oo uu kaa xumaado.

W/Q Mubarak Hadi

Ramadaan Barakaysan. 🙂

Check Also

qubayska biyaha kulul. hurdada, qubeeska

Qubayska Habeenkii: Biyaha Kulul Iyo Biyaha Qabow, Keebaa Hurdada U Wanaagsan?

Si aan u helno hurdo xasiloon, waxaan tijaabinaa caadooyin kala duwan iyo dawooyin. Qubayska hurdada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *