Ragga Oo Afkooda Furtay: Shan Sifood Ooysan Dumarkooda La Jeclayn!

Dhibaatooyinka ay la kulmaan ragga iyo dumarka is qaba, waxaa kamida kuwooda ugu muhiimsan kala duwanaasha hab-dhaqankee u dhaxeeya ragga iyo dumarka.

Waxaa dhacda in midkood jecelyahay xasilloonida iyo deggenaanta halka kan kale yahay qaalqaali uusan dhib kuhayn sawaxanku; waxaa kaloo dhacda in midkood yahay caadifi jecel inuu sheegto waxa qalbigiisa ku jira, halka kan kale yahay hawlkar laga dheehankaro waxa qalbigiisa ka guuxaya hab dhaqanadiisa. Kolkaa waxaa dhacda in khilaafkoodu isu rogo dagaal joogto ah kana kaca waxyaabo fudud oo lagu tusaalayn karo Sagaaradu biyaha macabtaa, mise ma cabto?

Labadoodu waa shilinka labadiisa dhinac mana aha labo warqadood oo lakala rogay (lakala koobiyey). Waxaadse arkaysaa in midi arko galdaloolada lammaanihiisa, halka uusan arag kuwiisa. Hayeeshee, maadama raggu intooda badan aysan qalbigooda waxa ku jira ka hadal (dareenkooda qariyaan), waxaanu waydiinay: maxay tahay hab-dhaqanka aadan jeclaateen in xaaskaadu yeelato?

Faro-gashiga afaaraha ninka.

“Waxaa jirta dhaqan ay leedahay xaaskaygu oo aanan jeclaysan kaas oo ah, inaysan oggolayn inaan kaligay ahaado mararka qaar. Kali ahaantaasu maaha inaan qol hoosta kasoo xiranayo, ee waa inaan naftayda la sheekaysanayo. Waan ogahay inay jiraan rag badanoo arintaa ka cabanaya.

Arintaa markaan ku jiro xaaskaygu, waxay la qaadan kartaa waqtigeeda saaxibadeed. Waa inay fahantaa in baahidaydaas aysan ahayn jacaylkaan u hayoo yaraaday ama dareen tabanoo iyada aan ka qabee uu yahay hab-dhaqan raggu leeyahay.” Sidaa waxaa ku dooday Axmed oo guurkiisa laga joogo hadda 15 sano.

Waa lagu kala duwanyahay Ihtimaamka lasiinayo lammaanaha noloshadaa, oo qofba sibuu u arkaa. Waxaa farqi u dhaxeeya Ihtimaamka iyo dhabqinta.

Axmed wuxuu sii watay hadalkiisa isagoo leh:”walbahaar ayaan ku dareemaa soo galida xaaskaygu ku samayso arrimahayga gaarka ah iyo dhiibashada talooyin mar walba. Maxaa yeelay, raggu idil ahaantoodba ma jecla in xaasaskoodu galaan arimahooda qaar ayagoon u baahan. Haddaay baahi timaado ninku isagaa waydiisanaaya garab xaaskiisa”

2. Tix gelin la’aan iyo gaagixin.

Aragtidaan ayuu dhiibtay Yaasir C/xamiid “Guurka kadib raggu waxay u muujiyaan jacaylkood qaabay ka muuqato hawlkarnimo ayna kuyartahay Roomaansiyadu. Shaqada oo laga soo dhalaalo iyo waajibaadka kaa saaran biilka reerka oo lagutaayi aragti ahaantayda waa cadayn buuxda oo jacaylkaan u hayo xaaskayga ah.

Balse markaad xaaskaaga kaga waydo tixgelin waad niyad jabaysaa. Ayna ku tiraahdo si toosa ii taabsii jacaylkaad ii hayso”

Jamasho aan loo baahnaayn

Maxamed Al-Sayid oo asagu lix iyo toban sano xaas ahaa si furcaddi leh ayuu u hadlay, wuxuuna yiri: “Waxyaabaha aan ku kahdo xaaskayga waxaa kamida, waxay ii dirsanayso waxay kusoo beegaysaa waqti xun sida: anoo gaatata-dhaca oo shaqada ka imi markaa ayeey dirsanaysaa alaab. Dalabka iyo jamashada badan baa iyaguna kamid ah waxyaabahaa.”

Wuxuu ku sii daray: “waxay noqonaysaa inaad si taxadar leh u dhagaysatid, adoo la rafaadsan daalkii shaqada ee maantoo dhan aad haysay. Halkii aad raaxaysan lahayd”

Moobayl baarista.

Shaki joogto oo ku dhisan waxyaabo mala awaal ah ayaa keenaya in raggu ka cararaan iska hor imaad iyo in lafariisiyo kursiga dambi baarista saad uga foogaato eedaynta joogtada ah iyo inaad gasho is difaacid

” Yaa kula hadlaayey? Xagee aadaysaa? Yaad raacaysaa ama la hadlaysay? Maxaa keenay? Waa su’aalaha caanka ah ee ku sugayaa kolkaa si aan uga fogaado yooyootankaa aan dhamaadka lahayn, ayaan u jeclahay inaan saaxiibaday wada cawaayno oo aa guriga ku noqon xili hore.

Ma garan karo runtii sirta ka dambaysa kalsooni darada xaasaskayaga” Maxamed ayaa sidaa yiri.

Gacan ku hayn.

Camar Xasaam, wuxuu ka cabanayaa gacan ku hayta. Isagoo yiri:” sifooyinkaan xaaskaygu leedahay ana karhado waxaa kamida, inay jeceshay hantiyid iyo gacan ku haaynta. Nin kastaa wuxuu leeyahay waxyaabo ku xeeran ay waajib tahay inuu xaqooda guto sida Ehelka ama xiriirada saaxiibka shaqada, saaxiibadii waxbarashada iwm.”

Wuxuu intaa raaciyey” In lagu dareensiiyo in qofi gacanta kugu hayo adigoo dhan, waxay u egtahay maamulada kali-taliska ah oo awoodana ku takri fala wax kastana gacanta ku haya. Maamuladaasu waxay doonayaan muwaadin 100% ayaga aaminsan.

Waxaa kasii xanuun badan marka lagu dareensiiyo inaad tahay muwaadin heerka labaad ah, waa marka caruuri dhashaan oo lasiiyo mudnaanta koowaad”

Fadhiyada laab xaarnaanta si looga gudbo caqabadaha.

Waxay leedahay Daktooradda Ducaa Raajix oo ah khabiirad xiriirada lamaanaha: Raggu sida dumarkoodaay qabaan cabashooyin. Waxaa dhacda in dumarku cabashooyinkooda la wadagaan saaxiibadood, markaay wada qaadanayaan kulamadooda gaarka ah ama baraha bulshadaba.

Nasiib xumaduse waxay tahay, qaabka ay u cabbiraan cabashooyinkaa baa waxay yihiin si wax dhaawacaysa ama niyad jab abuuraysa. Oo aan ku dhiiri galinayn lamaanaha kale in lays fahmo, laysu garaabo ama garawshiyo lakala helo.

Waxaan rajaynayaa inay bartaan lammaanuhu siday u marayn lahaayeen fadhiyada ay wada qaadanaayeen ee laab isku furka ah. Haddii kale waxay ahaan doonaan kuwo ayagoo aamusan hoos ka gubta, ama midkoodba u hadlo si cunfi ah uusan garawshiyo kahelin lamaanihiisa. Taasoo keeni doonta in dildilaac ku yimaado gurigii la dhisaayey.

Qorshaha xalka

Khabiiradda arimaha lamaanaha ee Ducaa waxay cadaysay: Fadhi kasta waxay ka hadlayaan hal arin ninku dhibsanaayo iyo mid gabadhu dhibsanayso. Waxayna samaynayaan qorshe si loo xaliyo arintaa xumaynaysaa xiriirka.

Tusaale ahaan isagu wuxuu ka cabanayaa inay rabto gacanta inay ku qabato, halka iyadu ka cabanayso ihtimaan la’aan. Waxaa la rabaa in xalka loo rogo hawl maalmeed uu dhaho saanan u dareemin gacan ku haayn sidaa sameee sidaana ha samayn iyaduna saasoo kalaay dhahaysaa.
Waxay cadaysay Daktoorad Ducaa: in isbadalku qaadanaayo waqti dheer si xal loo gaaro. Waxaana haboon in laysu xasuusiyo markasta wixii lagu hishiiyey si qabaaw ayadoon canaani lasocon. Taasu waxay keenaysaa in xal laga gaaro mushkiladda.

Maadama yoolku yahay isu soo dhawaynta kala aragti duwanaashaha lamaanaha, uusanna ahayn cadaynta cidda garta leh. Waxaa haboon in loo dul yeesho gaabiska ku yimaada hawlaha qaaree lagu hishiiyey.

Waa iska dabiici in is beddelka qaar uu u baahanyahay waqti si uu salka u dhigto uuna isugu badala caado. Waa haddii laabtu xaarantahay ayna jirto doonis dhabihi sidii loo hagaajin lahaa xiriirka.

W/Q: Sara Jamaal.
W/T: Madasha Tarjumaadda Hoobaan

Tix-raaca maqaalka asalka ah:

Aljazeera.net

Check Also

xiriirka lamaanaha isqaba

Hal arrin Oo Burburin Karta Xiriirka Lamaanaha iyo Sida Loo Xallin Karo

Si kasta oo lamaanuhu ay iskugu niyad wanaagsan yihiin, hadana waxaa soo wajihi kara caqabado …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *